Gudoomiyaha Laanta Finland ee Xisbiga Kulmiye Axmed Khaliif oo Noqday Shaqsiga Ugu Waxqabadka Badan dhamaan Laamaha Kulmiye ee Dunida+ Kartida uu Kaga Dheereeyey Lamihii Dhiggiisa ahaa Iyo Go'aankiisa ah Inuu Musharrax Muuse Biixi Noqdo Madaxweyne Maalin-dhow?. Qalinkii Cabdifataax Cali Faarax

0
Thursday August 24, 2017 - 02:52:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Laanta Finland ee Xisbiga Kulmiye Axmed Khaliif oo Noqday Shaqsiga Ugu Waxqabadka Badan dhamaan Laamaha Kulmiye ee Dunida+ Kartida uu Kaga Dheereeyey Lamihii Dhiggiisa ahaa Iyo Go'aankiisa ah Inuu Musharrax Muuse Biixi Noqdo Madaxweyne Maalin-dhow?. Qalinkii Cabdifataax Cali Faarax

    Gudoomiyaha Laanta Finland ee Xisbiga Kulmiye Axmed Khaliif oo Noqday Shaqsiga Ugu Waxqabadka Badan dhamaan Laamaha Kulmiye ee Dunida+ Kartida uu Kaga Dheereeyey Lamihii Dhiggiisa ahaa Iyo Go'aankiisa ah Inuu Musharrax Muuse Biixi Noqdo Madaxwey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Laanta Finland ee Xisbiga Kulmiye Axmed Khaliif oo Noqday Shaqsiga Ugu Waxqabadka Badan dhamaan Laamaha Kulmiye ee Dunida+ Kartida uu Kaga Dheereeyey Lamihii Dhiggiisa ahaa Iyo Go'aankiisa ah Inuu Musharrax Muuse Biixi Noqdo Madaxweyne Maalin-dhow?. Qalinkii Cabdifataax Cali Faarax

Laanta Xisbiga Kulmiye ee dalka Finland, ayaa safka hore kaga jirtaa Laamaha ugu fir-fircoon ee Xisbiga Kulmiye ku leeyahay shanta qaaradood ee dunida, waxanay qaaday tallaabooyin kala duwan oo iskugu jira dib-u-habayn iyo dar-dar gelin hawlaha shaqo ee Xisbiga ah, sidoo kalena waxay Laanta Kulmiye ee Finland saameyn muuqata kaga jirtaa Siyaasadda guud Xisbiga Kulmiye ee gudaha dalka.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Laanta Finland Md. Axmed Cabdilaahi Khaliif, oo xilka hayey muddo laba sannaadood ah, ayaa ku guuleystay dhaq-dhaqaaqyo lagu tayeynaayo Xisbiga, isla markaana laamaha dalka dibediisa lagu baraarujinaayo iskaashi iyo midnimo guul lagu garab-gelaayo Murashaxa jagadda Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, sidoo kalena Gudoomiye Axmed Cabdilaahi Khaliif waxa uu xafiisyo iyo guddiyo kala duwan ka sameeyey dhamaan gobollada dalka Finland.

Waxa kale, oo xusid mudan Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Laanta Finland Md. Axmed Khaliif inuu xaflado waaweyn sannaadkan 2017-ka u qabtay taageeraayaal tiro iyo cadad belay, sidoo kalena waxa uu Xisbiga kusoo dhoweeyey masuuliyiin badan oo kasoo digo-rogtay Xisbiyadda Mucaaridka ah, kuwasoo uu si heer-sare ah usoo dhoweeyey ina qaabiley. Iyadoo dhinaca kalena Gudoomiyuhuu sameeyey guddiyo dhaf-dhabar u ah dhismaha laanta, kuwasoo iskugu jira garabyada dhalinyarada, haweenka iyo sidoo kale, guddi nus-dambeed ah oo si toos ah ula arrimisa Gudoomiyaha iyo hoggaanka sarre ee Laantaas.

Sidoo kale, Laanta Xisbiga Kulmiye ee Finland waa ta keliya ee ugu dhaq-dhaqaaqyada badan dhamaan laamaha Xisbiyadda Siyaasadda Somaliland, isla markaana waxay laantani tahay ta keliya ee ugu shacbiyadda badan Xisbiyadda, mana jirto Xisbi haystaa taageeradda Jaaliyadda Somaliland ee reer Finland oo isku dhereerin karaa. Iyadoo ashkhaasta labeenta ah ee dadka Siyaasadda danneeya ku dhan yihiin, ayey haddana noqotay midda loogu gelis badan yahay ama lagu biiro, iyadoo madaxda laantu goor iyo allayl heegan u galaan sidii ay Barnaamijka Xisbsiga Kulmiye bulshada uga dhaadhicin lahaayeen.

Haddaba, Akhriste maxaad u maleynaysaa inay Laantani kaga dheereysay laamihii Xisbiyadda kale ee ay isku dalka ku yaaleen, sidoo kalena ay u noqotay hormuuudka dhamaan laamaha Xisbiga Kulmiye ugu fir-fircoon hadday tahay saameynta gudaha iyo dibeda. Su’aasha jawaabtaas, haddaynu ka jawaabno waxa u sahlay Laanta Xisbiga Kulmiye ee Finland guulaha intaas le’eg inay muddo kooban ku gaadho, ayaa waxa lagu sheegay dhowrkan qodob ee soo socda.

1; Gudoomiyaha Laanta Finland ee Xisbiga Kulmiye Md. Axmed Cabdilaahi Khaliif, ka hor intii aanu xilka laantaas qaban waxa uu xilal kala duwan kasoo qabtay gudaha dalka, isagoo soo qabtay xilka agaasimaha Wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena soo maray xilal agaasime waaxeedyo kale duwan. Sidaas daraadeed waxa uu lahaa waayo-aragnimo iyo bisayl maamul iyo weliba aqoon Siyaasadeed, waxanay kamid yihiin waxyaabaha u sahlay inuu Laanta Xisbiga Kulmiye ee Finland gaadhsiiyo horumar, isla markaana ay ku talaabsato guulo aanay Khayrkeed gaadhin.

2; waxa kaloo xusid mudan, inuu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Laanta Finland yahay shaqsi hawl-kar ah, isla markaana si daacadnimo ku jirto uu guto waajibaadkiisa shaqo, isagoo docda kalena ah qof bulshaawi ah oo lagu soo hirto, kaasoo cid kastaa raali-geliya, iskuna daya shaqsi kastaa inuu ku qanciyo afkaarta Xisbigiisa, kuna qaabilo gacmo furan iyo niyad-sami.

3; Gudoomiye Axmed Khaliif waxa uu hor-seed u yahay Siyaasiyiinta da’da yar ee Xisbiga Kulmiye carbiyey, sidoo kalena leh hiigsi iyo himilo hoggaamineed oo u rabbo inuu qayb kaga noqdo madaxda Qaranka Somaliland Mustaqbalka, hammigaas uu leeyahay awgii waxa uu la yimi dabacsani iyo qaabilaad wanaagsan, waxanu noqday dadka ugu caansan madaxda Kulmiye ee Laamaha dibeda… la soco qaybaha dambe.

Billaha Tawfiiq.

W/Q

Cabdifataax Cali Faarax

Hargeysa/Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured