LA JIIFIYAANA BANAAN LA JOOJIYAANA BANAAN : AGAASIMIHII HORE EE WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA SOMALILAND

0
Thursday May 30, 2013 - 18:56:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    LA JIIFIYAANA BANAAN LA JOOJIYAANA BANAAN : AGAASIMIHII HORE EE WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA SOMALILAND

    Waxaa kasoo wareegatay mudo 13 Casho markii dhamaan umada reer Somaliland meelwalba aynu joogno u dabaal degeynay qadiyada gooni isu taaga Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa kasoo wareegatay mudo 13 Casho markii dhamaan umada reer Somaliland meelwalba aynu joogno u dabaal degeynay qadiyada gooni isu taaga Somaliland LA JIIFIYAANA BANAAN LA JOOJIYAANA BANAAN : AGAASIMIHII HORE EE WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA SOMALILAND
Waxaa kasoo wareegatay mudo 13 Casho markii dhamaan umada reer Somaliland meelwalba aynu joogno u dabaal degeynay qadiyada gooni isu taaga Somaliland, Waxaa taa dheer wax ay ahayd 7 may markii aynu ka cudurdaaranay ka qeyb galkii shirkii Somali Conference in London, hadaba waxaa u baahan in leys weydiiyo maxaynu ka doonay shirka Maalgashiga Somalia, Yaa mihiimsan shirka Nairobi ee Maalgashiga Somalia iyo kii London ee dib udhiska Somalia, waxaad kaloo ogaataan shirkan Nairobi waxa uu kamid yahay go,aanadii hab shaqeedka lagu gaadhay London.

Waxaa is weydiin leh hadayna nahay reer Somaliland hadii aynu saxiixnay 8 Points ee London Agreement ee ay ka mid ahayd in ay Somalia ka baxdo dawlad ku meelgaadhka ah, oo aynu taageernay dawlada Somalia, maxaynu u Diidaynaa in ay hawada Somaliland xukumaan ilayn waxaynu ka midahayd dadkii wax ka saxeexay in dawlada ku meelgaadhka laga baxo miyaanay ahayn Contradiction Foreign Policy. Waxaa kaloo is weydiin leh yaa sareeya Protocol ahaan Somalia Ambassador Cali America iyo Wasiirka armaha debeda Somaliland Mudane Maxamed Cabdullahi Cumar. Waxa uu ahaa nin marti ah oo ka hooseeya darajo ahaan xaga shirka Ambassador Cali America. Miyaanay arinkeenu ahayn Lajiifiyaana Banaan la joojiyaana banana.

Tolow maxaa laga rabay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe markii uu salaanta ugu tegey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamed, Waxaase su,aal weyn aynu weydiinaynaa Wasiirka Warfaafinta Mudane Abiib timacade in uu sawirkan ku faraxsan yahay iyo inkale , Waxaan dhawraynaa shirkaagii jaraaid oo kale in aad qabato.Waxaa mihiim ah in Sida ugu dhaqsaha badan ay ugu yeedhaan golayaasha qaranka Mudane Maxamed Cabdullahi Cumar, ogow halka uu Cali America uu ka watay Flag Somalia oo uu ku dheganaa jaakadiisa, Mudane Maxamed Cabdullahi ma uu wadan calanka Somalilaland . Sheekadu waxa weeye meeshii sanqadh lacag ka baxdo waa la tegayaa, shacabkana waxa la tubayaa bacadka iyaga oo u dabaaldegaya qadiyadooda. Siyaasada arimaha debeda ee Maxaa Maxamed u diiday calankiisa , maantana ma safiir buu hoos fadhiistay? Maxaa loo banaan baxayey? Bal adba debeda Somaliland ma cada horaan u sheegay waase laysa soo gaadhi maalin uun. Sikastaba ha ahaatee golayaasha Somaliland bay u taalaa in ay shaqadooda gutaan iyo inkale. Waxaan ku soo gunaanadayaa intee in leeg baa ganacsigan socon?
Maxamuud Raage, Agaasimihii Hore Ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland
Birmingham


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured