Sidee Loo Kala Saarayaa habka shaqo Ee Af-hayeenka Madaxweynaha Iyo Af-hayeenka Dowladda?.Cabdilaahi Axmed Caarshe

0
Sunday February 04, 2018 - 04:54:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1878
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Loo Kala Saarayaa habka shaqo Ee Af-hayeenka Madaxweynaha Iyo Af-hayeenka Dowladda?.Cabdilaahi Axmed Caarshe

    Sidee Loo Kala Saarayaa habka shaqo Ee Af-hayeenka Madaxweynaha Iyo Af-hayeenka Dowladda?.Cabdilaahi Axmed Caarshe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidee Loo Kala Saarayaa habka shaqo Ee Af-hayeenka Madaxweynaha Iyo Af-hayeenka Dowladda?.Cabdilaahi Axmed Caarshe
Sidee Loo Kala Saarayaa habka shaqo Ee Af-
Inta badan waxaynu ku soo aragnay xukuumadihii somaliland u kala danbeeyey, gaar ahaana xukuumadii ugu danbaysey ee uu hoggaaminayey madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud {Sillanyo}, iyada oo la isku haysto ama lagu murmayo cida ku hadlaysa afka dowladda, afka xukuumadda ama afka madaxweynaha.
Ma jirto cid kala saartay habka shaqo ee ay kala leeyihiin Af-hayeenka madaxweynaha {President Spokesman}, af-hayeenka dowlada oo ah wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacgelinta somaliland, oo isna u xil-saaran in uu ku hadlo afka dowladda.
Shaqada Af-hayeenka Madaxweyne
Af-haween madaxweyne maaha wax adduunka ku cusub, waa shaqo muhiim ah oo ka mid ah qaab-dhismeedka dowladnimo, gaar ahaana af-hayeenka madaxweynuhu waxaa markasta metelaa oo ku hadlaa af-ka madaxweynaha uu wakiilka ka yahay.
Af-hayeen madaxweyne, waxaa uu soo  uruuriyaa dhamaan xogaha iyo war bixinaha laga baahiyo wadankiisa, hadii ay tahay wararka ay baahiyaan warbaahinta shisheeye {foreign Media}, ama wararka ay baahiyaan warbaahinta dalkiisa, si uu ogaado waxaa dalkiisa laga baahiyey, isaga oo warbixinaha uu soo uruuriyo la wadaagaya madaxweynaha, jawaabna ka bixinaya kuwa u baahan in laga jawaabo.
Af-hayeenka madaxweynuhu, waxaa isku xidhaya madaxtooyada iyo warbaahinta, isaga oo diyaarinaya qaabka warbaahinta loola hadlayo ama shirka jaraa’id uu madaxweynuhu u qabanayo, sidoo kalena diyaarinaya qaabka iyo hadal qoraalka madaxweynuhu la wadaagayo warbaahinta, su’aalahana u qaybinaya warbaahinta isaga oo u maamulaya qaab dhexdhexaadnimo oo aqoon ku dhisan.
Af-hayeenka madaxweynuhu waxaa uu goob joog ka ahaanayaa dhamaan kulamada madaxweynuhu la yeelanayo wufuuda caalamiga ah, ururada bulshada, shirka golaha wasiirada, shirkasta oo siyaasadeed oo madaxweynuhu hoggaaminayo waxaa uu ka noqonayaa qayb, sidoo kale af-hayeenka madaxweynuhu waxaa uu ka mid noqonayaa safarada madaxweynaha ee dalka dibediisa iyo gudihiisaba si uu warbaahinta ula wadaago safarka madaxweynaha.
Af-hayeenka madaxweynaha waxaa ku waajib ah in uu ka jawaabo dhaliilaha loo soo jeediyo madaxtooyada, sidoo kale uu bixiyo warbixin joogto ah sida wiigii mar ama labadii wiig mar, isaga oo bulshada u soo bandhigaya waxyaabaha dalka ku soo kordhay iyo waxyaabaha xukuumada u qabsoomay, iyada oo bulshada lala socodsiinayo.
Af-hayeenka madaxweynuhu waa in uu lahaadaa aqoontii shaqo, ee warbaahineed, aqoontii xidhiidhka caalamiga, waa in uu fahmaayaa wararka ay qoraan warbaahinta dibeda , waa in uu ahaato qof lagu qanci karo jawaabta uu bixinayo, waa in uu ahaadaa qof u diyaarsan marka uu warbaahinta isa soo hortaagayo.
Shaqada Af-hayeenka Xukuumadda ama Wasiirka Warfaafinta.
Dunidan casriga ama wadamada aduunka kama jiro af-hayeen xukuumadeed ama wasiir Warfaafineed, balse nidaamkan waxaa isticmaala wadamada Afrika, oo hoggaamiyaasha wadamadaasi ay u adeegsadaan si loo qaririyo dhaqankan xun ee hoggaamiyayaasha afrika caanka ku yihiin ee ketisnimo iyo si ay xukunka ugu haystaa muddo dheer, iyaga oo uu markasta difaacayo af-hayeen xukuumadeed oo ah wasiir Warfaafineed.
Waana dhaqankii laga bartay hoggaamiyihii Nasiga Germalka Adolf Hitler, oo dagaalkii labaad ee aduunka wasiirkiisa Warfaafinta ka dhigtay Paul Joseph Goebbels, kaasoo ahaa shaqsigii ugu beenta iyo Propaganda badnaa inta la ogyahay taariikhda aduunka, waqtigii lagu jirey dagaalkii labaad ee aduunka.
Sidee ayay U wada shaqaynayaan Af-hayeenka Cusub ee Madaxweynaha somaliland iyo Af-hayeenka Xukuumaddu?


Markasta shaqsiga ku hadlaya afka madaxweeynaha waxaa uu noqonayaa af-hayeenka madaxweynaha somaliland, waxkasta oo ka soo baxaya aqalka madaxtooyada oo la shaacinayo waxaa shaacinaya af-hayeenka madaxweynaha somaliland, kulankasta oo madaxweynuhu goob joog ka yahay, kaasoo lala wadaagayo waarbaahinta waxaa la wadaagaya af-hayeenka madaxweynaha, go’aamada ka soo baxaya golaha Wasiirada waxaa warbaahinta la wadaagaya af-hayeenka madaxtooyada.
Af-hayeenka- xukuumadda oo ah wasiirka warfaafinta ayaa ka hadlaya dhamaan go’aamada dowlga ah, sida difaaca dalka, qaab ka loogu jawaabayo dowlad shisheeye waxaa ay maraysaa af-hayeenka dowlada, sidoo kalena af-hayeenka dowlada ayaa ka jawaabayaa dhamaam dhaliilaha ka imanaya asxaabta siyaasadda somaliland. 

Gunaanad

Waxaa la gudboon af-hayeenka cusub ee madaxtooyada iyo af-hayeenka xukuumadda oo ah wasiirka warfaafinta, in ay fahmaan qaab shaqo ee mid kastaaba uu waajib u leeyahay, waxaana muhiim ah in aan mar danbe la maqal af-hayeenkii madaxtooyada iyo af-hayeenkii xukuumada ayaa hadalkii isku qabsaday, midkastaaba waa in uu shaqadiisa fahmo oo kartideeda la yimaado.
Cabdilaahi Axmed Caarshe, Hargeisa, somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured