Farshaxan Qaloocshe Oo Soo Saaray Warbixin Saadaal Ka Bixinnaysa Sanadka cusub 2018-ka Iyo Nayruuska

0
Saturday January 13, 2018 - 19:30:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farshaxan Qaloocshe Oo Soo Saaray Warbixin Saadaal Ka Bixinnaysa Sanadka cusub 2018-ka Iyo Nayruuska

    Farshaxan Qaloocshe Oo Soo Saaray Warbixin Saadaal Ka Bixinnaysa Sanadka cusub 2018-ka Iyo Nayruuska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farshaxan Qaloocshe Oo Soo Saaray Warbixin Saadaal Ka Bixinnaysa Sanadka cusub 2018-ka Iyo Nayruuska

Saadaasha Nayruuska sanadka inta aynaan qorin waxaan ka horaysiin doonaa axwaasha dayax-madoobaadka.

Xarunta Dhitaynta Dhaqanka iyo Xidigiska ee Oday-ka sheekee:- SAADAASHA SANADKA 2018.
Waxa Qoray: Axmed Cali Garas (Ma-qaloocshe).
Saadaasha Nayruuska sanadka inta aynaan qorin waxaan ka horaysiin doonaa axwaasha dayax-madoobaadka weyn oo la filaayo 31 bishan jeeniweri ama 12 bisha todob oo ku began 15 jamaadul awal, iyo meerayaasha Dardaar iyo Mariikh oo muqaararadooda ku curtay sanadkani iyada oo qadarka iyo qaybkuba yahay mid allaha qaadirka ahi u sugnaaday.

Dayax-madoobaadadaiyo Qorax madoobaadba ay yihiin xisaabo alle wato oo aadamuhu arag mooyaanne shuqul ku lahayn, hadana Gedayaqaanada soo jireenada ah saadaalo kala duwan ayay ka bixinayaan bilaha iyo ayaamaha uu ku soo beegmo waxa Iyana saadaalo kala duwanle jihooyinka iyo noocyada uu u dhaco Dayax madoobaadyadu kan la filaayo arbacadan soo socota haddii alle ina gaadhsiiyo waxaa laga yaabaa habeenka bishu dayaxu tahay 15 uu dhici doono dayax madoobaad wada qarsooma kaas oo la arki doono salaada Subax dhinaga galbeedka marka Somaliland la joogo, marka madawgu wada gaadho hadana uu wada casaan ku dambayn doono dayax dhiig ama noocyo kale, hadaba tan oo kale waxa lagu sheegayaa saadaal aan fiicnayn.


Alle haynaga salaamad yeelee waxa lagu sheegayaa arimahan soo socda:
1. Cuduro bilaabma iyo xanuuno la maqlo
2. Cawrida iyo isha oo dadka ku kala dhacda.
3. Iyo Dhibaatooyin dhaca
Hadiiba uu casaan ku dambeeyo waxa la sheegayaa inuu dhiig fara badani qubto dhamaan dunida kaas oo la yimaada dagaalo iyo isku dhacyo waaweyn, waxa kale oo laga yaabaa in xoolaha nool ee adhiga xanuuno dabargo ku dhaco.

Alle haynaga najeeyee cuduradaasi waxaa laga baqanayaa Daacuun, Kansar iyo wax la nooc ah. Hadaba waxa dal iyo dadba la gudboon sadaqo weyn ama sadaqo bixin si uu alla uga salaamad yeelo dhibaabaha, sadaqadaasi iyo alle barigaasi waxa weeye neefaf cad cad adhi lo’ iyo geelba cad cadba in lagu ducaysto hor alle loo sadaqadaysto. Sidoo kale dadkii hore shay cad bay bixin jireen sida bariis cad, beed iyo salool. Ciddii alle garansiiyo mana aha in la dhagaysto kuwa jaariga diinta ka dhigta, ugaba ee sadaqo iyo siyaarooyinba diidan, Baryada alle iyo cibaadaduna waa kuwo alle marwalba inagu waajibiyay sadaqaduna waa ta alle balaayada inagaga baydhin jiray mana aha wax dadka lagu caayo aqbalkana ilaahay baa iska leh isaga ayaa aynu ka doonaynaa inuu inagaga aqbalo, HA AHAATEE,,,,,,,,,,,,,,,,,,

Balaayada cudurle ee caydhle ee cudurle, ee col le ee cibaado la’aan le dhamaanteed haynaga salaamad yeelee aamiin aamiin. Nabad iyo naxariis aakhirkana haynaga suggo. Aamiin aamiin.
Hadaynu intaas kaga gudubno axwaashii dayax madoobaada.
Saadaasha sannadkan ayaa u daran Madaxweyneyaasha iyo Boqorada taas oo laga yaabo in kuwo badani talada ka dhacaan ama ka dhintaan, saadaashu waxa kale oo ay sheegaysaa in xuduudaha laba dal oo kasta uu qarax ama dagaal ka dhici doono, dagaaladaas oo u badan mid Diimeed iyo mid Xulafooyin Urur- dawladeedyo waaweyn ka dhexeeya kuwaas oo imikadanba ifafaalahoodu muuqdo waxaa laga yaabaa inay wadamada beriga xigaa guusha ku dambeeyaan. Meelo ka mid ah dhulka ayaa laga yaabaa inay fulkaanayaal ka qarxaan oo kala dilaac dhulka ku yimaado. Runtana Rabaa og.
Inta yar ee soo jireenno hore aan ka soo gaadhay, saadaasha sebenkan oo kale Mooradiisu waa Agaalli cas ma Agaalli waran oo dayaxu ku curtay Isniin iyo sharafka dayaxa ah marka lagu daro waa lagu suureyn karaa Baraf ciid ku dhaca ama waxaa dagaal dhul biyaysan ka dhaco ama dhul biyood saxara ah, waxa kale oo laga yaabaa in dagaal biyo laysku laayo uu dhaco, waxase laysku raacsan yahay in sanadkan aanay badduhu dagaal la’aan karinba kaas oo saamaynaya waddamada badaha kulaala.
Amuuraha sannadkani wuxuu u badan yahay inqilaabyo Boqorada oo taladoodu daciifto, waxa kale oo sanadkani yeelan doonaa qabaw aad u daran siiba dhamaadka Jiilaalka ayaanu qabawgaasi badan doonaa xilliga Guga waxaa laga filayaa Roobab wanaagsan inay da’aan laakiin midhaha beeran ayaa yaraada caleenta ayaa iyadu aad u baxdo laakiin xilliga dayrta ayaa laga fishaa Roobab waaweyn oo soo saara midho aan taws lahayn tabcashada beeruhuna waxay aad ugu wacan tahay in dayrta aad loo tabcado oo beeraha loogu diyaar garoobo Runtana allaa og.
Dhinaca dadka waxa lagu alhuumeeyaa warsheeko iyo waran waryo keenta isku dir iyo iska horkeen aan fiicnayn, Xanta xunna way fiicantay in layska dhawro.
Waxa badata beenta iyo wax darran sheegga, balamaha oofintoodu ma suurto gasho haddii aan laba jeer lagu noqon, ma sugnaado oo way noqnoqasho badan yihiin arimihiisu sanadkan.

Horaanta sanadkana waxa soo bata xanuunada, xummaddaha ama qandhada, Alle haynaga najeeyee, Gaajo iyo Abaar laba sanadood ee ina dhaafay soo taxnayd Ayaan ka soo karayn lahayn ilaa laga gaadho dayrta dambe. qaarka dambe ayaa laga raystaa dhibaabahaas, Runtana rabaa og.

Dhinaca maamullada sanaddkan waxay ku kacaan ammar ku taaglayn iyo tacadiyo ay dadka u geystaan iyaga iyo xaakinnada iyo kuwa u shaqeeyaaba. Kuwaas oo soo xukuma qaraaro laga cabsado ama laga naxo. Salaadiinta xukumadooduna wuu sii daciifaa, Runtana Alla Og.

Shirkadaha iyo dadka wax isku darsadana muran iyo isku dhacbaa ku iman, Qoysaska ayaa Khilaafku ku bata ama soo kala dhex gala iyadoo oo laga yaabo in ninka iyo gabadha war xun loo kala geeyo, marka aynu milicsano Mansilka ama Godka uu dayaxu ku curtay waa ka lixaad ee Faraacida waana Xuduudka Saca-wadaha, taas la odhan jiray "SACaan SAC ka dambayn oo laga yaabo inay Lo’du ku jirto xoolaha sanadkan laga caydhoobayo” waxaanu 26 darajo kaga jiray Burjiga (Sawrka ama Torous ama lo’da). Hadiiba uu isniinta ku bisho waxa la filan jiray Barako iyo Roobabka oo bata iyo Safarada ama dadka dhoofka ku maqan oo faaiido weyn la kulma, Dharka iyo Xaragada oo bata, Guurka iyo islaaxa ama heshiisyada oo bata, wax kala iibsiga iyo macaamilooyinka oo kordha, midhaha bisil oo soo bata.

Culimada oo barakadooda la arko, shaacirka ama abwaanada oo Iyana barakadooda soo banbaxdo, Tuugta oo yaraata, shimbiraha, Ayaxa iyo Kaluunka oo soo bata ayaa la arkaa, waxa kaloo dhimashadu ku badataa Saaxiriinta iyo dadka Gaboobay. Runtana Rabaa Og.

Saadaasha sanadka waxa laga yaabaa in nin Suldaan weyni si qarsoodi ah u dhinto ama si aan la ogayn taas oo laga yaabo in Madaxweyne dhintay la qariyo oo geeridiisa aan dadka loo sheegin.

Sannsaanka Mooradan iyo maalintan Isniineed oo ah maalintii Xaawa Aadan laga abuuray isla maalintan oo la sheegay inuu dhashay Abihii labaad Nuux oo ehlu sharaf ahaa, sidaa awgeed waxa soo ifbaxa warkii maqnaa ayaa la ogaadaa (Khabaru Qaa’ib) waa maxay warka maqnaa ee la sugayaa?

Warkaa qaa’ibka ahaa ayaa siyaalo kala duwan loo kala macnaynayaa ama la helayo laakiin culimadda sirtu u furan tahay waxay u badinayaan in warkani imanayaa uu yahay MAHDIGII la sugayay kaas oo sanadkan dhalanaya ama soo baxayaa. waxaana loo daliishanayaa Xisaabta Kelendarka sannadka islaamka oo noqonaya 1440. Marka uu buuxsamo waxa la sheegayaa inay buuxsantay Xisaab Aakhiru duniyaa, waxaana la galayaa Waa kale oon lahayn kuwii hore taas oo Islaamka u ah Nasri ay filayeen. "Xisaabtaa waxaad ka heli kartaa marka hore soo saar 24 saacadood oo min 60 minit ahi ama habeenka iyo maalinta oo laysku daray inta mini tee ay soo baxaan, waxad ku dhufataa ayaamaha sanadka Dayaxa oo ah 354 hel inta mini tee sannadku yahay. Meel ku dhigo tiraae minitka sanadka. Hadana waxaad soo saartaa minirka ayaamaha Kelendarka islaamka soo jiray Tusaale ahaan 1440 X 354. Tirada ay kuu soo baxdo waxaad isu eegi Tiradii sanadka minitkiisii haday isku mid noqdaan waxaa laga saadaalinayaa in marka ayaanta mirid laga dhigo uu sanad cusubi ka bilaabmayo xaga Islaamka ama marka aad sanadka islaamiga ah ka dhigto minitka maalinta iyo habeenka oo labadooduba 1440 minit = 24 saac, 1440, Sanadood. Waxaad ogaanaysaa in waa cusubi ka beryaayo xagga islaamka inuu Mahdigii noqdana waa suurta gal, khayrkiisana alle hayna siiyo aamiin aamiin. Runtana Allaa Og.
Waxa Qoray: Axmed Cali Garas (Ma-qalooc
she).



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured