Magaalada Berbera oo Nasiib u Heshay Xoghayihii Ugu Waxqabadka Badnaa Dawladda Hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde Dayax Soo Baxay, Mugdigii Meesha ka Saar!.Qore Farxan Guuled Warsame

0
Tuesday December 26, 2017 - 04:04:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2023
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Berbera oo Nasiib u Heshay Xoghayihii Ugu Waxqabadka Badnaa Dawladda Hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde Dayax Soo Baxay, Mugdigii Meesha ka Saar!.Qore Farxan Guuled Warsame

    Magaalada Berbera oo Nasiib u Heshay Xoghayihii Ugu Waxqabadka Badnaa Dawladda Hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde Dayax Soo Baxay, Mugdigii Meesha ka Saar!.Qore Farxan Guuled Warsame.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Berbera oo Nasiib u Heshay Xoghayihii Ugu Waxqabadka Badnaa Dawladda Hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde Dayax Soo Baxay, Mugdigii Meesha ka Saar!.Qore Farxan Guuled Warsame.
Maamulka Dawladda Hoose ee Magaalada Berbera, ayaa saddex jibaaray mashaaricda dib-u-casriyeynta degmada Berbera, iyadoo la dejiyey shaxda cusub ee wax loogu qabanaayo shacabka Magaaladda ee sanadka cusub 2018-ka.
Hadaba, Akhriste maxaad ka ogtahay cidda soo diyaarisay ama isku soo dubo ridday, isla markaana fulisay mashaaricdii horumarineed ee dhamaystirmay, kana fulay Degmada Berbera, masuulka uu yahay. Cabdikariin Aadan Cadde waa Xoghayaha Dawladda Hoose ee Magaalada Berbera, waana Masuulka u tafo-xaydan waxqabadka fulay iyo sidoo kale kan fuli doona sannaadkan cusubna la dejiyey qorshihiisa, isla markaana lasoo bandhigay qorsheyntiisa iyo fulintiisuba uu ku hawlan yahay Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera Md. Cabdikariin Aadan Cadde.
Muddo 27-sanno ah oo ay Somaliland jirtay, isla markaana maamulo kala dambeeyey soo mareen magaaladda Berbera, weli lama arag masuul u hagar baxay wax u qabashada shacabka sida xoghaye Cabdikariin oo kale. Waxyaabaha magaalada Berbera horumarka ugu wacan ee ay gaadhay mudadii ay maamulayeen Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin iyo golihiisa deegaanka iyo weliba Xoghaye Cabdikariin, waxay bulshadda ku nool Berbera ku tilmaameen maamulka isla jaan-qaaday ee Cabdikariin Aadan Cade iyo maayer Cabdishakuur Cidin.
Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde waa shaqsi intaa uu shaqadiisii kasoo baxay, haddana wax ka qabanaya hawlihii qaranka ee baylahsanaa. Horumarka ay ku talaabsatay Dawladda Hoose ee Berbera mudadii Xoghayaha uu ahaa waa mid u muuqda sida cadceeda, waxanu noqday masuul soo maraa Dawladda Hoose kii ugu waxqabadka badnaa, ugu daacadsanaa, ugu adeega hufnaa, kaasoo gaadhsiiyey degmada Berbera horumar balaadhan oo dhinaca wadooyinka ah. 
Waxqabadka guud ee masuuliyiinta Dawladda Hoose ku talaabsadeen waxa markiiba dareemaya qof kasta oo Berbera aqoon u lahaa markii hore iyo haddaba iyo hufnaantiisa shaqo ee xoghaye Cabdikariin Aadan waa tusaale fiican oo ku dayasho mudan. La soco qormooyin Taxane ah.
Qore 
Farxan Guuled Warsame.
Farxangul@gmail.com
Berbera /Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured