Cabashadii Muqur-maalka Dekedda Berbera oo Masuuliyadiisu ku Caddaatay Madaxtooyadda Iyo Shirkadda DP World oo Is Barraxday

0
Saturday July 22, 2017 - 00:16:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1700
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabashadii Muqur-maalka Dekedda Berbera oo Masuuliyadiisu ku Caddaatay Madaxtooyadda Iyo Shirkadda DP World oo Is Barraxday

    Hargeysa(Xogreebnews)-Madaxtooyadda Somaliland, ayaa heshiis la gashay Shirkadda Sal-fa doorka ee muruq-maalka Dekedda Berbera, kaddib markii ay shaqo joojin ku kaceen labadii todobaad ee u dambeeyey, taasoo hoos u dhac iyo hakad ku keentay dakhligii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-Madaxtooyadda Somaliland, ayaa heshiis la gashay Shirkadda Sal-fa doorka ee muruq-maalka Dekedda Berbera, kaddib markii ay shaqo joojin ku kaceen labadii todobaad ee u dambeeyey, taasoo hoos u dhac iyo hakad ku keentay dakhligii dawladda dhexe iyo dhaq-dhaqaaqii Dekedda Berbera.

Hargeysa(Xogreebnews)-Madaxtooyadda Somaliland, ayaa heshiis la gashay Shirkadda Sal-fa doorka ee muruq-maalka Dekedda Berbera, kaddib markii ay shaqo joojin ku kaceen labadii todobaad ee u dambeeyey, taasoo hoos u dhac iyo hakad ku keentay dakhligii dawladda dhexe iyo dhaq-dhaqaaqii Dekedda Berbera.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo wax laga waydiiyey halka uu ku dambeeyey shaqo joojintii shaqaalaha dekedda Berbera ku baqeen, waxa laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da uu u sheegay in lasoo afjaray muranka arrinka ku saamsan, isla markaana laga gaashay heshiis buuxa oo ka kooban afar qodob.

Qodobada Wasiirku sheegay in lagu heshiiyey oo si gaar ah u khusseeya dhinacyada uu arrinkani u dhexeeyo, waxa kamid ah Shirkadda DP World ee maamusha Dekedda Berbera, Shirkada lagu magacaabo Salfodoorka oo dallad u ah muruq-maalka Dekeda Berbera, iyo sidoo kale Madaxtooyadda oo iyaddu dhex u ah xaalinta khilaafaadka soo kala dhex-gala, maadaama heshiiskii lagu bixiyey dekedda Berbera uu khaas u ahaa Madaxtooyadda, waxa kamid ah in Xukuumadda Somaliland masuul ka tahay naf iyo Maal wixii khasaare ah ee soo gaadha shaqaalaha muruq-maalka Dekedda Berbera iyo wixii khasaare ah ee soo gaadha badeecadaha ay dejinayaan, inta la helayo Shirkad caymis ah oo DP World kula xisaabtanto khasaaraha muruq-maalka iyo badeecadaha dekedda kasoo degga.

Waxa kaloo, iyana kamid ah qodobada heshiiska in Bisha Sebtember, 2017-ka, oo hadda bil keliyi inagga xigto Mushararka loo kordhiyo shaqalaha dekedda ee qaabilsan roggista iyo raarista badeecadaha ka deggaya ama ka dhoofaya Dekedda Berbera, iyo sidoo kale, in mar walbaa laga wada-hadlo wixii cabasho ah ee soo dhex gala shaqaalaha dekedda Berbera iyo Shirkadda Dp World, isla markaana aanay dib u dhicin shaqo joojin.

Khilaafka ama muranka arrinkan oo qaatay muddo ku siman laba todobaad, waxa uu sababay inay gabi ahaanba isaagto hawlihii shaqo ee dekedda Berbera, taasoo keentay inuu hoos u dhaco dakhligii dawladda dhexe kasoo geli jiray Kastamka Berbera, waxa sidoo kale, shaqo joojintaasi saamaysay ganacsatada badeecadaha kala soo degga Dekedda Berbera iyo sidoo kale, Maraakiibta iyo gaadiidka Shixnadaha keena ama qaada, oo waayey waxka rogga baddeecadaha ay keeneen, halka qaarkoodna ka shiraaqdeen Dekedda Berbera markii ay waayeen cid saarta Faaruq ka yaalay gudaha Marsada Berbera.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured