Somaliland Sidee Ayay U Maamulan Kartaa Hawadeeda?. Cabbdilaahi Axmed Caarshe,

0
Friday December 29, 2017 - 21:48:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1483
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Sidee Ayay U Maamulan Kartaa Hawadeeda?. Cabbdilaahi Axmed Caarshe,

    Somaliland Sidee Ayay U Maamulan Kartaa Hawadeeda?. Cabbdilaahi Axmed Caarshe,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Sidee Ayay U Maamulan Kartaa Hawadeeda?. Cabbdilaahi Axmed Caarshe,
Waxaa in muddo ah khilaaf ka taagnaa maamulka hawada soomaaliya, oo ay somalilandna ku jirto, taasoo waqti dheer soo taxnayd iyada oo wada hadalo laga galay sida kuwii ka dhacay dalka Turkiga ee u dhexeeyey xukuumaddii madaxweyne Sillaanyo, ee waqtigeedu dhammaaday iyo xukuumaddii Xasan Sheikh Maxamuud oo Iyana wax sanad ka yar xafiiska ka sii maqnayd.
Maalintii khamiista 28 bishan ayaa xalfad lagu qabtay magaalada muqdisho, gaarna ahaana garoonka diyaaradaha ee Adam Cadde International Airport, lagu sheegay in soomaliya lagu soo wareejiyey hawadeedii, taasoo qaramada-midoobey maamulaysey tan iyo burburkii xukuumaddii dhexe ee soomaliya.


Waxaa is weydiin leh su’aasha ah maxaa soomaaliya lagu wareejiyey?

Soomaaliya xalfad uu ka qayb galay madaxweynaha soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, waxaa lagu sheegay in ay hawadii soomaliya oo dhan si rasmi ah ula wareegeen, balse arintu sidaa way ka duwan tahay oo ma jirin hawo rasmi ah qaramada-midoobey hay’adda u qaabilsan duulimaadyada ee ICAO {International Civil Aviation Organization} ay ku wareejisay soomaliya,balse waxay u muuqatey wax la buun-buuniyey.
 Dowladda soomaliya waxay soo kiraysatay hay’add laga leeyahay dalka Talyaaniga, taasoo ay ka codsadeen ama heshiish ay dowlada soomaliya, kula gashay in ay u qabato ama u maamusho lacagta lagaga qaado diyaaradaha   isticmaala hawada soomaliya, si ay uga maarmaan maamulka hawada ee ICAO, ayna u helaan dhaqaale.
Sidoo kale waxay waxay fureen oo soo bandhigeen qalab ay u keentay shirkadan ay soo kiraysteen oo lagu sheegay qalabkii lagu maamulilahaa hawada soomaliya, qalabkaas waxaa wanaagsan qalabka yaalla madaarka Egal International Airport, kaasoo ah qalab tayadiisu sarayso oo wada gaadhaya dhamaan meelaha muhiimka ah ee loo baahan yahay.
Dowladda soomaliya, waxay heshay hawada soomaliya 5%, oo keli ah waxaana maqan 95% oo ICAO gacanta ku haysaa, waxay fureen meesha laga maamulo hawada sare {Air Traffic Control}, ma haystaan shaqaaleu tababaran oo ka bixi kara hawshan adage e maamulka hawada, ma haystaan sharciyadii hay’adda qaramada-modoobay u qaabilsan duulimaadyada ee ICAO, waayo hay’addaasi goob joog kama ahayn xalfadii muqdisho lagu qabtay ee lagu shaaciyey wareejinta hawada soomaliya.
Laguma wareejin shuruucdii caalamiga ahayd ee maamulka hawada, waxaynu wada ognahay in hawadu tahay marin muhiim ah oo ay marayaan diyaarado iyo dad nool, hadii uu yimaado khalkhal, maamul xumo iyo muran waxay sababaysaa in ay khatar badani ku timaado hawada soomaliya, oo ay noqoto meel lagu kala yaaco oo lama galay ah, sababta aan soomaliya wax rasmi aan loogu wareejinayn arrimahaas ayaa ka mid ah, waayo aduunku waxaa uu eegayaa ammaanka hawada.
Waxaa kale oo la eegayaa ammaanka gudaha iyo ka hawada soomaaliya, waxaa la is weydiinayaa ninka maamuli kari waayey dhulkii hawo sare ma maamule karaa? Wajaabtu waa maya, taasina waxay ka mid tahay arrimaha aan ogolaanayn in hawada loo gacan geliyo Muqdisho.
Dhinaca kalena waxaa la eegayaa heshiishyadii ay horey u wada galeen Somaliland iyo soomaaliya ee lagu kala saxeexday Istanbul dalka turkiga [Istanbul Accord}, kaasoo lagu heshiiyey in xarunta wayn ee laga maamulayo hawada soomaliya laga dhigo Hargeisa, iyada oo taasna ay ka baxday xukuumadda soomaliya, oo heshiishkii uu dhinocooda ka socon waayey, taasina ay keentay in ay istaagaan dhammaan wada hadaladii u socoday labada dhinac.

Somaliland sidee ayay hawadeeda u maamulan kartaa?

Waxaa la is weydiin karaa Somaliland hawadeeda ma maamulan kartaa oo ma ka maarmi kartaa hay’adda ICAO?  Somaliland mar ay ka maarmi kartaa oo haweeda way maamulan kartaa, sababta oo ah hawadu waa laba qaybood qaybta sare iyo qaybta hoose, waqtigan Somaliland, waxay maamushaa hawadeeda hoose oo wixii Somaliland diyaarado imanaya iyada ayaa siisa ogaanshiiyaha {Permission Nuber}, somalilandbaana ka qaada wixii lacag ku waajibtey, ilaa Somaliland lala soo xidhiidho oo taawarka Somaliland bixiyo ogolaanshiiyo mooyaane ma soo fadhiisan karto diyaaradi Somaliland.
Waxaa jirta hawada sare eeSomaliland, taasoo ah marin caalami ah ay maraan diyaarada waaweyn ee u kala socda bariga afrika, bariga dhexe iyo afrika oo dhan, taasi waxay u baahan tahay Somaliland, in ay hesho qalabkii casriga ahaa ee ay hawadeeda sare ku maamuli lahayd  iyo dad aqoonteedii leh, taasna Somaliland waxay ku guulaysanaysaa waqti yar oo kooban hadii ay la timaado dedaalkeeda, iyada ee weliba cid la kaashanaysa, waxayna Somaliland ka helaysaa haweeda dhaqaale badan oo muhiim u noqon doona horuumarka dalka.
Tusaale ahaan dalka jabuuti oo ah dowlad la aqoonsan yahay weli hawadeeda waaloo maamulaa, Somaliland, waxay haweeda ku maamulan kartaa oo kula soo wareegi kartaa iyada oo dowlad ama hay’adda caalami ah kaashanaysa si ay ugu fududaato maamulka hawadeeda.
Sidoo kale Somaliland, waxay ku qancin kartaa hay’adda ICAO in ay Somaliland, maamulan karto hawadeeda, waayo hadii aynu mar walba ku celcelino hawada ina ka dhexeaysa inaga iyo soomaliya, inta aanu ku heshiinayno qaramada midoobey ha noo hayso, taasi xal maaha maalin uun baa lagaala wareegaya, balse ku gorgortan in aad hawadaada maamulan kartid oo awoodii iyo xirfadeedii leedahay.
Cabbdilaahi Axmed Caarshe, Hargeisa Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured