Hal Sano ka hor: Gawracii UCID + Garnaqsiga Jamal Cali Xuseen ee Maanta

0
Wednesday November 08, 2017 - 20:21:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3032
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal Sano ka hor: Gawracii UCID + Garnaqsiga Jamal Cali Xuseen ee Maanta

    Hal Sano ka hor: Gawracii UCID + Garnaqsiga Jamal Cali Xuseen ee Maanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hal Sano ka hor: Gawracii UCID + Garnaqsiga Jamal Cali Xuseen ee Maanta

Hargeysa(Xogreebnews)-Taarikhdu waa raad nolohu ku suntado meertada dunida korkeeda intaa uu ku sugan yahay waayaha kolba lasoo dersa, sida colaad, nabad, farxad, naxdin, barqaawo iyo basanbaas, kii ay doonto ha noqotee. Waxa kaloo taarikhdu tahay cashar nolosha wax-ka-bara Jiilasha danbe, kol waxay noqotaa ileys mugdiga lagaga baxo, kolna waxay noqotaa mugdi aragtida lumiya.

Kol kale, Taarikhdu waxay tahay hillinka loo maro horuumar leh nolol-sami, marna waxay noqotaa qalin lagula dagaalamo dacaad-laawayaasha iyo dulmiga, had kalena waxay tahay diffaaca dulmanaha iyo dan-yarta. Geesinimadu maaha qori, Raganimaduna maaha aftahannimo, balse gobanimadu waxay tahay inaad ka garrowdo khalad, sida Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac "Gaariye” inoogu dhigay Tix kamid ah Maansooyinkiisa.

Sidaa darteed Akhristee, Maanta oo Taarikhdu tahay 8-dii, Novomber, 2017-ka, waxa hal-sanno oo buure ah laga joogaa dharaartii Gudoomiyaha Maxkamada sare Aadan X. Cali u xukun qar-qooshka kasoo saaray Kiiskii Khilaafka Xisbiga UCID, oo ay laba daraf ka ahaayeen Musharrax Jamaal Cali Xuseen iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe. Waa dharaar xasuus u leh Musharrax Jamaal Cali Xuseen iyo saaxiibadiisii sannaad ka hor, waa dharaar wax-saar u leh Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali oo taarikhdiisa gashay, waa dharaar Aroos-buu moodayee Aas u dhacay Faysal Cali Waraabe, olologtuna Aaxankiisa ahayd.

Haddaba, hal-sano kadib maanta, waa sidee darreenka Jamaal Cali Xuseen? Waa kan isagoo xasuusta maalintaa ka darreen celinaya;

"..Maanta oo kale, 8-dii November, 2016-ka, waxay ku beegan tahay maalintii cadaaladdii iyo garsoorkii dalku ay god madow gashay. Waa maalintii Maxakamaddii Sare dalku ay qaaday eexdii qarniga, Waa maalintii Gudida Diiwaan gelinta asxaabta qaranku ay shir ay laba cisho ka hor ay xaaraantimeysay ay haddana la soo fadhiisatay waa shir Xalaal ah ee ay xabadda madaxa nagaga dhufatay, Waa maalintii burburka xisbigga Qaran Ee UCID lagu wada heshiiyey Ee Baarlamaan, Guurti, Xisbiyadda kale mucaarid iyo muxaafid, oday dhaqameedyo, culimadda dalka dhamaantood, Madaxtooyada, iyo shacabka Somaliland aanay cidina u tafo xaydan badbaadinta sidii loo badbaadin lahaa.

Waa maalintii Ninka Tv-yadda horteeda iyo shacabka Somaliland horteeda balanta ku galay Ee Faysal Cali Waraabe Oo dhowr jeeroo hore dhacay, lana wada ogaa inaanu xisbigga soo saarin uu ku murmay Ee uu beenbeenta dad intuu Suuqa ka soo urursaday isku caleemo saaray Ee weliba ciidamadda qaranku ay ku ilaalinayeen, waa maalintii hotel Maansoor naloo diiday ee aanu hortiisa ku qabsanay shirkayagii geed hoostii, waa maalintii Somalilandtii aabahay iyo raggii kale xoreeyeen ay xaqa u hiilin weyday Ee hortooda laygu dulmiyey, waa maalintii Somalilandta aan shaqadaydii iyo noloshaydii uga imi ay dhabarka ii jeedisay ee xataa halgamayaashii, Culimaddii aan ka waayey qof qudha Oo yidhaa sax maaha, waa maalinta aan xasuusto raggii iyo dumarkii maalintaa I barbar taagnaa Ee I taageersanaa ileyn hadalka fiicana…”. La soco qaybaha dambe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured