MARAYKANKA OO DAFIRAY IN AL-SHABAAB KA SOO RIDAY DIYAARAD NOOCA WAX BASAASTA AH EE LOO YAQAANO DRONE-KA

0
Thursday May 30, 2013 - 18:59:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MARAYKANKA OO DAFIRAY IN AL-SHABAAB KA SOO RIDAY DIYAARAD NOOCA WAX BASAASTA AH EE LOO YAQAANO DRONE-KA

    Washington (xogreebnews.com-awladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in diyaarad nooca wax basaasa ah ee aan cidi wadin ay ku dhacday dalka Somaliya, siiba dhulka ay Al-shabaab ku taliso, taaso oo hore Al-shabaab u sheegatay inay soo riday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington (xogreebnews.com-awladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in diyaarad nooca wax basaasa ah ee aan cidi wadin ay ku dhacday dalka Somaliya, siiba dhulka ay Al-shabaab ku taliso, taaso oo hore Al-shabaab u sheegatay inay soo riday. MARAYKANKA OO DAFIRAY IN AL-SHABAAB KA SOO RIDAY DIYAARAD NOOCA WAX BASAASTA AH EE LOO YAQAANO DRONE-KA
Washington (xogreebnews.com-awladda Maraykanka ayaa xaqiijisay in diyaarad nooca wax basaasa ah ee aan cidi wadin ay ku dhacday dalka Somaliya, siiba dhulka ay Al-shabaab ku taliso, taaso oo hore Al-shabaab u sheegatay inay soo riday.
Saraakiisha Mareykanka ee u hadlay xarunta Pantegonka ayaa diiday in diyaaraddaas la riday, balse waxay sheegeen inay cillad lasoo daristay awgeed u dhacday, waxaana burburka diyaaraddaas gacanta ku haya xoogagga Al-shabaaba .

Afhayeen u hadlay Wasaarada Difaaca Maraykanka oo arintan ka hadlay ayaa yidhi “Diyaaraddu waxay ku jirtay howlgal ay xogo kaga ururinayso Soomaaliya 27-kii May, diyaaraddu si lama filaan ah ay ku dhacday, iyadoo duulaysay deegaan Koonfur kaga beegan Muqdisho” ayuu yidhi Afhayeenkaasi, balse Al-shabaab ayaa hore u sheegatay inay diyaaradaasi ay toogteen isla-markaana soo rideen.



Afhayeenka Wasaarada gaashaandhiga Maraykanka u hadlay ayaa sheegay inay baadhitaano ku wadaan sababta keentay inay diyaaradani soo dhacdo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured