Madaxweyne Maxaanu Kugu Aamina Inaad Waxka Qabanaysid Musuq-maasuqa?. Siduu Tuugu U fekeraa? (Cilmi-Nafsiga Musuq-Maasuqayaasha. Faallo Cabdicasiis Bashiir Nuur

0
Thursday January 11, 2018 - 05:20:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Maxaanu Kugu Aamina Inaad Waxka Qabanaysid Musuq-maasuqa?. Siduu Tuugu U fekeraa? (Cilmi-Nafsiga Musuq-Maasuqayaasha. Faallo Cabdicasiis Bashiir Nuur

    Madaxweyne Maxaanu Kugu Aamina Inaad Waxka Qabanaysid Musuq-maasuqa?. Siduu Tuugu U fekeraa? (Cilmi-Nafsiga Musuq-Maasuqayaasha. Faallo Cabdicasiis Bashiir Nuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Maxaanu Kugu Aamina Inaad Waxka Qabanaysid Musuq-maasuqa?. Siduu Tuugu U fekeraa? (Cilmi-Nafsiga Musuq-Maasuqayaasha. Faallo Cabdicasiis Bashiir Nuur
Hanti-lunsi, xattooyo, wax-isdaba marin, iyo laaluush waa qaar kamid ah ereyo lala xidhiidhiyo mararka qaarna leh macne u dhow ama u dhigma ereyga (Musuq-Masuq) waana ereyo micne taban leh oo xumo ku caan-baxay. Musuqu waa wax liddi ku ah horumarka, waa aafo koboca dhaqaale ragaadisa, waa soo-if-bax caadiga ka baxsan, waa saqajaannimo ku dhex fidi karta bulshooyinka, waa balaayo sahayatay dhaqaalayaal, hab nololeedyo bulsho iyo kaaga daranka dalal dhan taas oo sababtay dagaallo, iska hor imaadyo beeleed iyo markay ugu darraydna qarxisay kacdoonno dadwayne. Dagaallo, rabshado iyo qalaanqallo siyaasadeed oo galaafatay qaybo badan oo kamida ah dalalka koonfurta qaaradda America (Latin America) Yurubta bari, Afrika, bariga dhexe  iyo meelo kaleba waxa loo tiriyaa in musuqqa iyo xattoyadda hantida qaran ay qayb wayn ka qaadatay.
Musuqqa waxa lagu tilmaamay inuu yahay leexasho wanaagga laga leexdo oo xumaha loo leexdo. Sidoo kale falalka wax-isdabamarinta ah waxa lagu qeexay in ay yihiin xeer-jabin ay keentay danaysi aan tudhid lahayn (danaysi shaqsi) (Sen, 1999). Isaga oo ereyadiisa adeegsanaya (Nye, 1967) J. S. NYE waxa uu ku qeexay:
Dabeecad ama hab-dhaqan buriya xeerarka u daggan maamulka hantida taas oo ka dhalata danaysi gaar ah, danaysi qoys, mid qabiil ama mid urur oo la xidhiidha hanti lunsi ama mansab helid.
Caqliyadda Musuq-maasuqayaasha iyo tuugta waxa ay aqoonyahanada cilmi-nafsigu u tixgaliyaan nooc khalkhal ah oo ku dhaca qofnimada (personality disorder) taas oo ah mid ay daawayn karaan xeel-dheerayaasha cilmi nafsiga gaar ahaan kuwooda ku takhasusay qofnimada iyo dabeecadaha aadanaha.
Dunida daafeheeda inta badan agaasimayaasha iyo saraakiisha kale ee maamulkuba waxa ay geed dheer iyo mid gaabanba uu fuulaan sidii ay usii joogi lahaayeen xafiis ama bar yar oo maamul halkaas oo marka ay qandaraas bixiyaan ama ay liisan sharciyeeyaan ay ugu heli karaan laaluush (Mauro, 1997). dalkeenana waxaaba loola magac baxay "Dhaameel” oo marka qof maamul haya ay asaxaabtiisu waydiinayaan in meesha wax-la musuqi karo in kale waxaabay ku yidhaahaan; "waar meeshu dhacdhac iyo dhaameel ma leedahay?”
Soyaalka iyo Bar-Bilawgii Aafada Musuqa.
Taniyo ilaa xaawa iyo aadan musuqu waxa uu ahaa soo jireen ka soo bilawday xeer-jabin ay aadan iyo xaawa ku keceen taas oo ay buriyeen xeerkii uu ilaahay u dhigay oo ahaa in aanay cunin hal geed oo kamid ah geedaha jannada ka baxa  (Quraan, 2:35). (Markii dambe aadan iyo xaawa waxay ilaahay ka baryeen dambi-dhaaf waana loo dhaafay).
Sheekada ku saabsan xaawa iyo aadan iyo gafkii musuq ee ugu horreeyay ee aadane galo waa taariikh wax ku qaadasho mudan isla markaana ay dhigayaan dhamman diimaha cirka-imaadka ah sida diinta Islaamka tan masiixiga iyo waliba ta yuhuudda oo dhammaan ku abtirsada diintii nabi ibraahin (inkastoo islaamka mooye inta kale ay yihiin diimo la leexshay).


Taariikhyahanadu waxa ay tilaamaan in qaar badan oo kamid ah boqortooyooyinkii dunida Islaamka soo maray ay u burbureen musuq baahay oo qoyska boqorka iyo inta ka ag dhaw ay afka u dhigteen dhaqaalihii ummada taas oo markii dambe dhalisay kacdoonno galaaftay jiritaankoodii. Dhinaca reer-galbeedka waxa ay taariikhyahanadu hoosta ka xarriiqeen in balaayadii ugu wayneed ee sahayatay boqor luwiis-kii lix iyo tobnaad [Louis XVI] iyo boqortooyadiisii sanadkii 1789 [miilaadiga] isla markaana dhalisay kacaankii faransiiska ay ahayd musuq maasuqii iyo sadd-bursigii dabaqada sare taas oo soo afmeertay habkii dhaqaale ee dhul-goosiga ahaa kadib markii dabaqaddii hoose dhugatay buugaagtii qoraayahanadii waagii baraaruga (François Furet, 1989).

Doodda ah in musuqu yahay aafo saf-mar ah oo si ba’an u wax yeellaysay dawladnimada soomaalida waxa ka marag kacay Dr. Xusseen Cabdilaahi Bulxan oo tibaaxay in musuqu yahay mid kamid ah waxyaalhii ugu darnaa ee dhaliyay burburkii dawladnimadii soomaalida isagoo ereyadiisa adeegasanya waxa uu yidhi Dr. Bulxan:
"21-kii oktoobar 1969 af-gambi aan dhiig ku daadan waxa awooddi dalka soomaalida kula wareegay Janaraal maxamed siyaad barre kaas oo dadwaynuhu caleemo qoyan iyo yididiilo ay ku soo dhaweeyeen kaas oo markii dambe si qarracan leh dhaqan uga dhigtay musuqa, ku takrigalka hantidii qaranka, sadd-bursi iyo qabyaalad.”  (Bulxan 2008, p.168).
Hadaba, Waxan Talo ugu nasteexaynayaa Madaxweynaha cusub Muuse Biixi Cabdi oo ah Madaxweyne rajo laga qabo inuu dalka dhaliyo isbedel barwaaqo sooran, inuu marka koowaad naftiisa ka bilaabo oo dheeraado musuqa iyo wax isdaba Marin, marka labaad waa inuu daba gal Ku sammeeya hantidii hore ee  qaranka laga lunsaday, sidoo kale waa inuu ciqaab adag Mariya masuulka Xukuumadiisa ka Tirsan ee musuq faraha La gala, waa inuu sixirbarar la dagaalama, gabogabadii waa inuu wax waydiiya dadka leh cilmiga dhaqaalaha. La soco qaybaha dambe.
W/Q 
Tafaftiraha Shabakada Xogreebnews
Cabdicasiis Bashiir Nuur.
Office Hargeysa/ Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured