Wasiirro La Kala Saftay Diyaarad Iyo Gabadh Lamaan oo Raaci Lahayd Oo Laga Reebay+ Fadeexadda Dul-hogganaysa Manaxaha Wasiirka Duulista Farxan Cali Haybe iyo Dareenkii Bini-aadanimo ee Wasiir Cali Marreexan oo Bulshadu u bogtay... FLY Dubai oo si daaciifnimo ku jirto uga hadashay Tacadigii ay kula kacday Haweenayda

0
Saturday August 26, 2017 - 02:03:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1826
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirro La Kala Saftay Diyaarad Iyo Gabadh Lamaan oo Raaci Lahayd Oo Laga Reebay+ Fadeexadda Dul-hogganaysa Manaxaha Wasiirka Duulista Farxan Cali Haybe iyo Dareenkii Bini-aadanimo ee Wasiir Cali Marreexan oo Bulshadu u bogtay... FLY Dubai oo si daaciifnimo ku jirto uga hadashay Tacadigii ay kula kacday Haweenayda

    Wasiirro La Kala Saftay Diyaarad Iyo Gabadh Lamaan oo Raaci Lahayd Oo Laga Reebay+ Fadeexadda Dul-hogganaysa Manaxaha Wasiirka Duulista Farxan Cali Haybe iyo Dareenkii Bini-aadanimo ee Wasiir Cali Marreexan oo Bulshadu u bogtay... FLY Dubai oo si daa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirro La Kala Saftay Diyaarad Iyo Gabadh Lamaan oo Raaci Lahayd Oo Laga Reebay+ Fadeexadda Dul-hogganaysa Manaxaha Wasiirka Duulista Farxan Cali Haybe iyo Dareenkii Bini-aadanimo ee Wasiir Cali Marreexan oo Bulshadu u bogtay... FLY Dubai oo si daaciifnimo ku jirto uga hadashay Tacadigii ay kula kacday Haweenayda

Hargeysa (Xogreebnews)–Khilaaf ayaa ka dhashay Haweenay lamaan oo Maanta laga reebay Diyaaradda Fly Dubai oo ka duushay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, ka dib markii khilaaf soo kala dhex galay iyada iyo Shaqaalaha Diyaaradda ka dhex shaqeynayey.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan) oo ka mid ahaa Rakaabkii diyaaradda raacayey, ayaa barta uu ku leeyahay Facebook ku baahiyey qoraal dheer oo uu kaga warramay sababta keentay in Hooyada iyo Ilmaha ay sidatay laga reebo Diyaaradda Fly Dubai, waxaanu yidhi "Gabadhani waa Somalilander waxay sidataa ilmo yar waxay u socotay UK waxay airport Hargaysa timi 4.30 am si ay uraacdo Flydubai, anigu waxaan airport imi 6.40am si aan u raaco Flydubai. Hase yeeshe gabadhi iyo ilmaheeiiba waxaa diyaaradi lagaga soo rogay khasab. Diyaaraada waxaala fuulay 7.40am gabadha iyo ilmeheedi waxay fadhisteen kursigii loogu talo galay hase ahayee islaan waayeel ah oo aan kici karayn ayey isu bedeleen kursigii. Wax yar ka dib inan cadaan ah oo shaqalaha diyaada ka mid ah ayaa u timi gabadhii waxay u shegtay in ay kursigedii ku fadhisato waxay ku tidhi ka daaqada ma fadhisan karo waayo ilmo yar ayaan haystaa waxaa laga yaaba in aan kackaco oo aan musqusha u baahdo. Gabadhi shaqalaha ahayd way ku adkaysatay. Ninkale oo rakaabkii diyaarada ah ayaa yidhi kayga ha fadiisato. Gabadhii shaqaalaha diyarada ahayd way cadhootay waxay u tagtay captain_ kii diyaarada waxay go’aan ku gadheen in gabadha iyo ilmaha yarba diyaada laga dejiyo. Waxaa diyaradii soo fuulay shaqaale somali ah oo u shaqaynayey Flydubai waxay gabadhi u sheegeen in ay ka degto diyaarada waxay tidhi maxaan sameeyey waxaa lagu yidhi waxaad cayday inan shaqaalaha diyaarada ka mid ah waxay tidhi cidna maan caayin Laakin lama dhegaysan. In yar ka dib ayaan soo dhexgalay inamadii Somaliga ahaa waxay ii sheegeen in aanwax wayni jirin laakin captainku amar bixiyey waxaanay iga codsadeen bal in aan kabtanka ladlo. Kabtankii ayaan ugu tegey qolka diyaarrada laga wado waan isu sheegay wuu soo yara kacay wuu isasoo taagay waxan ka codsaday in aan gabadha iyo ilmaha yar la dejin wuxu iiishegay in ay go’aan ku gaadheen in aanay racin gabadhaasi diyaaradii waxay habsaantay saacad iyo toban daqiiqo. Markii uu aniga iyo managerka airprortka naga diiday waxaa telefon kula soo hadlay wasiirka duulista hase yeeshee insa waa la diiday. Markaa waxaan anigu go’aan ku gaadhay in aniguna aan ka dego diyaarada. Inkasta oo ay isku dayeen in ay igu qanciyaan in aan raaco diyaarada hadana waxaan soo raacay gabadhii ilmaha yar sidatay.Sidaas ayaa aniga iyo gabadhiiba aanu kaga hadhnay diyaaradii. Waxaa ila soo hadlay markiiba regional diractorka Flydubai wuxuu iisoo garaacay apolog laakiin waxaan u sheegay inuu raaligelin siiyo miskiintaa la dulmay shaqaaloodana waxay sameyeen ay ahayd masuuliyad daro. waxaanu iminka raacaynaa Daalo ama Juba.”

Wasiirka Wasaaradda Duulista Farxaan Aadan Haybe oo isaguna arrintan ayaa ka hadlay khaladka saaray Gabadha Diyaaradda laga reebay ee Wasiirka Hawlaha Guud-na raacay, sida uu ku sheegayo Wareysigan lagala yeeshay.


Dhinaca kale, War-saxaafadeed Shirkadda Fly Dubai ka soo saartay Gabadha Diyaaradda laga reebay ayaa u dhignaa u sidan "Waxaanu la soconaa maanta xaalada ka abuurantan gudaha duulimaadka flydubai ee FZ660, 25 August ee Hargeisa ilaa Dubai ahaa.

Gabadh rakaab ahayd ayaa diiday inay fadhiisato kursigii ay siiyeen shaqaalahaayaga diyaarada ee tobobaran taas oo diiday inay raacdo diyaaraad oo ay tagto Dubai oo ay ku socotay kana hadhay.

Waxaa mudnaanta kowaad aanu siinaa badbaadada rakaabkaayaga iyo shaqaalahaayaga waana in shaqaalahaayaga iyo rakaabkaayagaba si xushmad leh loola dhaqmaa.

Waxaanu ka raali galinaynaa dhamaan rakaabkii saarnaa diyaarada wixii uga yimid dib u dhicii ku yimid duulimaadka. Waxaanu wadnaa baadhitaan dhamaan cidii ku lugta lahayd.”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured