Xildhibaan Ibraahin Axmed Laangadhe oo Ka Tirsan Golaha deeganka Degmada Ceerigaabo Iyo Xisbiga Kulmiye oo Safar kusoo Maray Deeganada kala ah, Jiideli, Goof, Ceel-lamaan,Kulmiye, Dooxada Ceel-qoray, Dooxada Masagan iyo meelo kale oo badan, Bulshada-na ku Wacyigeliyey inay Hore ka Qaatan Kaadhka Codbixinta ee dhowaan ka bilaabmaya Gobolada Sanaag iyo Sool+ Shirar al-baabadu u xidhan yihiin oo u la yeeshay qaybaha Bulshada..

0
Sunday July 23, 2017 - 02:38:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ibraahin Axmed Laangadhe oo Ka Tirsan Golaha deeganka Degmada Ceerigaabo Iyo Xisbiga Kulmiye oo Safar kusoo Maray Deeganada kala ah, Jiideli, Goof, Ceel-lamaan,Kulmiye, Dooxada Ceel-qoray, Dooxada Masagan iyo meelo kale oo badan, Bulshada-na ku Wacyigeliyey inay Hore ka Qaatan Kaadhka Codbixinta ee dhowaan ka bilaabmaya Gobolada Sanaag iyo Sool+ Shirar al-baabadu u xidhan yihiin oo u la yeeshay qaybaha Bulshada..

    ".. Wallaahi dee waanu isla og nahayd dadku halka ay Codkooda marinayaan, hase-ahaatee safarkayaga waxa ugu muhiimsanaa inaanu Bulshada usii sharaxno ahmiyadda uu leeyahay Kaadhka Codbixintu iyo waxyaabaha uu ka caawin doono oo kamid ah xuquuq a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

".. Wallaahi dee waanu isla og nahayd dadku halka ay Codkooda marinayaan, hase-ahaatee safarkayaga waxa ugu muhiimsanaa inaanu Bulshada usii sharaxno ahmiyadda uu leeyahay Kaadhka Codbixintu iyo waxyaabaha uu ka caawin doono oo kamid ah xuquuq ay kala siman yihiin shacabweynaha reer Somaliland oo dhan". Xildhibaan Ibraahin Axmed Laangadhe

Ceerigaabo(Xogreebnews)- Xildhibaan Ibraahin Axmed Laangadhe oo kamid ah golaha deeganka degmada Ceerigaabo iyo Cuqaal ka tirsan Ardaagiisa, ayaa kormeer ogeysiis wacyigelineed oo ku saabsan qaadashada Kaadhka Cod-bixinta oo dhowaan ka bilaabmi doonta gobollada Sanaag iyo Sool ku gala bixiyey deegaano tiro badan o hoosyimaada degmada Ceerigaabo. Xildhibaan Ibraahin Axmed Laangadhe oo kamid ah Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Sanaag, ayaa sidoo kale qaybaha bulshada deegaanada uu maray la yeeshay kulamo u badan dhinaca wacyigelinta, wallow aanay sida ka muuqatay ka madhnayn Olole uu uga Wakiil yahay Xisbigiisa Kulmiye.

Xildhibaan Ibraahin Axmed Laangadhe iyo waftiga uu hoggaaminaayo ayaa safarkooda wacyigelinta Kaadh qaadashada bilaabmi doonta 8/8/ 2017-ka kusoo maray Tuulooyin iyo degmooyin badan, kuwasoo ay degen yihiin Bulshadii soo dooray Xildhibaanka, waxanu Xildhibaanku bulshada deegaanada uu soo maray ku booriyey in la qaato Kaadhka dhowaan bilaabmi doona, isagoo dadweynaha deegaanada u sheegay in Kaadhku ka caawin doono xulashada hoggaanka Mustaqbalka iyo sidoo kale, doorashada Baarlamaanka

Haddaba, Xildhibaan Ibraahin Axmed Laangadhe oo khadka Telefoonka .shabakadda Xogreebnews kula xidhiidhay isagoo ku sugan deegaanada waqooyiga ka xigga degmada Ceerigaabo, ayaanu ugu horrayn waydiinay sababta keentan inuu xilligan aanay bilaabmin kaadh qaadashada gobolka Sanaag uu wacyigelinta ku kaliftay, ayaa sheegay inay muhiim tahay in wax lasii fahamsiiyo bulshada, si hadhow dadku iyaggoo ku baraarugsan ay kaadhka u qaatan.

Xildhibaan Ibraahin Axmed Laangadhe ayaa oo ka jawaabaayey su’aal ahayd inta deegaan ee ay soo mareen, ayaa waxa uu yidhi "..waxanu soo marnay oo wacyigelin kusoo sammaynay bulshada ku nool deegaamo badan, waxana kamid ahaa deegaanada aan aniga iyo waftigu marnay Deeganada la kala yidhaa Goof, Ceel-lamaan,Kulmiye, Jiideli, Dooxada Ceel-qoray, Dooxada Masagan iyo meelo kale oo badan. Markaa dadka waxaanu lahayn qaata kaadhka Codeynta ee dhowaan la inoo keeni doono, maadaama oo mudadu gaaban tahay, waxanu isla garanay waxgaaradka deegaanada aanu soo marnay in bulshadu si hesho wacyigelin kasii horraysa xilliga la bilaabaayo”.

Geesta kale, Xildhibaan Ibraahin Axmed Laangadhe oo shabakaddu waydiisay inay Bulshada deegaanada ay mareen kala hadleen xullashada xisbi gaar ah, ayaa ka gaabsadday inuu ka hadlo inay ollole xisbi galeen, hase-yeeshee waxa uu iftiimiyey inay jireen kulamo gaar-gaar ah oo siyaasaddi aanay ka madhnayd oo u la qaatay Odayaasha, dhalinyaradda iyo bulshada deegaanada uu safarka kusoo maray, isagoo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhi.

".. Wallaahi dee waanu isla og nahayd dadku halka ay Codkooda marinayaan, hase-ahaatee safarkayaga waxa ugu muhiimsanaa inaanu Bulshada usii sharaxno ahmiyadda uu leeyahay Kaadhka Codbixintu iyo waxyaabaha uu ka caawin doono oo kamid ah xuquuq ay kala siman yihiin shacabweynaha reer Somaliland oo dhan”.

Gabo-gabadii waxa uu xildhibaan guud ahaan shacabka reer Sanaag uu ugu baaqay inay u diyaar-garooban qaadashada Kaadhka Codbixinta ee dhowaan ka bilaabmi doonta gobolada Sool iyo sanaag. Waxanu yidhi "Bulshada ku nool Sanaag waxaan ogaysiinayaa inay qaataan Kaadhka Doorashooyinka, waxanay Bilaabmi doontaa horaanta bishan soo socota ee waxaan idin leeyahay ka faa’ddeystaa oo reer Sanaagow qaata Kaadhka Coddeynta”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured