Fadeexad: Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil oo Qarka u Saaran inuu Fashilmo Iyo Xiisad ka Taagan Shaqaale uu Wasiirka Macdantu Qabyaalad kaga Soo Qortay Deegaanka Beeshiisa ee Bariga Burco+ Gadoodka Bulshada Deeganka Baadhista laga samaynaayo...

0
Wednesday February 07, 2018 - 02:18:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad: Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil oo Qarka u Saaran inuu Fashilmo Iyo Xiisad ka Taagan Shaqaale uu Wasiirka Macdantu Qabyaalad kaga Soo Qortay Deegaanka Beeshiisa ee Bariga Burco+ Gadoodka Bulshada Deeganka Baadhista laga samaynaayo...

    Fadeexad: Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil oo Qarka u Saaran inuu Fashilmo Iyo Xiisad ka Taagan Shaqaale uu Wasiirka Macdantu Qabyaalad kaga Soo Qortay Deegaanka Beeshiisa ee Bariga Burco+ Gadoodka Bulshada Deeganka Baadhista laga samayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexad: Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil oo Qarka u Saaran inuu Fashilmo Iyo Xiisad ka Taagan Shaqaale uu Wasiirka Macdantu Qabyaalad kaga Soo Qortay Deegaanka Beeshiisa ee Bariga Burco+ Gadoodka Bulshada Deeganka Baadhista laga samaynaayo...
Berbera(Xogreebnews)-Wasiirka wasaarada Macdanta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa ku hawlan sidii uu u fashilin lahaa mashruuca Sahaminta Shidaal ee Shirkadda Ras al Khaimah (Rak Gas) ka wado gobolka Saaxil, gaar ahaana deeganada kala ah Laasa-dacawo, Bahalaley iyo Laaleys oo dhinaca Waqooyi ka xiga Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Wasiir Jaamac Cigaal, ayaa in muddo ahba waday dhaqdhaqaaqyo kala duwan, kuwasoo isaggu jira dabiino qabyaaladeysan iyo kuwo uu ku cadho-gelinaayo dadweynaha ku nool dhulka Shirkadda Ras al Khaimah (Rak Gas) ka samaynayso mashruuca Sahaminta. Kaddib markii uu cunaha iskaga duubey, isla markaana faro-gelin qaawan ku sameyey shaqaalaha ka hawlgeli doona mashruucan sahaminta oo Wasirku kasoo wada qortay Deeganka bariga Burco oo u kasoo jeedo, sidoo kalena waxa uu Wasiirka Macdantu madax-waaxeedyada mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil dhamaantood ka wada dhigay Caa'ilada Beesha uu kasoo jeedo. Waxa kaloo iyanna wax lala yaabo ah markii uu wasiirku Saldhigga Shirkaddu degeyso uu ka dhigay deegaan ay degto isla Beeshiisu oo ka fog dhulka laga samaynaayo baadhitaanka Shidaal, kaasoo jihada Bariga ka xiga Magaaladda Berbera, iyadoo ujeedada uu ka leeyahayna uu ku sheegay Wasiirku inay tahay in dhaqaale deegaankiisu ka helayo oo Shirkaddu waxka Iibsan doonto deegaankiisa.
Tallaabooyinkan isaggu jira qabyaalada badheedhka ah ee Wasiir Jaamac Maxamuud Cigaal qorsheystay, ayaa cadho iyo gadood ku abuuray Bulshada ku dhaqan deegaanada Shirkaddu ka samaynayso sahaminta ee gubanka Berbera, kuwasoo bilaabay shirar iyo kulano xidhiidhsan Magaalooyinka Laaleys, bahaleley iyo Laaso-dacawo oo lagaga arinsanaayo cuna-qabateynta xuquuqdoodu wasiirku ku duudsiyey. Dadweynaha deeganadaas, ayaa ku tilmaamay hab-dhaqanka Wasiirka Macdanta mid aan loo dul-qaadan karin, isla markaana aanay sinnaba ku aqbaley shaqaale lagaga keeno deegaano kale, kuwasoo ku doodeen inay xaq u leeyihiin in shaqaalaha mashruuca iyo madax-waaxeedyadduba in laga qoro bulshada deeganka Sahaminta laga samaynaayo, iyagga la'aantoodna aanu mashruucu taako dhaqaaqi doonin. 
Teeda kale, Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta madaxabanaan, ayaa shaaca ka qaaday in Wasiirka macdantu tallaabooyinkan uu qaaday uu ugu talo-galay inuu ku fashiliyo mashruuca, isla markaana uu ka badheedhay in bulshada deegaanada sahaminta laga samaynaayo diidmo iyo iska hor imaad ku qaabilan markay iska dhex-waayan shaaqaalaha iyo hawlwadeenada mashruuca, taasoo aakhirka ku dambayn doonta sidii ay u fashilmi jireen mashaaricdii hore ee shidaal baadhista ahaa ee deeganada Oodweyne, Waraabeeye iyo caynaba oo ka horyimaadeen dadweynaha deegaanku markii la musuqmaasuqay shaqaalihii deeganaddu xaqa u lahaayeen.
Halkan hoose ka eeg shaxda qabyaaladeysan ee Wasiirku ku qorsheeyey shaqaalaha mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil.
1.Ray –Gas (wakiilka shirkadda Ras al Khaimah) waxa uu kasoo jeeda Beesha wasiirka Jamac Maxamuud Cigaale.
2.Wakiilka shirkada samahinta ee Chines ah, waxa uu kasoo jeeda Beesha wasiirka Jamac Maxamuud Cigaal.
3.Madaxa kallunka ee Shidaal Baadhista, waxa uu kasoo jeeda Beesha wasiirka Jamac Maxamuud Cigaal.
4.Madaxa isku xidhka bulshada iyo hayada waxa uu kasoo jeeda Beesha wasiirka Jamac Maxamuud Cigaal.
5.Mareeyaha petrolka gobolka saaxil waxa uu kasoo jeeda Beesha wasiirka Jamac Maxamuud Cigaal.
Sidoo kale waxa uu wasiirku mashruucan usoo qortay 24 shaqaale ka ah, oo kasoo jeeda jeeda Beesha wasiirka Jamac Maxamuud Cigaal.
La soco qaybaha dambe ee Warbixino daaha ka faydi doono qabyaaladda uu ugu Ku wanqalay ama u Ku shaasheeyey wasiirka Cusub ee Macdantu mashruuca sahaminta Shidaal ee gobalka Saaxil.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured