Maareeyaha Dekedda oo Ku Guuleystay inuu Dalka Keeno Qalabyo Casri ah oo wax-weyn ka Taraya Baahidii Dekedda Berbera Iyo Noocyada uu ka Kooban yahay…

0
Thursday December 28, 2017 - 04:21:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekedda oo Ku Guuleystay inuu Dalka Keeno Qalabyo Casri ah oo wax-weyn ka Taraya Baahidii Dekedda Berbera Iyo Noocyada uu ka Kooban yahay…

    Maareeyaha Dekedda oo Ku Guuleystay inuu Dalka Keeno Qalabyo Casri ah oo wax-weyn ka Taraya Baahidii Dekedda Berbera Iyo Noocyada uu ka Kooban yahay…

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Dekedda oo Ku Guuleystay inuu Dalka Keeno Qalabyo Casri ah oo wax-weyn ka Taraya Baahidii Dekedda Berbera Iyo Noocyada uu ka Kooban yahay…

Berbera(Xogreebnews)-Maareeyaha Dekedda Caalamiga ah ee Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa ku guuleystay inuu Marsada Magaaladda Berbera kusoo Kordhiyo Qalabka muddo dheer loo haraadanaa, kaasoo hadda soo gaadhay Dekedda, isla markaana maalmahan fooda inaggu soo haya si toosa loo soo bandhigii doono, loona hawlgelinayo. Qalabkan cusub ee hadda soo gaadhay gudaha Dekedda Berbera, ayaa la sheegay inay kamid yihiin qalabka lagu dejiyo containerska oo laba nooc ah, kaasoo dejinaanaya laba-laba container iyo cagaf-cagafyo, weliba qalabyo kale oo kala duwan.

Qalabkan kala duwan ee soo gaadhay Dekedda Berbera, ayaa waxa keenay Shirkadda DP World ee gacanta ku haysa Marsada caamiga ah ee Berbera, iyadoo uu Maareeyaha mudada yar joogay faraca Somaliland maamusho ee Dekeddu Eng. Siciid Xasan Cabdilahi uu in muddo ahba si weyn ugu hawlanaa soo dedejinta qalabkan, isagoo geed-dheer iyo mid-gaabanba u fuulay sidii qalabkani dalka usoo gaadhi lahaa, kana soo horumarilahaa Xiligii ay qorshaystay shirkadda DP World.

Dekedda Magalaadda Berbera, ayaa baahi-weyn oo aan la soo koobi Karin u qabtay Qalabkan cusub, iyadoo ay xiliyo kala duwan shaqada dekeddu isu taagi jirtay, marka uu xummaado hal-xabo oo Wiishka wax lagu dejiyo ah, kaasoo keliffaayey inay xilliyadda qaarkood todobaadyo la isku xannibnaado, hase-yeeshee Maareeyaha Dekedda Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo muddo saddex bilood ah hayey xilka, ayaa raadiyey xalal badan oo ay kusoo shaqaynaysay dekeddu, isagoo dhinaca kale ee DP World amar ku siiyey inay deg-deg Dekedda u keenan qalabka Containerska roga.

Tallaabadan, ayaa waxa ay kamid noqoneysaa waxqabadka iyo guulaha lama ilaawanka ah ee Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi uu gaadhsiiyey Dekedda Berbera mudadii yarayd ee u xilka hayey, iyaddu ay al-baabaddu u xidhnaayeen isla markaana aanay jirin wax shaqo ah oo ka socotay intii aanu xilka la wareegin. Waxana xusid mudan inay dekedda xilligaas hore ka jirtay rabshado kala duwan iyo xiisaddo aan maaro-loo hayn xilligii maamulkii isagga ka horreeyey, kuwasoo kala ahaa gadood shaqaale oo lagu diidana gacanku haynta Dekedda ee Shirkadda DP World, Xuquuqda shaqaalaha Dekedda, khilaaf ka dhex-taagnaa Gacantada iyo DP World iyo weliba diidmo dhinaca deegaanka ah oo DP World ah.

Hase-yeeshee dhamaan khilaafyadaas, ayaa waxa so oaf-jaray Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, kaasoo muddo saddex bilood ka yar kusoo afmeeray ilaa shan khilaafaad oo xasaasiya, soona celiyey wada-shaqeyntii ganacsatada iyo DP World, isagoo waqti xaadirkan guul muuqata oo laba ilaawan ah ka gaadhay inuu Shirkadda DP World ku khasbo keenista qalabkan cusub oo baahi aan la qiyaasi Karin qaranka Somalilan u qabay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured