Taariikh Nololeedkii Marxuum Cabdilaahi Jire Ducaale(1928-2014) Oo Ahaa Siyaasi Caan Ah oo Geyiga Somalidu degto laga wada-yaqaan..Qoyskiisa oo Masaajid Waqaf ah Ka Dhisay Xaafada Bada-cas ee Magaalada Hargeysa

0
Wednesday February 07, 2018 - 04:33:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh Nololeedkii Marxuum Cabdilaahi Jire Ducaale(1928-2014) Oo Ahaa Siyaasi Caan Ah oo Geyiga Somalidu degto laga wada-yaqaan..Qoyskiisa oo Masaajid Waqaf ah Ka Dhisay Xaafada Bada-cas ee Magaalada Hargeysa

    Taariikh Nololeedkii Marxuum Cabdilaahi Jire Ducaale(1928-2014) Oo Ahaa Siyaasi Caan Ah oo Geyiga Somalidu degto laga wada-yaqaan..Qoyskiisa oo Masaajid Waqaf ah Ka Dhisay Xaafada Bada-cas ee Magaalada Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikh Nololeedkii Marxuum Cabdilaahi Jire Ducaale(1928-2014) Oo Ahaa Siyaasi Caan Ah oo Geyiga Somalidu degto laga wada-yaqaan..Qoyskiisa oo Masaajid Waqaf ah Ka Dhisay Xaafada Bada-cas ee Magaalada Hargeysa
Hargeysa(Xogreebnews)-Waxaanu idiin soo gudbin doonaa alle haw naxariistee taariikh nololeedkii marxuun Cabdilaahi Jire Ducaale oo ahaa siyaasi caan ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawlada somalilandn iyo dawladii burburtay ee soomaaliya.
Marxuum Cabdillaahi Jire Ducaale, wuxuu dhashay sannadkii 1928, waxaanu ifka kaga tagay Hooyo Shukri Cumar Xaashi oo u dhashay 7 wiil iyo afar hablood iyo ubadkii ay sii dhaleen oo ay tiradoodu tahay 26.
Marxuum Cabdillaahi Jire, wuxuu sannadkii 10/9/1946 ku biiray dawladii British protectorate oo uu u shaqeeyay muddo sannad ah, isagoo markii dambena u wareegay wadanka Sucuudiga.
 18 bilood ka dib markii uu ka soo noqday Sucuudigana wuxuu dib ugu biiray shaqii dawladda, waxaana sannadkii 1951
loo bedelay waaxda Kastamada ee magaalada Berbera oo uu ka shaqaynayay 13 sannadood, waxaana sannadkii 1964 loo doortay Baarlamaankii Somaliya, ka dib markii ay Somaliland iyo Somaliya midoobeen.
Marxuum Cabdillaahi Jire Ducaale, 1967 markii uu Madaxweynaha Somaliya noqday Cabdirashidi Cali Sharmaarke islamarkaana uu Marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal noqday raysalwasaare, waxa loo magacaabay wasiirka horumarinta reer miyiga iyo iskaa wax u qabsada oo uu hayay ilaa bishii February ee 1968, isagoo bishii March 1968 noqday wasiirka maaliyadda isagoo xilkaas hayay ilaa doorashadii 1969.
Mudadaas uu ahaa wasiirka maaliyadda waxa Marxuum Jire lagu xasuustaa qorshayaashii horumarineed ee uu u dejiyay nidaamkii maaliyadeed ee Somaliya, isagoo heshiisyo la soo saxeexday dhawr wadan oo uu ka mid ahaa wadanka Jarmalka oo ay heshiiska kala saxeexdeen wasiirkii maaliyadda ee Jarmalka, waxa kale oo jiray heshiis kale oo isla sanadkaas uu ku saxeexay dalka Maraykanka kaas oo ay wada galeen hay'adda IMF(World Bank),Isla Bishii March ee sannadkii 1969 waxa uu mar kale ka miq noday Baarlamaankii Somaliya, isagoo mar kale noqday wasiirka horumarinta reer miyiga iskaa wax u qabsada.
Maalintii 15 Oktoobar 1969 ee magaalada Lascanod ee gobalka Sool lagu khaarajiyay madaxweynihii Somaliya, wuxuu Marxuum Cabdillaahi Jire ka mid ahaa weftigii la socday. Markii 21 Oktoobar ee uu Maxamed Siyaad Barre inqilaabka kula wareegay talada wadankii Somaliya, wuxuu Cabdillaahi Jire ka mid ahaa xubno dawladda iyo Baarlamaankii wakhtigaas ka tirsanaa oo lagu xidhay hoygii loo yaqaanay Villa Afgooye ee Muqdisho, waxaanay ka koobnaayeen 24 nin oo 18 ka mid ah la sii daayay, iyadoo lix xubnood oo ay ku jireen Marxuum Jire iyo Marxuum Cigaalna xabsiga lagu reebay ilaa sannadkii 1974. Hase yeeshe waxa Marxuum Jire  la sii daayay 6 Oktoobar 1974, isagoo sannadkii 1978 bishii Julay u wareegay dhinaca wadanka Sucuudiga oo uu joogay ilaa 1981.
Alle haw naxariiste Marxuum Cabdillaahi Jire, markii ay Somaliland xorriyadeeda la soo noqotay wuxuu Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Ibrahim Cigaal sanadkii 1993 ka codsaday inuu dib u habayn ku sameeyo waaxaha kastmaada ee Somaliland, halkaas oo uu ka sameeyay horumarka tisqaaday ee ay ilaa maanta ku shaqeeyaan kastamada Somaliland, waxaanu markii uu hawshaas soo fuliyay ka dib uu xilkii iska casilay, isagoo Marxuum Cigaalna ka aqbalay, ugana mahadceliyay sida uu u garab istaagay wakhtigaas adag.
Marxuum Cabdillaahi Jire Ducaale, wuxuu ahaa oday samo-talis ah, cibaado badan, dhaqan wanaagsan oo gacan furnaa, waxaanu caan ku ahaa taageerista dadka baahan, isagoo sidoo kale mar walba garab istaagi jiray dhallinyarada kala duwan ee doonaysa inay nolosha horumar ka sameeyaan.
alle haw naxariistee Marxuun  Haji Abdillahi Jirreh Ducaale oo ayaa masaajdka Khaalid Binu Waliid ka sameeyey xaafada Badda Cas ee magaalada Hargeysa sanadkii 2005, iyada oo ay ku beegnayd bil ramadaan kowdeed.
wuxuu ugu deeqay dhul cabbirkiisu dhan yahay lix Jago iyo dhismahaba. Sannadkii 2016 bishii September ayaanu dibu habeeyn casri ah iyo balaadhin ku sameeynay.
Shalay oo Feb. 2/2018 oo maalin jimce ah ayaanu furnay oo Allah subxaanahu watacaala nagu guuleeyay.
Sannadihii hore waxaa ku tukan jiray 700 ragga, dhinaca dumarkana 300.
Imika dhismahan cusub waxaa insha Allah ku tukan kara illaa 5,000 ragga, dhinaca dumarkana ilaa 1,000 ruux. Wuxuu Masjidkan leeyahay qolkii maydka lagu maydhayay, 2 service room, parking badan oo baaxad leh oo wada mar-mar ah.
Waxaan halkan uuga mahad  celinayaa in illaahay ka abaal maryo dib u dhiskan dambe ee Masjidka walaalkay(saaxiibkay from Halane Secondary School) Sh. ALI ABDALLAH iyo Qoyska ABDILLAHI JIRREH oo dhan. Ballanteenu waa inaynu Camirno iyo cibaado suuban insha Allah.

Halkan hoose ka eeg masaajidka Khaalid Binu waliid oo dib-loo furay.

Image may contain: indoorImage may contain: outdoorImage may contain: outdoorImage may contain: sky and outdoorImage may contain: cloud, sky and outdoorNo automatic alt text available.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured