Fadeexad: Wasiirka Macdanta oo Todobadkan loo Dhaariyey Xilka Wasiirnimo oo Shaqalaha Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil Qabyaalad kaga soo qoray Deeganada Sanaag iyo Bariga Burco Iyo Gadoodka Bulshada Gubanka Saaxil

0
Monday January 29, 2018 - 03:57:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2080
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad: Wasiirka Macdanta oo Todobadkan loo Dhaariyey Xilka Wasiirnimo oo Shaqalaha Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil Qabyaalad kaga soo qoray Deeganada Sanaag iyo Bariga Burco Iyo Gadoodka Bulshada Gubanka Saaxil

    Fadeexad: Wasiirka Macdanta oo Todobadkan loo Dhaariyey Xilka Wasiirnimo oo Shaqalaha Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil Qabyaalad kaga soo qoray Deeganada Sanaag iyo Bariga Burco Iyo Gadoodka Bulshada Gubanka Saaxil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexad: Wasiirka Macdanta oo Todobadkan loo Dhaariyey Xilka Wasiirnimo oo Shaqalaha Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil Qabyaalad kaga soo qoray Deeganada Sanaag iyo Bariga Burco Iyo Gadoodka Bulshada Gubanka Saaxil
Hargeysa(Xogreebnews)-Wasiirka Macdanta Somaliland Md. Jaamac Maxamuud Cigaale, οο khamiistii todobaadkii la soo dhaafay loo dhaariyey xilka wasiirnimo inuu bulshada Somaliland ugu adeegayo cadaalad iyo sinaan, kana dheeraanayo eex, qaraabo kiil iyo cid jeclaysi, ayaa durba u banbaxay qabyaalad iyo qaraabo kiil uu ku Kala soo-caayo bulshada.
Kaddib markii uu heshiis sahamin-shidaal Shirkad Jayniis ah kula galay inay ka baadho gobolka Saaxil, gaar ahaana deegaanada dhinaca Guban sahamin Shidaal.
Wasiir Jaamac Maxamuud Cigaale, oo isaggu gacantiisa ku qoray shaqaalaha mashruuca Sahaminta shidaal ee laga baadhayo deegaanada Laaleys, laasa-dacawo iyo bahalaley, waxa uu shaqaalaha ku koobay, isla markaana ka dhigay Beesha uu kasoo jeeddo, isaggoo ka ilaaliyey bulshada deeganka Shirkaddu sahaminta shidaal ka bilaabayso.
Wasiirka macdanta Jaamac Maxamuud Cigaale, waxa kaloo uu mashruuca madax uga dhigay, isla markaana ku naas-nuujiyey Shaqsiyaad caa'iladiisa ah, kuwasoo uu qayb-qayb ugu taxay madax-waaxeedyada mashruucan. Hase-yeeshee hab-dhaqanka qabyaaladeysan ee Wasiir Jaamac Maxamuud Cigaale, ayaa ka cadheysiiyey bulshada ku dhaqan deegaanadaas, oo iyaggu xaq u leh inay ka shaqeeyan mashruuca sahaminta shidaal ee deegaankooda laga samaynaayo ama qayba ka noqdan, waxana deegaanadan guban ee gobolka Saaxil la yaabeen Wasiirkan durba iyadoo dhaarintii mansabka qaran ee u ku idman yahay laga joogo maalmo kooban, hadana deegaankii sahanka shidaal uu ka baadhayey dul keenay shaqaale uu qabyaalad kaga keensaday deegaankiisi, kaasoo kasoo qortay, Sanaag iyo bariga Burco oo u kasolk jeedo dhalasho ahaan. Sidoo kale mashruucan ayaa ah shaqadii u horeysay ee Wasiirku bilaabo.
Halkan hoose ka akhri madax-waaxeedyada shaqaalaha mashruuca oo dhamaantood kasoo jeeda Beesha Wasiirka.
1.Ray –Gas (wakiilka shirkadda Ras al Khaimah) waxa uu kasoo jeeda Beesha wasiirka Jamac Maxamuud Cigaale, 
2.Wakiilka shirkada samahinta ee Chines ah, waxa uu kasoo jeeda Beesha wasiirka Jamac Maxamuud Cigaale.
3.Madaxa kallunka ee Shidaal Baadhista, waxa uu kasoo jeeda Beesha wasiirka Jamac Maxamuud Cigaale.
4.Madaxa isku xidhka bulshada iyo hayada waxa uu kasoo jeeda Beesha wasiirka Jamac Maxamuud Cigaale.
5.Mareeyaha petrolka gobolka saaxil waxa uu kasoo jeeda Beesha wasiirka Jamac Maxamuud Cigaale.
Sidoo kale waxa mashruucan iyagguna shaqaale ka ah 24- hawl-wadeen kuwasoo iyagguna kasoo jeeda Beesha wasiirka Jamac Maxamuud Cigaale.
La soco qaybaha dambe ee Warbixino daaha ka faydi doono qabyaaladda uu ugu Ku wanqalay ama u Ku shaasheeyey wasiirka Cusub ee Macdantu mashruuca sahaminta Shidaal ee gobalka Saaxil.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured