Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dalka Ku Soo Guryo Noqday Safar Uu Mudo Ugu Maqnaa Ingiriiska

0
Saturday June 01, 2013 - 09:12:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1095
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dalka Ku Soo Guryo Noqday Safar Uu Mudo Ugu Maqnaa Ingiriiska

    Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii isaga iyo wefti uu Hoggaaminayay oo jaaliyadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii isaga iyo wefti uu Hoggaaminayay oo jaaliyadda

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dalka Ku Soo Guryo Noqday Safar Uu Mudo Ugu Maqnaa Ingiriiska

Berbera(xogreebnews.com

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii isaga iyo wefti uu Hoggaaminayay oo jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska kala qeyb galay sanad guuradii 22-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland.

Madaxweyne Ku xigeenka Md. C/Raxmaan Saylici oo ka soo degay madaarka Berbera waxa ku soo dhaweeyay Wasiirka madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), Badhasaab Ku xigeenka Gobolka Awdal, Maayar Ku xigeenka Boorame iyo Maamulka Gobolka Saaxil.

Sidoo kale waxa weftiga kaga hortagay Tuuladda Awbarkhadle Wasiir Ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), iyo Gudoomiyaha Ha’yadda Abaabul ka saarka qaranka Jamaal Caydiid Ibraahim.

Md. C/Raxmaan Saylici oo qolka nasashada ee madaarka Berbera ugu waramayay saxaafadda ayaa ka waramay ujeedadii socdaalkoodii oo qaatay muddo sadex todobaad ka badan, waxaanu u mahad celiyay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska.

Madaxweyne Ku xigeenka oo ka hadlayay socdaalkoodii waxa uu yidhi “Muddo sadex todobaad ah ayaan ka maqnayn dalka, iyadoo safarkayagu ahaa safar qorshaysan oo xukuumadda Somaliland ugu tallo gashay in Jaaliyadaha dibadda lagala qeyb galo xafladii 22 guuradda ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland. Aniguna waxaan hoggaaminayay wefti kala qeyb galay jaaliyadaha UK, ,munaasibaddii 18-kii May

Jaaliyadaha Ingiriisku waa jaaliyadaha ugu weyn jaaliyadaheena dibada waxaanan kala qeyb galay dabaal-degii,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Runtii si wanaagsan bay noogu dhacday dad midaysan oo meel u wada jeeda ayaanu u tagnay, xaflado aad u qurux badan oo London kow ka ahayd, iyo sadex magaalo oo kale ayaanu xaflado kaga qeyb galay, iyadoo ay jeclaayeen magaalo kastaaba inaanu u tagno waxaanay aad u danaynayeen madaxda Somaliland. Intii noo suurto gashay afar magaalo oo waaweyn ayaan kaga qeyb galnay. Arrintaasi midho weyn ayay dhashay.

Waxaan maanta kaga nimid dadkii oo midaysan oo meel u wada jeeda oo himiladii ay hiigsanayeen 22-kaas sanadood iftiinka u socda ay fahamsan yihiin inay wax ku gaadhi karaan iyagoo wada jir ah.”





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured