Xisbiga UCID oo si kulul u canbaareeyay shirkii Wasiirka Arimaha Debeda Somaliland kala qeybgalay maamul-goboleedyada Somaliya iyo Ganacsatada yaryar .

0
Friday May 31, 2013 - 07:50:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1035
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga UCID oo si kulul u canbaareeyay shirkii Wasiirka Arimaha Debeda Somaliland kala qeybgalay maamul-goboleedyada Somaliya iyo Ganacsatada yaryar .

    Kadib markii aanu si qoto dheer u daba galnay shirkii uu sida gaarka/kelida ah uga qayb galay wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Dr. Maxamed C/lahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii aanu si qoto dheer u daba galnay shirkii uu sida gaarka/kelida ah uga qayb galay wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Dr. Maxamed C/lahi Kadib markii aanu si qoto dheer u daba galnay shirkii uu sida gaarka/kelida ah uga qayb galay wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Dr. Maxamed C/lahi Cumar ee ka dhacay Kenyatta International Conference Centre, 28kii & 29kii May 2013 waxa aanu isla qaadanay in uu ahaa gef weyn oo meel kudhac ku ah sumcadda iyo qaranimada Somaliland.


Waxa la yaab iyo kedis nagu noqotay ka dhex muuqashada uu wasiirku ka dhex muuqdo madal aan u qalmin Somaliland. Waa nasiib darro in uu wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland ka dhex muuqdo shir ay gudoominaysay, midida daabkeedana haysay dawladda Somaliya. Inaka oo mucaarid iyo muxaafidba diidnay shirkii weynaa ee dawladda weyn ee Britain inagu marti qaaday, inooguna fidisay casumaad sharafeed meeqaam kan ka sareeya leh. Arrinka diidmada ka qaybgalkii shirkii London waxa uu si weyn uga cadhaysiiyay madaxda ugu saraysa ee dawladaha Britain iyo USA. Hanada, waxa nasiib darro ah in aan maanta dhex fadhiisano goob la iskugu yeedhay ganacsato yaryar iyo maamul goboleedyo yaryar.


Waxa nasiib darro ah in waraysigii uu wasiirku siiyay wargeyska dawladda Somaliland ee Dawan uu ku sheego in ay okay tahay in ay shirkan ka qayb galaan, maadaama ay joogeen shirkado ay ka mid yihiin Dababshiil iyo Liberty Shipping. Waxa aqoondaro weyn ah in uu kala saari kari waayo meeqaamka uu taagan yahay qaranka Somaliland iyo meeqaamka ay taagan tahay shirkad caalami ah, laakiin laga leeyahay Somaliland. Haddii aanu fahmin weli, Dahabshiil ganacsigeedu waxa uu ku xidhan yahay 85% dibedda Somaliland, sida Muqdisho, puntland, Djibouti, Kenya, iwm.

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID waxa uu uga digayaa shicib weynaha Somaliland, gudo iyo dibedba aqoondarada dublimaasiyadeed ee sida suudha uga soo ifbaxaysa maalinba maalinta ka dambaysa maamulkii aynu ku aaminay hogaanka dalka. Waxa aanu dhamaanba shicibkayaga qiimaha leh ee S/land u sheegaynaa in aanaan raali ka ahayn meel ka dhaca joogtada ah iyo boholo-dheeraynta lagu hayo qadiyaddii Somaliland ee aynu usoo halagamaynay mudada 22ka sanno ah.

Allaa Mahad Leh
Yusuf Budle
Xoghayaha Guud ee Arrimaha Dibeda iyo Xidhiidhka Caalamiga ee UCID

Minneapolis, MN USA
Email: ucidforeignaffairesoffice@gmail.com
Office: 00-1-612-886-9000


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured