Waa Sidee Hoggaaminta Madaxweyne Muuse ee 20-ka Maalmood? Tallaabo uu Qaaday Maku Taageersan Tahay? Siduu u shaqeeya Xafiiska Madaxweynuhu? Ma Jirtaa Cid aan la Dooran oo saameyn ku leh Talada? Maxaa sababay inay Golihii Wasiirada Cusbaa Seeska Dhaafi-waayan..

0
Wednesday January 03, 2018 - 01:39:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Sidee Hoggaaminta Madaxweyne Muuse ee 20-ka Maalmood? Tallaabo uu Qaaday Maku Taageersan Tahay? Siduu u shaqeeya Xafiiska Madaxweynuhu? Ma Jirtaa Cid aan la Dooran oo saameyn ku leh Talada? Maxaa sababay inay Golihii Wasiirada Cusbaa Seeska Dhaafi-waayan..

    Waa Sidee Hoggaaminta Madaxweyne Muuse ee 20-ka Maalmood? Tallaabo uu Qaaday Maku Taageersan Tahay? Siduu u shaqeeya Xafiiska Madaxweynuhu? Ma Jirtaa Cid aan la Dooran oo saameyn ku leh Talada? Maxaa sababay inay Golihii Wasiirada Cusbaa Seeska Dhaaf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Sidee Hoggaaminta Madaxweyne Muuse ee 20-ka Maalmood? Tallaabo uu Qaaday Maku Taageersan Tahay? Siduu u shaqeeya Xafiiska Madaxweynuhu? Ma Jirtaa Cid aan la Dooran oo saameyn ku leh Talada? Maxaa sababay inay Golihii Wasiirada Cusbaa Seeska Dhaafi-waayan..

Hargeysa(Xogreebnews)-Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, oo hadda xilka hayey 20 maalmood oo keliya, ayaa aan weli caggaha si rasmiya ugu taagin hanaankii cusbaa ee Xukuumaddii laga filaayey, isla markaana waxa uu mudadaa uu xilka hayey soo dhisay gole wasiir, kuwasoo uu qabtay tabobar ka caawinaya shaqada ay qaranka u metelaan iyo kala xadeynteeda.

Hase-yeeshee ma muuqato wax aqoon ah oo ay wasiiradda cusubi kasoo korodhsadeen tabo-tabaradii iyo aqoon-korodhsigii loo daah-furay, waxana muuqata is-dhex yaac iyo weliba dayacnaan shaqadii masuuliyiintaasi shacabka ugu adeegi lahaayeen. Sidoo kale ma jirto wasaarad keliya oo wasiirka loo xil saaray intaa uu xafiiska fadhiista, kala maareeyey shaqo maalmeedkii umaddu iga fadhida, balse taas bedelkeeda wasiir kastaaba waxa uu shaqo kastoo qof shacab ahi uga baahan yahay, la xidhiidhinayaa in aanu weli Madaxtooyadda ka haysan amar buuxa oo faraya inuu u madax-banaan yahay shaqada, isagoo weliba masuulkaasi hil-maamsan shaqada uu hayo iyo weliba waxyaabaha uu xukumo.

Golaha cusub ee Wasiiradda oo qaarkood aanay weligood xafiis dawladeed u shaqeyn, isla markaana aan lahayn aqoon maamul dawladeed, ayaa waxay dhaxleen ama aanay si buuxda u haysan awoodda maamul ee wasaaraddaha loo magacaabay, tusaale ahaan Wasiirka Ganacsiga oo la hoos-geeyey wasaaraddo badan, weli ma aqoonsan hay’addaha dawladda ee u maamul, iyaddoo ay xafiisyada fadhigan agaasimayaal kala duwan oo iska sii wata mashaaricda iyo shaqo maalmeedkii wasaaradda u weliba qaban jiray wasiirku, waxana wasaaradda ganacsiga la raaciyey wasaaraddii wershadaha. Hase-ahaatee weli waxay wasaaraddaasi u sii shaqeysaa sidii laba wasaaradood oo kala madax-banaan, mid waxa fadhiista agaasimihii wershadaha, midna waxa fadhiista agaasimihii ganacsiga.

Waxa kaloo, jirtaa Caqabad kale oo ay shacabka Somaliland kala socon-siin la’aanta shaqo maalmeedka xafiisyada dawladda sabab uga dhiggeen oo aan iyadduna weli madaxweynaha cusubi ku dhaqaaqin, taasoo isweydiino tiro badan bulshaddu is-weydaarsanaysoo waxa uu la qabanaayo Madaxweynuhuu, arrinkaa dooda badani hadheysay, ayaa waxa uu yahay dhismaha Xukuumadda cusub ee oo aan seeska dhaafsiisnayn, maadaama oo aanu muddo saddeex todobaad ku siman weli Madaxweynaha cusubi soo dhisin masuuliyiintii shaqada umadda fulin lahayd, gaar ahaan agaasimayaashii oo ah mishiinka dhaqaajiya Wasaaradda iyo weliba Hay’addo badan oo madax-banaan oo aan tiro lahayn. Arrimahani waxa ay curyaamiyeen kala socon-siinta hawlaha ama adeegyada dawladdu bixiso ee bulshada uga baahan tahay.

Haddaba, maxaa khaldan, halkee’se sartu ka dhuqun-san tahay, maxaa dabray, hoggaamintii iyo go’aankii adkaa ee aynu Madaxweynaha ku dooranayn, arrimahaas iyo kuwo kaloo badan waxa ay shabakadda Xogreebnews u bandhigtay Shacab-weynaha reer Somaliland, kuwasoo fikirkooda ka dhiibtay.

Ugu horeyn su’aasha koowad ee shabakadda Xogreebnews bulshada waydiisay waxa ay ahayd sidan?. Maxaad sabab u ah inaanu weli qaybihii hadhsanaa Xukuumadda Cusub soo dhisin Madaxweyne Muuse Biixi?. Su’aasha oo in ka badan 100 qof shabakaddu u bandhigtay, waxa ay kaga fal celiyeen in Madaxweynuhuu ku haftay hoggaaminta, isla markaana uu garan la yahay meel u waxka bilaabo,gaasimayaal iyo gudoomiyayaal kasoo jeedda xisbiga Kulmiye oo weliba aqoon u leh hanaanka dawladnimo. Waxa kaloo dooda dadku tilmaameysaa faashil ka sii liita dhismaha qaybihii hore ee Xukuumadda uu kala kulmi doono hadii aanu soo magacaabin, waayo-arag dawladeed oo xisbigaas ah, iyadoo dadka aragtida qaban %80 isku raacsan yihiin, in qorshaha dhismaha Xukuumadda uu soo dhisay, gaar ahaan golaha uu ku dhawaaqay ee Wasiiraddu aanay Irbad dun-gelinkarayn oo aanay ahayn Xukuumaddii looga fadhiyey Madaxweeyne Muuse Biixi, halka %20-ka kale aaminsan yihiin in laga dhursugo qaybaha hadhsan ee Xukuumadda.

Su’aal kale, ayaa ahayd in ay jirto wax ka khaldan hanaanka maamul ee Xafiiska Madaxweynaha iyo inay jirto cid saameyn ku leh madaxweynaha oo farogelin muuqata ku leh shaqada xafiiska Madaxweynaha?. Su’aashaas lafteeda bulshada loo bandhigay waxa ay isku khilaafsan yihiin laba arrimood, kuwasoo kala ahaa in shaqsigu isbedelo marka uu galo madaxtooyadda iyo inuu madaxweynuhuu marka uu kursiga ku guuleysto ee u madaxtooyadda galo uu huwado Buste aan lagu aqoon iyo inuu samaysto gacan-yarayaal uu ku majaro habaabiyo shaqsiyaadka xildoonka ah ee Xukuumaddiisa, iyaddoo nuxurka su;aashaas kasoo baxay inuu lamid yahay in Madaxweynaha cusub Md. Muuse Biixi ay durbaa ka baahday hoggaamintii, isla markaana uu samaystay gacan-yarayaal amarro bixiyo oo weliba kasoo jeeda qoyskiisa. Tu’saale ahaan dadka su’aasha ka jawaabay %70, waxa ay farta ku fiiqeen masuul aan xilka hayn Madaxtooyadda, oo weliba madaxweynuhu adeer u yahay oo bixinaya amarro digteetarnimo ka muuqato, kaasoo dadka qaarkood carabka ku dhufteen inuu yahay xoghayntii hore ee Madaxweyne Muuse Biixi xiligii Xisbiga uu musharaxa ka ahaa Mubarik Ismaacil taani, hase-ahaatee Madaxweynuhuu xilkaas haddana u bedeshay shaqsi kale oo kasoo jeeda Beelaha Gobolka Sanaag. Mana jirto wax uu ku magacaaban yahay Mubarik Ismaacil Taani, waxana dad-badani aaminsan yihiin inuu Mubarik yahay Wasiirka Madaxtooyadda oo qarsoon. Qaybta kale ee Bulshada %30 waxay aaminsan yihiin in hawlaha shaqo ee xafiiska madaxweynuhuu sidii loogu talo galay u socdaan.

Siyaasiyiinta ku xeel-dheer arrimaha maamulka dawladnimo, ayaa iyagguna meesha ka saaraya inuu sidii cadada ahayd ee looga bartay xukuumadii tan ka horaysay awoodda madaxweyne ku xigeenka, iyagoo tilmaamaya in aanu duur muuqda ku lahayn arrimaha dhaqdhaqaaqyada hawlaha qaran, balse shaqadaas bedelkeeda Madaxweynuhuu u dirto cid kale, Madaxweyne ku xigeenku waa gacanyaraha madaxweynaha, shaqadiisuna waa hadba waxa uu madaxweynuhu u igmado. Haddii madaxweynuhu hawl u diran waayo madaxweyne ku xigeenkiisa, halkaasuu iska fadhiyayaa oo far ma dhaqaajin karo. La soco qaybaha dambe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured