Wasiirka Maaliyada Oo Laba Jeer Hore Musuq Maasuq Loogu Xidhay Oo Aar-Goosi Ciil Ka Muuqdo KU Badalay 10 Agaasime Waaxeed...."Wasiirka Maaliyada Karaani Yuusuf Oo Khubaradii Maaliyada Uga Aargoostay Siyaabo Kala Duwan + Kana Tirtiray Masul Kasta Oo Tuhunka Waddani Soo Gallo." Qore: Aqoonyahan Maxamed cige
Wasiirka Maaliyada Oo Laba Jeer Hore Musuq Maasuq Loogu Xidhay Oo Aar-Goosi Ciil Ka Muuqdo KU Badalay 10 Agaasime Waaxeed...."Wasiirka Maaliyada Karaani Yuusuf Oo Khubaradii Maaliyada Uga Aargoostay Siyaabo Kala Duwan + Kana Tirtiray Masul Kasta Oo Tuhunka Waddani Soo Gallo."
Qore: Aqoonyahan Maxamed cige
Wasiirka cusub ee dhawaan Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi U Soo Magacaabay Wasaarada Maaliyada Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa qaaday tallaabo ay ka muuqato degdeg iyo tallo la’aan ay weheliso Khibrad La’aani. Haddaba Wasiirka cusub ee Musuqmaasaqa ku caanbaxay ayaa durba qaaday Talaabooyin aan la mahadin oo ay wehelso caadifad aargoosi, wuxuuna badalay ragii ku sifoobay dakhli soo saarka iyo khabiirnimada Shaqo ee maaliyada . arintan ayaa u muuqata saddex arimood mid uun. Waa takoowaade inay tahay Khibrad La’aan. Ta Labaade: inay tahay tallaabo aanu kala tashan cid oo fudayd badani ku jiro. Ta saddexaade, inuu samaynayo Wasiirku aargoosi Hore oo ku tacaluqa wakhtiyadii uu karaaniga ka ahaa Kastamada Dalka, wakhtiyadaas oo lagu xidhay eedo musuq-maasuq tiro gaadhaysa Laba jeer. Waxaana arintan noo cadaynaysa inuu bedelka ku koobay masuuliyiin badan oo waxqabadkooda qaranku u baahnaa, kuwaas oo ahaa mishiinada iyo laf-dhabarta waaxaha kala duwan ee Wasaarada Maaliyada. Dhanka kale Marka laga hadlayo awooda xil ka qaadis iyo bedel, waxa muhiim ah in Masuulku eego fiiro gaar ahna siiyo Boosaska banan ee muhiimadooda leh, taasoo warqadan xil magacaabista ah aanu Wasiirku Kusoo Qaadan ama cid u magacaabin Waaxda Cashuuraha Dakhliga ee Maaliyada oo dhawaan masuulkii hayey loo magacaabay Wasiirka Maalgashiga, taasina waxay cadaynaysaa in uu Kala Maagay xilkan inuu magacaabo cid maadaama oo si ku meel gaadha uu xilkan u sii hayo Khadar Laas oo Ay Wasiirka Isku Beel yihiin. Dhanka kale waxaa uu Wasiirku sameeyey in Qabiilka Habar Yoonis Uu Ka Tirtiray Agaasime Waaxeedyadii ay ku lahaayeen Wasaarada Maaliyada.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxwaynaha Somaliland ayaa u muuqda mid aan ka hubsan markii U wasaarada Maaliyada U Soo Magacaabay Karaani Kastamka kala Baydh laba jeer laga Soo katiinadeeyay oo Tuugo lagu soo Xidhay taasoo shaqaalaha wasaarada maaliyadu Dareemeen in fashil.maaliyadeed soo food saaray Wasaarada. wasiirka Maaliyada oo Wasiir maxamuud xaashi iyo cabdi casiis labaduba musuqmaasuq ku xidheen ayaa Sobobta uu madaxwaynuhu ku xushay waxa la sheegay in mudo laba sano ah uu ku hoos nabnaa Taasina ay keentay in madaxwayne Biixi si kafiirsasho la,aan a uu u magacaabau karaani yuusuf.
Qore: Aqoonyahan Maxamed cige.
Email: mohamedegeh55@gmail.com Leave a comment |
|
Wasiirka Maaliyada Oo Laba Jeer Hore Musuq Maasuq Loogu Xidhay Oo Aar-Goosi Ciil Ka Muuqdo KU Badalay 10 Agaasime Waaxeed...."Wasiirka Maaliyada Karaani Yuusuf Oo Khubaradii Maaliyada Uga Aargoostay Siyaabo Kala Duwan + Kana Tirtiray Masul Kasta Oo Tuhunka Waddani Soo Gallo." Qore: Aqoonyahan Maxamed cige
Wasiirka Maaliyada Oo Laba Jeer Hore Musuq Maasuq Loogu Xidhay Oo Aar-Goosi Ciil Ka Muuqdo KU Badalay 10 Agaasime Waaxeed...."Wasiirka Maaliyada Karaani Yuusuf Oo Khubaradii Maaliyada Uga Aargoostay Siyaabo Kala Duwan + Kana Tirtiray Masul Kasta