Xoghayaha Dawlada Hoose ee Berbera Waa masuul kaso Baxay Shaqadii Qaranka, Mana Geeyo Dacaayo Raqiis ah

0
Thursday July 27, 2017 - 02:18:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Dawlada Hoose ee Berbera Waa masuul kaso Baxay Shaqadii Qaranka, Mana Geeyo Dacaayo Raqiis ah

    Arinta Ku shaqeynta Saxeex Xoghaye ee Agaasimaha Maamulka iyo maaliyadaiminka wax ku cusub Maaha Dawlada hoose ee Berbera Bal aan Eegno Sedexdii Xoghayihii ee U kala Danbeeyey Xilka Xogahayaha Cabdikariim Aadan Cade Ka Hor , markaaLaga Soobilaabo Xog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arinta Ku shaqeynta Saxeex Xoghaye ee Agaasimaha Maamulka iyo maaliyadaiminka wax ku cusub Maaha Dawlada hoose ee Berbera Bal aan Eegno Sedexdii Xoghayihii ee U kala Danbeeyey Xilka Xogahayaha Cabdikariim Aadan Cade Ka Hor , markaaLaga Soobilaabo Xoghayihii Hore ee Dawlada Hoose Rashiid Aw Xasan Waxa jirta xili uu safar ugu baxay wadanka Itoobiya, waxa kusii shaqeyn jiray sexeexiisa Agaasimaha Maamulka iyo maaliyada ee Dawlada Hoose ee Xiligaasi Cawil Cumar Cawil Dheere, Sidoo kale Xiligii uu Xoghayaha Ahaa Cali Maxamed Cilmi (Cali gadheere ) Waxa loo magacaabay Badhasaab Waxaana Ku sime ka ahaa Agaasimaha Maaliyada Cawil Dheere.

Maalmihii U Danbeeyey Waxa Warbaahinta Qaarkeed Lagu Faafiyey Qoraalo Dhul oo Been Abuur ah Oo Ay Soo Maleegaan Shaqsiyaad Ka soo Horjeeda Horumarka La Taaban karo ee degmada Berbera Ka socda Oo Baalasha Hagaya uu Ka mid yahay Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose BerberaCabdikariim Aadan Cade Oo Mudadii Uu Shaqeynayay Si Xilkasnimo Dad isku wad iyo taabaglinta sharciyada ku hagay degmada berbera.

Bayaamin Arinta Sexeexa Xoghayaha Tariikh Kooban

Qoraalka Laga Been Abuuray Xoghayaha waxa ay ahayd Ubucdiisu in Xoghayaha Saxeexiisa Agaasimaha Maaliyadu Isticmaalay, Arintaasi ayaan ku dul istaagi doona qoraalkan, Sharciga Wadanku muxu ka qabaa in Xoghayaha Saxeexiisa La isticmaalo Xiliga Maqanyahay, Sida uu dhigayo Xeer Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Xeer 23 waxaa sifo sharci waafaqsan u isticmaali kara Agaasimaha Maamulka iyo maaliyada Oo Ahna Kusimaha Xoghayaha Hadii Fasax Kaga Maqanyahay Shaqada (Dalka iyo Dabada Kay Doontaba Ha ahaate) Halka Maayarku marka uu maqanyahay uu Ku sime ka yahay Maayar Kuxigeenku.

Arinta Ku shaqeynta Saxeex Xoghaye ee Agaasimaha Maamulka iyo maaliyadaiminka wax ku cusub Maaha Dawlada hoose ee Berbera Bal aan Eegno Sedexdii Xoghayihii ee U kala Danbeeyey Xilka Xogahayaha Cabdikariim Aadan Cade Ka Hor , markaaLaga Soobilaabo Xoghayihii Hore ee Dawlada Hoose Rashiid Aw Xasan Waxa jirta xili uu safar ugu baxay wadanka Itoobiya, waxa kusii shaqeyn jiray sexeexiisa Agaasimaha Maamulka iyo maaliyada ee Dawlada Hoose ee Xiligaasi Cawil Cumar Cawil Dheere, Sidoo kale Xiligii uu Xoghayaha Ahaa Cali Maxamed Cilmi (Cali gadheere ) Waxa loo magacaabay Badhasaab Waxaana Ku sime ka ahaa Agaasimaha Maaliyada Cawil Dheere.

Xiligii Suhayb Maxamed Cali aha Xoghayaha Dawlada Hoose ee Berbera ee Socdaalka ku tagay Dalka Swedan waxa ku sime ka ahaa oo sexeexiisa ku shaqeyn jiray Agaasimaha Maaliyada iyo Maamulka Dawlada Hoose ee Xiligan Maxamed Cali Caabi. Sidoo kalena Xiligan Xoghayaha Dawlada Hoose ee Berbera Cabdikariim Aadan Cade Mar Uu socdaal ku tagay wadanka Jabuuti waxa kusime kusii shaqeeyey Agaasime Caabi Taasi waxay ka markhaati kacaysaain Nidaamka Sharci ay qeyb ka tahay si loo socodsiiyo hawlmaalmeedka shaqo ee dawlada hoose ee Berbera.

Arinta Fileka Been Abuurka ah:

Hadii Aan ka hadlo Fileka Lasoo Bandhigay ee Dhulka ah sida ka muuqata magaca shirkada loo sameeyey waxaad arkaysaa in ay tahay mid foojari ah taasina waxay muujinaysa dadka qoraalkan faafinaya inay been la wareegayaan dhulka berbera bixintiisu sharciyad ayay martaa cid loo boobo iyo cid loo dhaca ma jirto. Waxaanad ka arki kartaa fileka sida magaca loogu dul qoray ee la isugu keenay.

Cabdikariim Aadan Cade;

Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose ee Berbera Masuul Kasoo Baxay Shaqadii Uu Qaranka U Hayey Oo Ay dadka Ku dhaqan Degmada Berbera iyo Guud ahaan Gobolka Saaxil ka marag keceen sida daacadnimadu ku jirto ee hawlahaasi u hayo isagaa ah shakhsi bulshada dhexdeeda ku leh sumcad iyo sharaf isla markaana ah dhashii reer Berbera ee asalka ahayd, Waa Abwaan Waa Qoraa Waana Aqoonyahay Cilmiga Maamulka iyo Maareynta Ka soo bartay Jaamacada Cambridge tutorial college.

Ugudanbeyntii Dadka Faafinaya Dacaayadahaas Raqiiska ah ee Laga Faafiyey Masuulkani waxaan u sheegaya in Xilku yahay Masuuliyad Alle Qofka Saaro Maalinta ay Xaga Eebe Kasoo Dhamaatana uu Qofkaasi Xilka Baneeyo Laakiin Xagxagasho waxba Ma tarayso ee Haku Karaamo Seegine.

Mubaarig Cismaan Siciid (Mubaarig Nirig)

Saaxil181@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured