Waa Kuma SHAQSIGA Ku SHAQAYSTA SHAADHKA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI

0
Wednesday December 20, 2017 - 02:10:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma SHAQSIGA Ku SHAQAYSTA SHAADHKA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI

    Waa Kuma SHAQSIGA Ku SHAQAYSTA SHAADHKA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Kuma SHAQSIGA Ku SHAQAYSTA SHAADHKA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI
Waxay ahayd sannadkii 2010, markii si lama filaana madaxweyne Siilaanyo uu gacanyarihiisa awoodda badan ugu magcaabay inuu noqdo Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, wakhti yar ka dibna wuxuu Xirsi u dallacay inuu sheegto magaca Chief of Cabinet, inkasta oo si weyn looga horyimi, arrintaasi waxay isugu biyo shubatay in Xirsi Cali Xaaji Xasan loo magcaabo Wasiirka Madaxtooyada si awooddiisa loogu xalaaleeyo.
Duruufo adag oo badan ayaa dalka ka soo maray in ruux aan la doorani uu ku maxaafsado magaca madaxweynaha la doortay, isla markaana uu awoodda madaxweynaha uga faa’iidaysto hab beeleed, waana mid ka mida sababaha horseedka u ahaa isbedelka dalka ka dhacay.
Dardaarankii xafladda Xil-wareejinta ee lagu caleemosaaray madaxweyne Muuse Biixi waxaa ku jirtay, inuu iska ilaaliyo in cid kale oo ay isku hayb yihiin madaxweynaha ay tidhaahdo madaxweynaha annagaa ka wakiila.
Haatan iyada oo madaxweynuhu wakhti kooban madaxtooyada ku jiro, waxaa durba bilaabantay in awooddii madaxweynuhu u gacan gasho, Mubaarik Taani oo ay isku hayb yihiin madaxweynaha.
Mubaarik Taani, Xoghayaha Madaxweynuhu, wuxuu haatan fadhiistaa xafiiskii Wasiirka Madaxtooyada ee Maxamuud Xaashi Cabdi, isaga oo la wareegay dhammaan awoodihii madaxtooyada.
Haatan Mubaarik Taani oo ay hayb ahaan isu dhow yihiin madaxweynaha wuxuu u hawlgalaa sidii Wasiir Madaxtooyo oo la mida Wasiiradii laga cabanayey ee isaga kala dambeeyey madaxtooyada. Isaga oo ka faa’iidaysanaya awoodda madaxweyne ay isku haybyihiin, wuxuu si aada ula dagaalamaa qof kasta oo ay maalin meel isku jiidheen, isaga oo madaxweynaha fursad u siiya ninkasta oo dano ama masaalix ka dhexeeyaan.
Muuse Biixi waxaad arki karaysaa oo keliya, haddii Xoghaynta ay hayb ahaan isxigaan ay raalli kaa tahay, haddii kalese farriintaadu weligaa gaadhi mayso.
Mudane Madaxweyne miyay naga kaa qabataa in madaxtooyadii aad ka talinaysay aad ku sharaxdo beeshaada, agaasimaha Madaxtooyada, Afhayeenka, Xoghayntaadii iyo Xisaabiyihii guud ee Madaxtooyada waxaad isku tihiin hal qoys, madaxweyne qarankii kale aaway?.
Golihii Wasiirada ee la soo magcaabay, waxaad jeegaanta siisay Wasiiradii ugu cuslaa sida Wasiirada Arrimaha Debedda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Gaadiidka iyo Waddooyinka, Tamarta iyo Shidaalka, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga oo isku jira, Arrimaha Bulshada, Xidhiidhka golayaasha iyo Dastuurka, Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo weliba Wakaaladda Duulista Hawada oo u dhiganta Wasaaraddii duulista Hawada. Madaxweyne Caddaaladdu ma sidaasaa, adiga oo og in Jeegaantu ay haysato Madaxweynihii, Guddoomiyihii Guurtida iyo Guddoomiyihii Maxkamadda sare.


Madaxweyne, Somalilandta aynu doonayno ma Siilaanyo, Muuse ku bedel uun baa, Wasiirkii reereed oo awoodda madaxweynaha isticmaalayeyna ma Mubaarik Taani ayaad ka dhigatay?

Madaxweyne, haddii aad doonaysid inaad ogaato wixii ka socda xaafadaha ka baxsan inta reerka aad ka dhalatay dego, fadlan dadka kale fursad u sii ay farriimaha kugu soo gaadhsiin karaan, hadda madaxweyne reeraha kalena xaq ayay u leeyihiin inay xoghayn kuu noqon karaan, Madaxweyne Cigaal, Riyaale iyo Siilaanyo midna xoghayn kama dhigan reerkiisa. Xoghayntooduna waxay ahayd mid u dhex ah reeraha hase ahaatee may ahayn mid qabyaaladi ka buuxdo, oo dadka kula dagaalama nacayb uu qabo.
Shacabku aad bay uga dheregsan yihiin inaad tahay hoggaamiyihii ku habboonaa ee haatan Somaliland u baahnayd, waana sababta ay kuu doorteen 55%, laakiin madaxweyne marka Chief of Staff awood badan oo reerkaaga ahi, uu shaadhkaagii ku maxaafsanayo, hadda ogow taasi waxay diraysaa farriin xooggan.
 Siciid Samatar Cali
Bartay Siyaasadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah
Hargeisa, Somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured