Xoghayaha Dawladda hoose ee Berbera Masuul Isku Darsaday Waxqabad, Karti iyo Hufnaan shaqo!!!. Qore Cabdifataax Cali Faarax.

0
Wednesday January 10, 2018 - 03:51:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1310
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Dawladda hoose ee Berbera Masuul Isku Darsaday Waxqabad, Karti iyo Hufnaan shaqo!!!. Qore Cabdifataax Cali Faarax.

    Xoghayaha Dawladda hoose ee Berbera Masuul Isku Darsaday Waxqabad, Karti iyo Hufnaan shaqo!!. Qore Cabdifataax Cali Faarax.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Dawladda hoose ee Berbera Masuul Isku Darsaday Waxqabad, Karti iyo Hufnaan shaqo!!. Qore Cabdifataax Cali Faarax.

Qaybaha bulshada ee Magaaladda Berbera, ayaa si weyn ula dhacsan kartida, daacadnimada iyo gudashada shaqada qaranka masuul kamid masuuliyiinta Dawladda hoose ee Magaaladda Berbera, maasuulkan ayaan intaa badan waqtigiisa xaadirku ah xafiiska dawladda, kaasoo si daacad ah ugu adeegga qaybaha bulshada.

Masuulkani waa Xoghayaha Dawladda hoose ee Magaaladda Berbera Md. Cabdikariin adan Cadde, oo ah shaqsi ku suntan waxqabad iyo karti shaqo oo isku darsaday, waxanu mashaariico badan oo dhinacyo badan taabanaya oo horumarineed ka fuliyey degmada Berbera, muddo laba sanno ah oo xilkaas hayey. Xoghayaha ayaa kaalin mug leh ka qaatay dib-u-casriyeynta Magaaladda, waxanay mudadii uu joogay la sameeyey Laamiyadii ugu tirada badnaa ee dhex-mara magaalada Berbera, kuwasoo kor u qaaday Bilicda Berberada cusub.

Sidoo kale, waxa uu Xoghaye Cabdikariin mudadii uu joogay gacan-weyn ka gaystay inuu yaraado khilaafaadka dhulka ee Magaaladda Berbera, isagoo wixii shaqo ah ee isagga ama xafiiska fulinta ee degmada Berbera lasoo gudboonaada siffo sharci ah oo lagu wada qanco ku soo dhammeeyo. Waxa kaloo xusid mudan, inuu xoghayaha dawladda hoose ee Berberi, mudadii uu joogay kor-u-qaaday shaqada dawladda hoose ee degmada iyo sidoo kale tayadda shaqaalaha dawladda hoose, waxanu shaqaalaha dawlada hoose ka dhigay kuwo aan ku dhiiran musuq-maasuq iyo wax is-daba marin, waxanu ugu da’daala inuu shaqaalaha siiyo mushaharaadkooda bilowga bisha, waxana mudadii uu joogay meesha ka baxday inaan la sag-saagin mushaharaadka shaqaalaha.

Waxa kaloo xusid mudan in xoghaye Cabdikariin Aadan cadde noqday masuul kasbaday quluubta shacabka Gobolka Saaxil, isagoo yar iyo weynba ay kuu sheegaan inuu masuulkaasii bulshada ugu adeegay daacadnimo iyo karti aqooni hagayso. Mana jirto cid waxka yeeganaysaa oo ku dhaliilsan dayac shaqo iyo eex uu ku sameeyey oo ay ka tirsanayaan qaybaha bulshada ee Magaaladda Berbera. Hase-yeeshee waxa jira shaqsiyaad faro-ku-tiris ah oo Siyaasiyiin ah ama af-miin-shaaro, kuwasoo dhaliilsan, hase-yeeshee dulucda dhaliishooddu tahay baadil ay ula tageen oo ay waji-gabax kula kulmeen iyo xubno ka waayey danahooda gaarka ah.

Xoghayaha Dawlada Hoose ee Degmada Berbera Cabdikariin Aden Cadde waxa uu wax Badan Ka qabtey baylahdii iyo habacsanaantii Shaqada iyo Shaqaalaha Dawlada Hoose Berbera isagoo ku guuleystay inuu noqdo mishiinka wareejiya Shaqada Dawlada Hoose u Fidiso Bulshadeeda. Sidaas daraadeed, waxa bulshada Somaliland qalinka uma qaadato inay masuulkooda wanaagsan iyo xukuumadda uu ka tirsan yahay u mahad-celiso, hase-ahaatee Suuqyada ayuunbay ka amaantaa, waana sababta keliftay inaan qoraalkan ka sammeeyo, masuulka fiican ee bila musuq-maasuqa ah ee weliba daacada ugu adeegga umadda, ee leh aqoon maamul iyo cilmiba, waxanu tilmaami doonaa waxqabadkiisa iyo hufnaantiisa shaqo, mana jiro wax kuu diidaya inaad amaanto hadii uu Madaxweynahaagu wanaagsan yahay, hadii wasiirku shaqada si fiican u guto, hadii maayir shaqadiisa kasoo baxo, waxna qabto iyo hadii xoghayahan oo kale si hufan oo aqoon iyo kartiba leh uu waajibkiisa si daacad ah u guto. Waa bilahi Towfiiq.

Cabdifataax Cali Faarax.

Berbera/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured