Gudoomiyaha Solja iyo Idaacadda VOA-da oo ku Hawlan Burburinta Ururka Solja + Xukuumada Cusub Oo Lagala cararaayo Iyo sharciga Ururka oo la Baalmaray..

0
Thursday December 21, 2017 - 22:31:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1591
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Solja iyo Idaacadda VOA-da oo ku Hawlan Burburinta Ururka Solja + Xukuumada Cusub Oo Lagala cararaayo Iyo sharciga Ururka oo la Baalmaray..

    Gudoomiyaha Solja iyo Idaacadda VOA-da oo ku Hawlan Burburinta Ururka Solja + Xukuumada Cusub Oo Lagala cararaayo Iyo sharciga Ururka oo la Baalmaray..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Solja iyo Idaacadda VOA-da oo ku Hawlan Burburinta Ururka Solja + Xukuumada Cusub Oo Lagala cararaayo Iyo sharciga Ururka oo la Baalmaray..
Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland Solja Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto, ayaa fool eryeya Shir-weynaha lixaad ee Ururka Solja, kaasoo uu ku talo jira inuu qarsoodi ka dhigo, isla markaana kala cararaaya Xukuumada cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka cusub Wasaaradda Warfaafinta inay ka qaadato  doorkii ay ku lahayd.
Gudoomiye Xuuto iyo xubno kamid ah guddida fulinta ee waqtigoodu dhamaaday, ayaa maalmihii lasoo dhaafay si qarsoodi ah u magacaabay guddida qaban-qaabada shirweynaha lixaad ururka, kuwasoo baal maray  Xeerka Ururka,  oo iaaggu dhigaayey in la shaaciyo magacaabistooda, isla markaana suuqyada lagu dhejin jiray Boodhadh iyo weliba ogeysiis la xidhiidha Shirka oo lagu doorto hoggaan iyo weliba guddida fulinta, guddida.
Gudoomiye Xuuto oo Saaxib la ahaa Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi iyo weliba Ex Wasiir Samaale, isla markaana ku guuldaraystay shaqadii iyo madaxbanaanidii ururka, ayaa ka cabsi qaba la xisaabtan kaga yimaada Suxufiyiinta iyo weliba Xukuumada cusub oo damacsan inay tayeyso Warbaahinta iyo ururkooda Solja, ayaa qorshaynaaya inuu dabayaaqada bishan tahriibiyo, isagoo ka gaadhsinaya Waqtigan oo ay mashquulsan tahay Xukuumada cusub.
Shirqoolka iyo sharci jebinta uu Gudoomiye Xuuto ku magacaabay xubno sharciga ururku u diidayo inay kamid noqdan xubnaha qaban-qaabada, ayaa waxa kamid ah Wariye ka hawlgala Idaacadaha Caalamiga ah, oo aan sharciyan xaq u lahayn inay farogelinayan hawlaha gudaha ee Somaliland, waxa uu Xuuto guddida qabanqaabada ku daray, isla markaana Gudoomiye uga dhigay Barkhad Maxamed Kaariye oo wakiil u ah Idaacadda VOA-da. Weligeed may dhicin in Idaacada kale ee BBC-du farogeliso Ururka Solja iyo hawlihiisa gudaha, xubinna kamay noqon,  shirkoodana xata ergo kamay noqon. Balse waxa isweydiintu tahay Maxaa ugu wacan Idaacadda kale ee VOA-da inay burbur u horseedo Saxaafadda Somaliland, kana shaqeyso qayb-qaybinta afduubka hoggaankii fashilmay la maagan yahay. Hadii aanay degdeg Idaacadda VOA-du faraha ugala bixin, shaqaaleheedana kala dhex bixin, waxay Idaacaddu dusha u ridan doontaa wax kastaa oo shirkaas ka dhaca dhowan. 
Xuuto waxa kaloo uu magacowday xubin kamid ah guddidii fulinta ee hore, kaasoo u ku daray guddida qabanqaabada uu fool eryey, sharciyana xaq uma laha in guddida fulinta lagu daro xubnaha qaban-qaabada oo u qorsoodiga ka dhigtay.
Maxaa la gudboon Xukuumada cusub, Maxaa'se la gudboon VOA-da Maxaa'se la gudboon Suxuufiyiinta la soco qaybaha dambe Warbixino.
Farxaan Guuleed Daahir 
Burco/Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured