"Hadad gorod diidan tahay Ku koob dirirtaada gorod Ha nicin gobolkuu ka yimid, Ha Goyn Waxa La Isku Yahay". Alle ha u Naxariisto Abwaan Maxamed Xaashi dhamac (Gaariye)

0
Friday July 21, 2017 - 18:47:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Hadad gorod diidan tahay Ku koob dirirtaada gorod Ha nicin gobolkuu ka yimid, Ha Goyn Waxa La Isku Yahay". Alle ha u Naxariisto Abwaan Maxamed Xaashi dhamac (Gaariye)

    Barnaamijka suugaanta ee todobaadkan waxan idiin soo xulnay maansadii caanka ahayd ee Gurmad oo uu curiyey Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Garaiye alle ha u naxariistee Abwaanku waxa uu tiriyey 20kii October 2005tii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barnaamijka suugaanta ee todobaadkan waxan idiin soo xulnay maansadii caanka ahayd ee Gurmad oo uu curiyey Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Garaiye alle ha u naxariistee Abwaanku waxa uu tiriyey 20kii October 2005tii

Gun baa haan laga unkaa

Duq baa geel loo tumaa

Gaw ban ka aqaan durbaan

Waxaa geed lala tagaa

Genkaad tahay erey la da’ ah

Gefkana bashar baad u tahee

Haddii aad garowdo khalad

Gob bay tahay caadadeed

Waxaan godobtiisu hadhin

Gar aad leedahoo uu ogyay

Nin kaaga masuugay gole

Waxaa gabay lagu saxdaa

Candhuuftu gashaa dalqada

Markuu milil guud ka dhayo

Golxoo dhami maaha dhalan

Mar bay ged kaleeto tahay

Dibnahoo ku gariira iyo

Gengada waxaa keenta been

Waxay tixdu gaabsataa

Damiirku markuu gam’aa

Haddii hal ku seego geed

Waxaad gocataa hurdada

Intaa guntay oo dhigee

Hadduu geeraar wax taro

Maxaan gelin dhexe onkoday

Maxaan goohay oon tallamay

Adoo gabbalkaagu dumay

Maxaan gudcur bajiyoo

U daaray cadceed gayiga

Maxaan galab oogay shamac

Waxaan guuraha meershiyo

Waxaan subax loogay gool

Hadday gees kaa mareen

Maxaad farta iigu godi?

Dhegtaadaa soor-gad lehe

Miyaan giririf yaraa?

Maxaan godladaa araar

Shabeelkaa gurboodku dhalay

Ku idhi waxa gooyey aar

Sowkii Alla-gowrac yidhi

"Mayee waxa laysay garo”

Haddaan guga kuu kordhaa

Gabow mooyee ku tarin

Garaad iyo waaya-arag

Illayn wax ma dhaantid geed!

Intaa guntay oo dhigee

Ku soo noqo goobta iyo

Garoonka ciyaartu taal

Xilligu waa goor wax saar

Gole lagu dheelayoo

Garsoore ka yahay shacbigu

Waxaa guul sheegan kara

Cidday u garteen iyagu

Hadaad tahay guur-u-meer

Qaraabo adoon gub-gubin

Adoon ummadda isku gubin

Dadweynahoo soo gig yidhi

Waxaad ka gadayso mari

Abaalkana waan gudnaa

Waxaad noo gashee horiyo

Gadaal waxaad maagan tahay

Adoon galin ceeb nin kele

Bal noo sheeg waa golee

Waxay dadku kaa guntaan

Kolay tahay, gaafanow

Haddaad waydo gallad kale

"Estii” tii gudahaan ahoo

Ri’ baan beri gees ka riday

Intaa guntayoo dhigee

Nimay kala gees yihiin

Inuu libintiisa gado

Ninkii yidhi guul ka dhigo

Gub baa kaga dhacay halkaa

Ninkii: yidhi gaal diloo

Gartiisana sii’ ma maqal

Xaqsoor nin ku gaadhi kara!

Rag uu ka dhexeeyo geel

Hadduu kala geeyo damac

Waxaa isu gaysa dane,

Allow garansii nin moog!

Galool mudhay oo farcamay

dhuddaa goonyaha ku fiday

Hadday kala gaar yihiin

Guntay ka midaysan yihiin

Hadad gorod diidan tahay

Ku koob dirirtaada gorod

Ha nicin gobolkuu ka yimid!

Ha giijin xadhkaa ha jarin!

Ha goyn waxa laysku yahay

Magliga gacan loola baxay

Gudaha uma dhaadhacdee

Ha gaadhin laftoo ha jabin

Afkaagana godob ka dhowr!

Marbaa jirta gumuc la riday

Galaafto ninkii ridee,

In iinloow, daa gujada!

Waxaa bir kuu gooya talo

Markay gondihiisa taal

Nimaan geshigiisa dayin

Adoo wax ka gaws qabsaday

Mar baa gefka loo liqaa

Inaan danta guud murkacan

Intaa guntay oo dhigee

Garaadkaygaan hadlee

Allow haygu gubin aqoon

Gar eexana hayga tegin!

Haddaan eego gees kalena

Gedday tahay dheesha taal

Inuu hebel guul heliyo

Inuu gudbiwaayo hebel

Galaasku halkaa ma yaal

Nimaan garanoow u toos!

Waxay eegayaan guddida

Galbeed iyo beri ka yimi

Inuu dadku yahay dad gaya

Waxay baadi goobayaan

Waxay eegayaan guddidu

Inuu dadku yahay dad gaya

Inay u noqdaan gadh-wade

Dadweynaha geeska bari

Fulow, guuli kuu dhawaa!

Xilliga guuraynayaa

Hadduu kaa tiro gedmaday

Hir baa laga guurayaa

Mid baa lagu geeddi yahay

Waxaan goobayaa hangool

Farraarkiisiyo gantadu

Midkoodba ku yaallo geed

Wax baan ka garaabayaa

Wax baan misna gocanayaa

Lammaanaan is geyin

Intaan guri wada furaan

Haddana garac diidayaa

Hortayda bir baa ku go’ay

Hareerta god baa ka qodan

Gadaal uma laaban karo

Giraangir wareegta iyo

Dhig baa lagu guud socdaa

Waxaan gudayaa habeen

Wuxuu glayaa saddhexe

Waxaan gudbayaa biriish

Biriish ku dul taagan gees

Gafuur wiyileed ka baxay

Waxaa girgir qaanso sudhan

Warkaba aan gaabiyee

Raggi go’ay wuxu u go’ay

Haddaan eego gees kalena

Waxaa gabbal ka arkayaa

Cirkaan u samroo godladay

Hadduu gelin toomanaa

Wuxuu galay weerarow

Ayaankaygii gar-dhalad

Ciyaartuna geba gebiyo

Waxay joogtaa gamtii

Halkay ku gudhaysay talo

Gefkana xeer baa ka yaal

Ninkii ku kacaa xad-gudub

Wuxuu galayaa off-side

Allow garansii nin moog!

M.M. Dhamac




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured