Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi oo Mashquul ku Noqday Dhaqdhaqaaqyada Siyaasiga ah ee ka Socda Madaxtooyadda ee Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Kooxo Sirta u Gudbiya oo ku Beeray Qasriga dhexdiisa...

0
Thursday December 21, 2017 - 02:36:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi oo Mashquul ku Noqday Dhaqdhaqaaqyada Siyaasiga ah ee ka Socda Madaxtooyadda ee Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Kooxo Sirta u Gudbiya oo ku Beeray Qasriga dhexdiisa...

    Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi oo Mashquul ku Noqday Dhaqdhaqaaqyada Siyaasiga ah ee ka Socda Madaxtooyadda ee Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Kooxo Sirta u Gudbiya oo ku Beeray Qasriga dhexdiisa...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi oo Mashquul ku Noqday Dhaqdhaqaaqyada Siyaasiga ah ee ka Socda Madaxtooyadda ee Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Kooxo Sirta u Gudbiya oo ku Beeray Qasriga dhexdiisa...
Hargeysa(Xogreebnews)-Wasiirkii hore ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa la sheegay inuu si weyn ula socdo dhaqdhaqaqyada ka dhex socda qasrigii uu ka ahaa Amiirka iyo gacan-yaraha ee Madaxtooyadda, waxana la sheegay inuu ka war hayo kulan kastaa oo Madaxweynaha cusub Muuse Biixi Cabdi la yeesho cid, iyo weliba dhaqdhaqaaqyada siyaasiga ah ka dhaca, iyo sidoo kale ashkhaasta uu Xilal uu Madaxweynuhu rabo inuu u magacaabo ee qaybaha hadhsan Xukuumadiisa.
Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, oo sida la sheegay si weyn u xiiseynaya inuu taako taako ula socdo arrimaha Madaxtooyada ka socda, ayaa ku hawlan dhaqdhaqaaq kastoo uu oggaado, hadii uu la dhacsanaan waayo inuu mooshin Siyaasadeysan kaga hortagaayo uu dhaqaaqo. Ex Wasiir Maxamuud Xaash, la sheegay inuu si gaar ah u xiiseynaayo hadal haynta arrimaha dhinaca Xisbiga ah, isagoo ku raad jooga damaca Gudoomiyaha Kulmiye ee mustaqbalka inuu noqdo. Waxa kaloo la sheegay inuu si weyn u danaynaayo hadal haynta iyo xanta Xukuumada cusub ee ku saabsan maamulkii uu kamid ahaa.
Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa Madaxtooyadda ku beertay, isla markaana kaga dhex tagay kooxo tiro badan oo dhalinyaro ah, kuwasoo ka shaqeeya qaybaha kala duwan ee Madaxtooyada, khaasatana qaarkood Madaxweynaha cusub gacan-yarayaal u yihiin. Dhalinyarada iyo hawlwadeenadaas, ayaa intooda badani waxay taako taako ugu gudbinayaan Ex Wasiir Maxamuud Xaashi dhaqdhaqaaqyada iyo arrimaha siyaasiga ah ee Madaxweyne Muuse biixi ku talaabsanayo ama uu damacsan yahay.
Shaqaalaha Madaxtooyadda, ayaa uu Wasiir Maxamuud Xaashi xilal kala duwan u magacaabay marar badan oo kala dambaysay, kaasoo waax waax xil ugu dhiibay dhalinyaro tiro badan, oo intooda badani daacad u yihiin Siyaasadiisa iyo weliba hankiisa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured