Aqoon la'aanta ka Muuqata Waaxada Garsoorka ee Somaliland (Judiciary Branch)

0
Wednesday January 10, 2018 - 01:36:29 in Wararka by
  • Visits: 1377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoon la'aanta ka Muuqata Waaxada Garsoorka ee Somaliland (Judiciary Branch)

    Wuxuu Garyaqaanka Guud ee Qaranku soo qoran saddex qodob, kuwaasi oo uu kaga hore istaagayo in Maxamkamada Gobolka Maroodijeex dacwada gasho. Qorobadaasi oo kale aha:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu Garyaqaanka Guud ee Qaranku soo qoran saddex qodob, kuwaasi oo uu kaga hore istaagayo in Maxamkamada Gobolka Maroodijeex dacwada gasho. Qorobadaasi oo kale aha:

Waxaan ka akhriyey waraq qoral aha oo lagu soo daabacay website-yadda laga leeyahay Somaliland. Waxaa ku qora jawaab celin ka timid Xafiiska Garyaqaanka Guu, taasi oo uu deedafeeyey dacwaddii uu soo gudbistey Dhibane Mulkuulahi lahaa dhismaha wargeysaka Haatuf ku shaqynayey iyo hantidiid taala xafiiska oo muddo ay xukummada wadanka ka talinaysey xoog kaga haysatey.

Wuxuu Garyaqaanka Guud ee Qaranku soo qoran saddex qodob, kuwaasi oo uu kaga hore istaagayo in Maxamkamada Gobolka Maroodijeex dacwada gasho. Qorobadaasi oo kale aha:

  1. Marka hore Arjiga dacwada ma waafaqana qodabada 117, 119 XHM, manay ahayn in maxakmaddu ka qabto.

  2. Maxkamadaha Somaliland awood umalaha ay kaga garnqaan dacwadan sharciguna ma ogola in dacwad Xukuumadda Somaliland ka dhan ah hadana ay ka garnaqdo isla xukuumadu, maxakamadda Gobolkuna waxay ay ka mid tahay Xukuumadda la dacwaynaayo, sida daryeed, kama garniqikarto dacwada sharci ahaan.

  3. Sidaa darted waxaan Maxakamadda Gobolka M/Jeex ka codsanaynaa inay oodo dacwadan, cidii danaynaysana ay amarto inay ka furtaan Maxakamad ikhtisaas u leh.

Sababahaa sare ku xusan dartood waxaan Maxakamadda si naxariis le uga codsanayaa:

  1. Inay aqbasho Is hore taagayaga

  2. Inay diido arjiga dacwad furasho een xeerka waafaqsanayn

  3. Inay oodo dacwadan sharciga khilaafsan

Qodabadda 117, 119 XHM, waa qodobaddii Jaale Maxamed Siyaad Baare uu ku xukumi jirey wadankii la odhan jirey Somalia, waxaa nasiib daro ah in maanta oo Somaliland jirto 26 sanno weli wadanka lagu xakumo qodobada kor ku xusa.

Aqoon darada ka muuqta Garyaqaanka Guud ee Qaranka waxay iyadun markhaati ka tahay in waaxada Garsoorka ka ARADAN tahay Dastuurka Qaranka. Waxaa hoos ku qoran Qodobka 97aad ee Dastuurku wuxuu leeyahay sidan:

QODOBKA 97AAD

  1. Waxa Qaranku yeelanayaa Waax Garsoor,oo hawsheedu ta hay u gar-naqa ka dhaxeeya Dawadda iyo dadka; iyo dadka dhexdooda.

  2. Waaxda Garsoorku waxay hawlaheeda u fulinaysaa siDastuurka waafaqsan, iyada oo ka madax-bannaan waaxyaha kale ee Qaranka.

Fadlan GARYAQAAN waxaan ku xasuusinayaa in aad Dastuurka Qaranka dib u eegtid (waa haddii aad wax akhridid) oo aad ogaato in Dastuurka Qaranku awood buuxda u siiyey Waaxda Garsoorka in ay u gar-naqdo dawadda iyo dadka waa sida uu dhigayo farqadda kowaad, farqadda labaad ee qodobka 97 aad, wuxuu ku amarayaa waaxadda Garsoorku in ay fuliso hawlaheeda iyada oo ka madax-banaan waaxda fulinta oo ah midda uu muwaadanku ku soo oogayo dacwadda.

Wuxuu xaq buux u leeyahay muwaadine Mudane Yusuf Cabdi Gaboobe inuu helo cadaalad, cid ka hore istaagi kara ma jirto. Waxaa xuquuqdda buuxada siiyey Dastuurka Qaranka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured