Hiigsiga Dekedda Berbera iyo Himilada Waxqabadka Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi!. W/Q Farxan Guuleed Daahir Warsame

0
Monday January 22, 2018 - 02:57:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hiigsiga Dekedda Berbera iyo Himilada Waxqabadka Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi!. W/Q Farxan Guuleed Daahir Warsame

    Hiigsiga Dekedda Berbera iyo Himilada Waxqabadka Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi!. W/Q Farxan Guuleed Daahir Warsame

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hiigsiga Dekedda Berbera iyo Himilada Waxqabadka Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi!. W/Q Farxan Guuleed Daahir Warsame
Sida lagu caddeeyay Murti Carbeed, waxa Maareeyaha wanaagsan lagu tilmaamay nolosha badhkeed, maxaa yeelay, maamulku waa fulinta iyo hirgelinta barnaamijka iyo qorshaha u degsani qaran, hay’ad, mashruuc, urur, qoys iwm. Maamulka waa cilmi iyo aqoon la barto, loogana soo baxo jaamacado iyo dugsiyo, mana ahaa in qofkasta noqon karo maamule ama mareeye, sida dadka qaarkii u maleynayaan. Waxa kala hormariya dadka, dowladaha ururrada iyo qoysas kuba waa maamul, waa hogggaan wanaagsan sababtoo ah maamulkasta waxaa hirgeliyaa oo ka  dambeeya maskax wanaagsan oo leh aqoon maamul ama hoggaamin. Sida caadiga ah, dadku waxay is-weydiyaan marka qof loo dhiibo xil sare, aqoontiisa, kartidiisa iyo dad wadiddiisa, waana saddax sheey oo lagama maarmaan u ah maamulka iyo maareynta.
Haddaba, waxan tusaalayaasha usoo qaatay inaan iftiimino gudashada waajibaadkiisa shaqo ee Maareeyaha Dekedda Magaaladda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo isaggu muddo kooban oo u hayey xilka, qaranka usoo hooyey guulo lama ilaawan ah. Mareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa dekedda loo dhiibay xilli ay karaysay, isla markaana la ciir-ciireysay mushkiilado tiro beelay, waxanay dekeddu ahayd meel dhinac kastaba dab kaga baxaayo, waxanay xilligaas ahayd mid ay al-baabaddu u xidhnayeen, oo aanay waxba ka socon. Khilaafyada waqtigaas ugu darnaa ee Dekedda Berbera xidhay waxay ahaayeen shaqo joojintii shaqaalaha, shaqo joojintii ganacsatada iyo khilaafyo badan oo maare loo waayey oo ka dhex istaadhmay shacabka deegaanka iyo shirkadda maamusha dekedda ee DP World.
Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo markii uu hawsha bilaabaybaa waxa uu ku guuleystay xalinta khilaafkii shaqaalaha iyo ganacsatada iyo weliba Dp World, waxanu dib isla maalmo gudahood albabada ugu furay dekedda Magaaladda Berbera oo ah dhuunta keliya ee ay ku tiirsan tahay shacabka Somaliland ee ay wax kala soo deggaan.
Sidoo kale maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu muddo afar bilood ka yar uu durba ku guuleystay inuu laban-laabo shaqada Dekedda, waxanay waqtigii hore ay ahayd 12-saacadood oo keliya meel shaqeysa, waxanu hadda ka dhigay 24-ka saacadoodba Deked shaqeysaa, teeda kale waxa laban laabmay badeecadaha kasoo degga dekedda oo kor u kacay kala badh, waxa kaloo xusid mudan inuu Maareeyaha Dekeddu ku sanduleeyey inay qalab soo gaadhsiiso Shirkadda DP World, iyadoo uu weli ku daba socdo mashaariico tiro badan oo kale, kuwasoo la filaayo in horaanta sanadkan ay bilaabman sida Dhismaha Dekedda cusub iyo qalabeynta Dekeddeena shaqeysaa.
Sida darteed Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu masuuliyadii qaranka ee u hayey uga soo baxay si xawaaraheeddu sarreeyo.waxanu sameeyey isbedel muuqda oo umadda wax taray. Waa maareeye suurta geliya is-beddelka adduunka aynu ku higsanayno, waa masuul ku dedaalaya inaynu dhaafno dadalal inagga horreeya, waa masuul leh khibrad iyo karti, waxanu ku taagan yahay dhabbaha guusha Eng. Siciid Xasan Cabdilahi waa shaqsi ay is leeyihiin wax-qabadkiisa (ficilka), taasina waa ta aadamuhu sameeyo kuwooda ugu mudan. Kartida iyo hufnaanta maareyntu waa ta qudha ee suurta gelisa in waddan kaga badbaado (baxo) xaaladdaha adag.
W/Q
Farxan Guuleed Daahir Warsame.
Farxangul@gmail.com
Hargeysa/ Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured