Faddeexad: Ku-simmaha Madaxweynaha Saylici oo Farray Badhaasabku xigeenka Awdal inuu ka Fara-maroojiyo Gurigii hore ee Badhasaabka Awdal oo Madaxweyne Siilaanyo ka Iibiyey Ganacsade ay Isku Ardaa Yihiin Madaxweynihii hore Md. Daahir Riyaale iyo Qorshihii Saylici oo Iskugu Biyo-shubtay Inuu Guriga Ganasadaha ka dhigto Hanti gaar uu i leeyahay....

0
Saturday September 02, 2017 - 01:33:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faddeexad: Ku-simmaha Madaxweynaha Saylici oo Farray Badhaasabku xigeenka Awdal inuu ka Fara-maroojiyo Gurigii hore ee Badhasaabka Awdal oo Madaxweyne Siilaanyo ka Iibiyey Ganacsade ay Isku Ardaa Yihiin Madaxweynihii hore Md. Daahir Riyaale iyo Qorshihii Saylici oo Iskugu Biyo-shubtay Inuu Guriga Ganasadaha ka dhigto Hanti gaar uu i leeyahay....

    Faddeexad: Ku-simmaha Madaxweynaha Saylici oo Farray Badhaasabku xigeenka Awdal inuu ka Fara-maroojiyo Gurigii hore ee Badhasaabka Awdal oo Madaxweyne Siilaanyo ka Iibiyey Ganacsade ay Isku Ardaa Yihiin Madaxweynihii hore Md. Daahir Riyaale iyo Qorsh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faddeexad: Ku-simmaha Madaxweynaha Saylici oo Farray Badhaasabku xigeenka Awdal inuu ka Fara-maroojiyo Gurigii hore ee Badhasaabka Awdal oo Madaxweyne Siilaanyo ka Iibiyey Ganacsade ay Isku Ardaa Yihiin Madaxweynihii hore Md. Daahir Riyaale iyo Qorshihii Saylici oo Iskugu Biyo-shubtay Inuu Guriga Ganasadaha ka dhigto Hanti gaar uu i leeyahay....
Boorama(Xogreebnews)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku-simmaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismacil Saylici, ayaa farray badhasaabku xigeenka gobalka Awdal Cabdi Nuur Sugaal inuu degdeg ugu soo guuro Gurigiii hore ee badhasaabka gobalka Awdal oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo siffo sharci ah uga Iibiyey Ganacsade reer Awdal ah, kaasoo si rasmi ah Mulkiyadiisa dawladdu ugu wareejisay ganacsadahaas, isla markaana uga guurtay Gurigii hore ee badhasaabka Awdal, oo hadda noqday Hanti qof shacab ahi leeyahay.
Ku-simmaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Saylici oo isaggu markiisii horeba si weyn uga soo hor-jeedday Iibinta Madaxweyne Axmed Siilaanyo kaga Iibiyey Ganacsade ay isku jiffo yihiin Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Riyaale Kaahin Gurigii hore ee badhasaabka, ayaa waxa lagu sheegay diidmadaas Md. Saylici iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo isku maan-dhaafeen, isla Markaana aanu Madaxweyne Axmed Siilaanyo dheg u jalaqsiin Diidmada Saylici.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo saxeexiisa ku bixiyey Gurigii hore ee badhasaabka Awdal, siffo sharcina kaga Iibiyey Ganasacadaha, ayaa waxa uu Madaxweyne ku xigeenkiisa ku War geliyey Inaanu hunguri ka qaban isagga (Saylici) hantida dhulka, ama Guryaha dawladda.
Madaxweyne ku xigeen Saylici ayaa isaggu damacsan dhankiisa inuu Gurigii hore ee badhasaabka Awdal Iibsado, kuna darsado hantidiisa gaarka ah, isagoo qorsheyey inuu ka dhigto goobo ganacsi iyo meheraddo suuq iyo bilic usoo kordhiya Magaaladda Boorama ee xarunta Gobolka Awdal. Waxa kaloo, Wararka ka agdhow ku simme Saylici intaa raaciyeen inaanu weli ka quusan, xataa iyaddoo la iibiyey Gurigii hore ee badhasaabka Awdal, isla markaana Guri kale iyo dhismihiisi loo dhisay xafiiskii badhasaabka awdal.
Waxanu Madaxweyne ku xiggeen Saylici ku hawlan yahay inuu awoodda ku simmaha Madaxweynaha kaga faa"iddeysto mudada uu maqan yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ku sugan dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta, waxanu ku simme Saylici dhowaan shaqadii ka joojiyey badhasaabka Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise Shiine, kaasoo isaggu Madaxweyne ku xiggeen Saylici ka diiday inuu dib ugu soo raro xafiiska badhaasabka xaruntii hore ee badhasaabka awdal oo hadda noqotay hanti shacab, waxanu Gudoomiye Shiine  Madaxweyne-ku-xigeenka ka dalbadday inuu qoro Warqad kale oo u ku burinnaayo Saxeexii iyo shaambaddii Madaxweyne Siilaanyo, ku bixiyey kuna Iibiyey Gurigii hore ee badhasaabka Awdal.


Si kastaba ha ahaatee, hantida Dawladda ee Shicibka Madaxweyne Siilaanyo ka Iibiyey ee Madaxweyne ku xigeen Saylici isna doonaayo inuu# ku darsado hantidiisa gaarka ah, ayaa waxa lagu sheegay asbaabaha uu uga hadhi waayey arrimo qabiileysan oo si toos ah dagaal siyaasadeed ugula jiro Beesha Ganacsadaha. Talaabadan iyo ficillada Madaxweyne ku xiggeen Saylici ku hawlan yahay ayaa todobaadkan Magaaladda Boorama ka noqday mid Guri kastaa lagaga sheekeysanaayey, isla markaana farta lagu fiiqaayey Damaca Saylici ee hantida ganacsadaha u gacan gashay, waxanay bulshadda Reer Awdal yar iyo weyn waxlalla yaabo ku tilmaameen hab-dhaqanka qabyaaladdeysan ee Madaxweyne ku xigeenkii la doortay Bulshada qabyaalad, qabyaalad iyo reero ugu kala faquuqaayo umadda cadaaladda iyo sinnaanta ka suggaysay. Isaggoo taas bedelkeedda noqday Md. Saylici Madaxweyne ku xigeenkii qabyaaladda iyo damaca waallaa.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured