"..Haddii Salaadiinta, Cuqaasha iyo Nabad-doonnadu shaqadooda garanayaan Agoonta lama boobeen..Xukuumadda waxaanu leenahay Caddaalad-baa Dadka midaysa, reerro ma mideeyaan, Xisbiyo ma mideeyaan, ee Caddaalad-baa midaysa". Sh. Aadan-Siiro

0
Saturday January 20, 2018 - 00:23:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "..Haddii Salaadiinta, Cuqaasha iyo Nabad-doonnadu shaqadooda garanayaan Agoonta lama boobeen..Xukuumadda waxaanu leenahay Caddaalad-baa Dadka midaysa, reerro ma mideeyaan, Xisbiyo ma mideeyaan, ee Caddaalad-baa midaysa". Sh. Aadan-Siiro

    "..Haddii Salaadiinta, Cuqaasha iyo Nabad-doonnadu shaqadooda garanayaan Agoonta lama boobeen..Xukuumadda waxaanu leenahay Caddaalad-baa Dadka midaysa, reerro ma mideeyaan, Xisbiyo ma mideeyaan, ee Caddaalad-baa midaysa". Sh. Aadan-Siiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"..Haddii Salaadiinta, Cuqaasha iyo Nabad-doonnadu shaqadooda garanayaan Agoonta lama boobeen..Xukuumadda waxaanu leenahay Caddaalad-baa Dadka midaysa, reerro ma mideeyaan, Xisbiyo ma mideeyaan, ee Caddaalad-baa midaysa". Sh. Aadan-Siiro

Hargeysa (Xogreebnews.com) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay dhibaatada Carrabku u horseedo Aadamaha, haddii loo adeegsado dhinaca xun ee ah in Bulshada la iskaga horkeeno.

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu Xukuumaddu cusub ee Somaliland u soo jeediyey inay midayso Bulshada Somaliland, isagoo sidoo kalena Madax-dhaqameedka Dalka ku canaantay inay ku mashquulsan yihiin wax aan shaqadooda ahayn.

Sheekha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu ku bilaabay sidan "Waxaan si kooban uga hadlayaa dhibaatada Carrabka. Ilaahay nimcooyinka uu Qofka bani-aadamka ah siiyey waxa ka mid ah Carrabka, Dhegaha, Caqliga, Indhaha, Nimcooyinkaa ilaahay inna siiyey waxa garanaya Qofka ay Maanta ka maqan yihiin. Nimco kasta oo ILAAHAY bixiyey waxa loo adeegsadaa laba Arrimood, mar waxa loo adeegsadaa khayrka, wanaagga iyo wax kasta oo Qofka anfacaya if iyo aakhiro, marna xumaanta ayaa loo adeegsadaa. Khudbaddan waxaanu u samaynay waxa soo baxaya hadallo badan oo deel-qaaf ah oo Dad Magacyo ku leh Mushtamaca Gudihiisa ama u haya Xilal ilaahay bixiyey oo Dadku u doorteen (Kuwaasi) oo soo kordhiyey khilaaf iyo hadallo Deel-qaaf ah oo Dalka duminaya.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu sheegay  "Carrabkaa ILAAHAY inna siiyey waa hub laba sifo leh, mar waa hub loogu adeego wanaagga iyo in Janno la tago, mararka qaarkoodna in Dadka la iskaga horkeeno oo Dagaal lagu abaabulo oo wax lagu dumiyo (ayaa loo adeegsadaa). Hadalka Dadka la isku dirayo waa fidmo, ‘Waxaad ka fogaataan fidmo haddii la shido aan ku koobnaanayn kuwii sameeyay’ ayuu Ilaahay yidhi, "Hadalka Xanafta leh dhegaysigiisa, qaadistiisa iyo sii gudbintiisa Islaamku wuu ka digay, sida ILAAHAY Qur’aanka ku sugay. Kalmad walba oo Qofka bani-aadamka ahi ku dhawaaqana waxa u taagan Cid Ilaahay u diray oo Qoraysa oo ilaalinaysa, sida ilaahay Qur’aanka ku sheegay. Waxa kale oo uu Ilaahay Qur’aankiisa ku yidhi ‘Haddii mid faasiq ahi War idiin keeno iska hubiya oo Caddeeya inta aydaan qaadanin, si Dad aan waxba ogayn ugu dhibaatayn’.

Sheekh Aadan-Siiro oo khudbaddiisa sii wata ayaa farriin u diray Xukuumadda iyo Madax-dhaqameedka Dalka "Nimankaa Madax-dhaqameedka ah waxaanu leenahay Afkiina ka adkaada oo shaqadii la idiin diray (ku ekaada). Ninka leh Suldaan baan ahay, Ninka leh Caaqil baan ahay, waa Masuuliyad ummadeed. Haddii Salaadiinta, Cuqaasha iyo Nabad-doonnadu shaqadooda garanayaan Agoonta lama boobeen, Dadku Maxkamadaha iskumay haysteen oo iyagaa (Madax-dhaqameedka) ayaa Dadka kala saari lahaa oo xaqa u kala sheegi lahaa oo waa shaqadoodii…”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Xukuumadda waxaanu leenahay Caddaalad-baa Dadka midaysa, reerro ma mideeyaan, Xisbiyo ma mideeyaan, ee Caddaalad-baa midaysa. Xukuumadda cusub waxaanu kula talinaynaa culayska saara Cadaaladda, Dadka Walaaleeya, Dadka waxa mideeya Caddaalad ee ma mideeyaan wax kasta oo kale oo laga fikiro oo la sameeyaa.”

Sheekhu wuxuu tilmaamay inaanu Dalku degayn haddaan wax la wada yeelan "Dalkan Dadku way wada leeyihiin, Talada way wada leeyihiin, khayraadka ku jira way wada leeyihiin, haddii la waayo in Dadku wax wada yeeshaan Dalku ma degayo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey "Bani-aadamka Qalbiga ayaa laga xukumaa ee Lacag iyo tiro laguma xukumo, Caddaalad ayaa lagu xukumaa. Markaa Xukuumadda waxaanu leenahay Qabaa’ilka hala heshiisiiyo, Dadkooda Caqliga leh ee wax fahmaya ha lala hadlo, kuwa Xukuumadda taageersan ee leh Doorashadii baanu ku guulaysanay waxaanu leenahay Aflagaadada Dadka ka daaya oo Dadka ha kala kaxaynina.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu ka digay in dad adeegsanaya Magaca Xukuumaddu ay baahiyaan weedho Ummadda kala kaxayn kara "Adigoo isticmaalaya Magaca Xukuumaddan bisha keliya jirta haddaad Dadka kala kaxayso dhib badan baa innagu imanaya. Nin weyn oo Ummaddu u han-weyn tahay ayaa inta uu Ummadda halkaa u soo fadhiisto Qabaa’il dhan wax ka sheegaya, Islaamkuna wuu la dagaalamay in Qabaa’ilka la ceebeeyo, wixii Dadka kala kaxaynayaana wax la caqbali karo maaha.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro oo uu hadalkiisa ku soo koobay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured