Daawo Xogreeb TV: "..Hantida Ummadda daaya waa Xaaraane, markaas ayaa Nin Hantidii Ummadda jeebka ku shubtay odhanayaa Siyaasad baa hadlay, waar marka adiga lagu toosinayo Dalka, Dadka iyo Diinta ayaa la badbaadinayaa."Sheikh Aadan Siiro

0
Saturday December 23, 2017 - 02:47:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Xogreeb TV: "..Hantida Ummadda daaya waa Xaaraane, markaas ayaa Nin Hantidii Ummadda jeebka ku shubtay odhanayaa Siyaasad baa hadlay, waar marka adiga lagu toosinayo Dalka, Dadka iyo Diinta ayaa la badbaadinayaa."Sheikh Aadan Siiro

    Daawo Xogreeb TV: "..Hantida Ummadda daaya waa Xaaraane, markaas ayaa Nin Hantidii Ummadda jeebka ku shubtay odhanayaa Siyaasad baa hadlay, waar marka adiga lagu toosinayo Dalka, Dadka iyo Diinta ayaa la badbaadinayaa."Sheikh Aadan Siiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo Xogreeb TV: "..Hantida Ummadda daaya waa Xaaraane, markaas ayaa Nin Hantidii Ummadda jeebka ku shubtay odhanayaa Siyaasad baa hadlay, waar marka adiga lagu toosinayo Dalka, Dadka iyo Diinta ayaa la badbaadinayaa."Sheikh Aadan Siiro
Hargeysa (Xogreebnews – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Kaalinta Sadaqadu kaga jirto Diinta Islaamka iyo siday ay Muhiimka u tahay in Dadku la baxaan Sadaqo.
Sheekh Aadan-Siiro wuxuu si faahfaahsan uga hadlay Wanaagga ay If iyo aakhiro leedahay bixinta Sadaqada iyo sida Diinta Islaamku Dadka ugu waanisay inay ILAAHAY Dartii wax ula baxaan.
Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi "Waxaynu ka hadlaynaa in ILAAHAY Dartii wax loola baxo si loo helo Bulsho Muslim ah oo meel u wada jeedda oo aan dabaqado lahay, sida Maanta kuwa Adduunka haystaa ku hoggaamiyaan.”
Sheekhu waxa kale oo uu sheegay "Islaamku wuxuu leeyahay nidaam dhaqaale oo loogu Talo-galay in Qofka Muslimka ah lagu kafaalo qaato, Waayo? Islaamku wuxuu la dagaalamay Faqriga, gaajada iyo Leel-leelka, intuba waa Aafo Qofka Bani-aadamka ahi sameeyo. ILAAHAY baa yidhi ‘Hadday Dadku toosnaadaan Samada ayaanu ka soo daynaynaa Biyo anfaca Bani-aadamka oo Dhulka barakeeya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Islaamku wuxuu gaadhay in Qofka dhallan doona Mushahar loo qoro. Islaamku wuxuu keenay Tajribo laba arrimood lagu keenay, mid waa nidaamka Sakada oo Wareegga Sannadkii 2.5 Qofka laga doonayo marka Lacagtidiisu gaadho 85 giraam oo Dahab ah ama haddaynu si kale u nidhaahno Lacag 6 kun iyo 5 boqol dollar ahi ku soo wareegto Lacagta qofkaasi haysto ayaa Qofka laga doonaya 2.5..”
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu ka warramay qorsheyaasha Dhaqaale ee Islaamka "Islaamku wuxuu keenay Qofku cunaa Laba ayay ku filan tahay, inta laba ay Cunaana Afar bay ku filan tahay, inta ay Afar cunaanna 8 bay ku filan tahay (Markay wadaagaan), Islaamku wax wada lahaansho ayuu Nolosha oo dhan ku dhisay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Sadaqada iyo Sakadu ka mid yihiin Tiirarka dhaqaale ee Islaamka "Sako oo waajib ah iyo Sadaqo oo Sunne ah weeye labada tiir ee Islaamku ku dhisay Nidaamka Dhaqaale ee Muslimka, ma riyoonayno marka aanu leenahay Islaamku wuxuu dhisay Nidaam dhaqaale oo dhamaystiran.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey "Al Imaamu Nawawi oo ka mid ah amimada waaweyn ee Muslimiintu leeyihiin wuxuu yidhi ‘Sadaqadu waa Sunne la jeclaystay oo lagu dhiiri-geliyey Dadka Muslimiinta ah, bisha Ramadaan waalla adkeeyay iyo marka Arrin muhiim ahi jirto, marka Qof Muslim ahi Xanuunsanayo ee dhib ku timaaddana Sadaqada waa la adkeeyay oo waa Mu’akid, wakhtiyada Qofka Muslimka ahi Safarka ku jiro (ee sahaydu ka gu’do) waalla adkeeyay Sadaqada.”
Sheekh Aadan-Siiro wuxuu tafaasiil ka bixiyey Sababaha ILAAHAY u soo dejiyey Kitaabka Qur’aanka kariimka ah "Kitaabka Qur’aanka ahi muxuu ILAAHAY u soo dejiyey? Wuxuu u soo dejiyey in Diinta lagu ilaaliyo, in Nafta Qofka bani-aadamka ah lagu ilaaliyo, in Caqliga Qofka Bani-aadamka ah lagu ilaaliyo, in Hantida Qofka Muslimka ah lagu ilaaliyo iyo Karaamada Qofka Muslimka ah lagu ilaaliyo. Laakiin, Nimankii Adduunka haystay si ay Islaamka Qalfoof uga dhigaan ayay yidhaahdaan ILAAHAY Masaajidka ah u joogo. Cilmaaniyaddu maxay tahay? Waa Diinta iyo Nolosha oo la kala saaro, marka aad tidhaahdo Hantida Ummadda daaya waa Xaaraane, markaas ayaa Nin Hantidii Ummadda jeebka ku shubtay odhanayaa Siyaasad baa hadlay, waar marka adiga lagu toosinayo Dalka, Dadka iyo Diinta ayaa la badbaadinayaa.”
Sheekhu wuxuu Jamicii Salaadda Jimcaha u tagay Masaajidka ee uu khudbadda dhegasanayey u soo jeediyey inay ILAAHAY dartii u caawiyaan Qof Muslim ah oo Kalyuhu fadhiisteen, kaasi oo loo ururinayo Dhaqaale lagu daweeyo "Khudbaddan waxaanu u samaynay Nin Muslim ah oo Kalyuhu fadhiisteen oo Masaajidka la jaar ah, Masaajidkan waxa laga doonayaa 3 kun oo dollar, waa 30 Qof oo Min Boqol dollar ama waa Lixdan Qof oo min Konton ah ama 120 Qof oo min 25 dollar ah. Walaaleyaal kun Dollar annagaa bixinayna, laba Kun ee kale idinkaa la idinka doonayaa (Dadka Masaajidka ku tukada).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey "Maalinba Qofbaa dhibban, maalinba Qof-baa Kalyuhu fadhiisanayaan ama Gurigiisu gubanayaa ee Dadkiinaa Masaajidka jooga qaata Mashruucaa (iska ururiya 2-daa kun ee Dollar)…”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured