Qaban-qaabada Soo Dhoweynta Wafti Ballaadhan oo u Horkacaayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee North America Mustafe Cabdi Cartan iyo Ku-xigeenkiisa oo Caasimadda Somaliland ee Hargeysa si weyn looga Dareemayo…

0
Wednesday October 04, 2017 - 02:17:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaban-qaabada Soo Dhoweynta Wafti Ballaadhan oo u Horkacaayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee North America Mustafe Cabdi Cartan iyo Ku-xigeenkiisa oo Caasimadda Somaliland ee Hargeysa si weyn looga Dareemayo…

    Qaban-qaabada Soo Dhoweynta Wafti Ballaadhan oo u Horkacaayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee North America Mustafe Cabdi Cartan iyo Ku-xigeenkiisa oo Caasimadda Somaliland ee Hargeysa si weyn looga Dareemayo…

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaban-qaabada Soo Dhoweynta Wafti Ballaadhan oo u Horkacaayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee North America Mustafe Cabdi Cartan iyo Ku-xigeenkiisa oo Caasimadda Somaliland ee Hargeysa si weyn looga Dareemayo…

Hargeysa(Xogreebnews)-qaban-qaabada iyo soo dhoweynta Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee North America Md. Mustafe Cabdi Cartan, ayaa si weyn looga darreemayo Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, iyadoo masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye, asxaab iyo taageerayaashu wadaan dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo si heer-caalami ah loogu diyaar-garoobayo soo dhoweynta Gudoomiyaha North America Mustafe Cabdi Cartan iyo Gudoomiye ku-xigeenkiisa Md. Mahdi Cumar Qaadi, afhayeenka Xisbiga Kulmiye ee Canada Dr. Maxamaud Yuusuf Ducaale iyo weliba masuuliyiin kale oo laamaha North America qaarkood.

Waftiga uu hor-kacaayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee North America Md. Mustafe Cabdi Cartan, oo la filaayo inay gegida Diyaaradaha ee Magaaladda Hargeysa soo cago-dhigtaan hadii Ebbe Idmo Arbacada todobaadkan dambe 11-ka bisha October, saacaddu markay tahay 11-ka duhurnimo, sida lagu sheegay Boodhadhka soo dhoweynta waftiga Xisbiga Kulmiye ee North America, ayaa waxa magaaladda gudaheeda lagu arkaya baabuur lagu dhajiyey soo dhoweynta xubnaha hoggaanka sare ee North America, kuwasoo hal-ku dhig looga dhigay kusoo dhowaada dalkiina hooyo.

Si kastaba ha ahaatee, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee North America Md. Mustafe Cabdi Cartan, ayaa isaggu ah shaqsi aad u firfircoon, isla markaana horumarin ballaadhan ku sameeyey laamahada kala duwan ee dalka Maraynka iyo North America ee Xisbiga Kulmiye, isagoo Xisbiga Kulmiye ka dhigay Xisbiga ugu awoodda badan ee ka hawlgala qaaradda America, sidoo kalena Gudoomiye Mustafe, ayaa lagu amaana inuu yahay masuul daacad ah, oo dhexda u xidhay guul uu mar labaad ku tallaabsado Xisbiga Kulmiye, waxanu intaa badan ku booriyaa taageerayaashiisa gudaha iyo kuwa dibedaba inay doortaan Murashaxa Xisbiga Kulmiye.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured