Dawlada Ingiriiska Oo Ka Noqotay Digniintii Ay Uga Digeen Muwaadiniintoodu In Ay U Safraan Somaliland.

0
Friday May 31, 2013 - 18:59:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1082
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Ingiriiska Oo Ka Noqotay Digniintii Ay Uga Digeen Muwaadiniintoodu In Ay U Safraan Somaliland.

    Adisababa(xogreebnewqs.com-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo Safiir Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Adisababa(xogreebnewqs.com-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo Safiir Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka Dawlada Ingiriiska Oo Ka Noqotay Digniintii Ay Uga Digeen Muwaadiniintoodu In Ay U Safraan Somaliland.
Adisababa(xogreebnewqs.com-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo Safiir Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka Ethiopia Mr.Chris Allan ayaa si rasmi ah ugu kala saxeexday Magaalo madaxda dalka itoobiya ee Adis-ababa, heshiis ka kooban laba qodob,kaas oo wax-weyn ka tari doona nabadgelyada Somaliland.
Waxaana heshiiskaas goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed-Cambaro) oo maalmihii ugu danbeeyeyba ku sugnaa dalkaasi itoobiya.

waxa kale oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur Shaaciyey inay wax iska bedeleen dhawaaqii dawlada Ingiriisku hore ugu dhawaaqday inay xayirtay in loo socdaalo Somaliland, balse imika ay bilaabmayaan socdaalada diblomaasiyiinta Ingiriisku ku imanayaan Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo sharaxaad ka bixinaya labada heshiis ee ay kala saxeexdeen Safiir Ku xigeenka Britain u fadhiya dalka Ethiopia Mr.Chris Allan waxay yihiin waxa uu yidhi “Waxaanu maanta kala saxeexanay laba heshiis oo kala, ka kowaad waxa weeyaan tayeynta shaqaalaha laanta Socdaalka Somaliland iyo goobaha lagu shaqeynayo qalabeyntooda, iyada dhamaan goobaha xuduudaha laanta socdaalka dalka laga soo galo la dhigayo qalab lagu baadho basaboorada fojariga ah, iyada oo loogu deeqay qalab iyo Gadiid dhan lix Baabuur
shaqaalahana la tababari doono, una sameyn doona qalab (Database) isku xidha xarumaha dalka laga soo galo oo dhan iyo dhismayaal cusub. Heshiiska labaad waxa weeyaan mid lagu maalgelinayo Ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan qeybta baadhista danbiyada ee CID-da, waxaana Ciidamada danbi baadhista lagu darayaa ciidan baadha danbiyada culus oo la yidhaahdo SPU (Special Police Unit), waxaana loo dhisi doona xarun cusub oo loogu qalabeyn doono dhamaanba qalabka baadhista danbiyada oo dhan oo ay qalabkasta ku jiraan oo ay ka mid tahay Biritan-ka farta iyo waxyaalaha kale ee casriga ah ee wax lagu baadho”
Wasiir Duur waxa kale oo sheegay in xarunta cusub ee loo dhisi doono ciidanka baadhaya danbiyada calculus ciidaan gaarana loo tababari doono, “Xarunta cusub ee SPU-da waxa loo tababari doona ciidaan cusub oodhan lixdan qof oo si gaara loo tababari doono, waxaana ciidaanka SPU-da loo keenay oo la soon doona lix Baabuur”. Ayuu yidhi.Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur waxa uu sheegay ka hor intii aanay kala saxeexan heshiiska Safiir kuxigeenka waxa qado-sharaf maamuus sare ah u sameeyey Safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka Ethiopia Mr. Greg Dorey.
Mar aan weydiiyey Wasiir Duur waxay ku soo kordhinayso heshiisyadani ciidamadda laanta Socdaalka Somaliland Iyo Ciidanka CID-da, waxa uu ku jawaabay, “Waxay ka bedeli karaan wax-weyn oo aqoontooda kor ayaa loo qaadayaa oo qalab ayaa la siinayaa,waxaanay labada heshiisba wax weyn katarayaan nabadgelyada qaranka Somaliland, waana laba heshiis oo qaranka qiimo-weyn u leh”.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale (Duur) waxa uu qirey inay wax ka bedeleen dhawaaqi Ingiriiska ee Somalilan, waxa uu yidhi“Waxay Safaaradu qirtey in wax ka bedel lagu sameeyey dhawaaqi ka soo yeedhay dawlada Ingiriiska ee lagu xayirayey in loo socdaalo Somaliland, oo FCO oo dib loo eegayey inay Somaliland nabadgelyo tahay, waxaana imika bilaabmaya dhaqdhaqaaqii iyo isu-socodkii masuuliyiinta diblomaasiyiinta Ingiriiska ee Somaliland”
Heshiiskan uu soo saxeexay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa waxa uu Somaliland ugu fadhiya qiimo weyn.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured