Maxamud Xashow Jagada Wareejinta Gudoomiye Kulmiye Xilligeeda ha Gaadho, sida aad U kala Tacab-badan tihiin Adiga, Cali Mareexa iyo Ina Kaahin Ayuun-buu Musharrax Muuse Biixi Idiinku Lisayaa. W/Q Cabdifatax Cali faarax.

1
Thursday August 17, 2017 - 02:26:54 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1970
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Maxamud Xashow Jagada Wareejinta Gudoomiye Kulmiye Xilligeeda ha Gaadho, sida aad U kala Tacab-badan tihiin Adiga, Cali Mareexa iyo Ina Kaahin Ayuun-buu Musharrax Muuse Biixi Idiinku Lisayaa. W/Q Cabdifatax Cali faarax.

    Maxamud Xashow Jagada Wareejinta Gudoomiye Kulmiye Xilligeeda ha Gaadho, sida aad U kala Tacab-badan tihiin Adiga, Cali Mareexa iyo Ina Kaahin Ayuun-buu Musharrax Muuse Biixi Idiinku Lisayaa. W/Q Cabdifatax Cali faarax.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamud Xashow Jagada Wareejinta Gudoomiye Kulmiye Xilligeeda ha Gaadho, sida aad U kala Tacab-badan tihiin Adiga, Cali Mareexa iyo Ina Kaahin Ayuun-buu Musharrax Muuse Biixi Idiinku Lisayaa. W/Q Cabdifatax Cali faarax.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Md. Maxamud Xaashi cabdi, ayaa oloolle xoogan ugu jiraa sidii uu jagada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye loogu wareejin laha ka hor intaa aan la gaadhin xilligga Doorashada Madaxtooyadda. Waxanu bilaabay oloolle xoogan iyo dhaq-dhaqaaqyo isha fallato ah oo u doonaayo inuu kaga faro-maroojiyo Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi intaa aanu Kursiga Madaxweynaha fuulin.

Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa uu in muddo ah, si toos ah uga fadhiistay oloollaha Xisbiga Kulmiye bulshada Somaliland kaga doonayo Codka, isagoo taas bedelkeeda wadday dhaq-dhaqaaqyo lagu wiiqayo iyo sidoo kale, qorshe uu si qarsoodi ah oo u in muddo ah la wadday Faysal Cali waraabaha baa’biiyey Xisbigii Ucid, isla markaana noqday ma gudbaha Siyaasadeed oo Tukaan iyo meel dadka lagu shaxaado ka dhigay Xisbigii Burburay ee Ucid.

Hase-yeeshee waqti xaadirkan waxa uu Wasiirka Madaxtooyaddu Md. Maxamuud Xaashi cabdi, waxa uu hormuud wehelliya Musharraxa Xisbiga Kulmiye ka noqday Safarkii Waftigu ku tageen gobollada bariga Somaliland, waxana la arkaayey dhaq-dhaqaaqyo dhowr ah oo u Wasiirku u sammaynaayey Muuse haku arko inaad awood ku dhex leedahay Beesha bariga Somaliland ee u kasoo jeedo, sidoo kale, waxa uu Wasiir Maxamuud Xaashi waftiga ula socday Ujeedo ah, inuu hoosta ka abaabulayey oo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi la kulan siinayey Odayaal kasoo jeeda Beeshaas, kuwasoo Gudoomiyaha Kulmiye ugu baannayey inuu si deg-deg ah u wareejiyo Jagada Gudoomiyaha Xisbiga, isla markaana ku wareejiyo Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi. Wallow aanu Musharrax Muuse dheg u jalaqsiin dalabyada jid-goynta uu Wasiir Maxamuud Xaashi u dhigtay.

Docda kale, Bulshada Somaliland waxay aaminsan tahay inaanay haboonnayn in Musharrax Muuse Biixi Cabdi uu wareejiyo xilligan, jagadda Gudoomiyaha Xisbiga, balse sidii uu Madaxweyne Siilaanyo sameeyey uu jagadaas Nin u qalma oo Beeshaas ah, ku wareejiyo marka uu Xisbiga Kulmiye u guuleeysto Kursiga Madaxweynaha, balse inta ka horraysa waqtiga Doorashadda, caqli gal maha in la furo al-baabka jagada Gudoomiya iyo Musharraxnimada in la kala qaado. Hase-yeeshee waxa meesha taala, Nin-ba Tagoogiisu Tacabkiisa ka maala. Wasiir Maxamud, Wasiir Cali Mareexan iyo Maxamed Kaahin iyo weliba Nin kastoo Damac lehi, kiisa dambe ha laga gaadho’e Maanta Muuse in la waydiisto jagadaas uma baahna ee waxa uu baahan yahay in la dhiso.

Si kastaba ha ahatee, Gudoomiyaha ama Musharraxa Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi waxan kula talin lahaa inuu il gaar ah ku eeggo Ninka ugu tacabka badan Xisbiga Kulmiye ee kasoo jeeda dhaxal-sugayaasha bariga Somaliland, hadii aan si kale u eegnana waa Ragga kala ah Cali Mareexan, oo ay ka go’an tahay guusha Madaxweyne Muuse, isla markaana qawlkiisa iyo ficilka uu qabanaya labaduba ay is waafaqsan yihiin. La soco

Qalinkii

Cabdifatax Cali faarax.

Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured