12 Sumadood oo uu leeyahay Xidhiidhka Caafimaadka Qaba!!!

0
Friday July 21, 2017 - 18:23:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1697
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    12 Sumadood oo uu leeyahay Xidhiidhka Caafimaadka Qaba!!!

    12 Sumadood oo uu leeyahay Xidhiidhka Caafimaadka Qaba!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

12 Sumadood oo uu leeyahay Xidhiidhka Caafimaadka Qaba!!!

Ma jiro xidhiidh dhan walba ka fayow oo ka bed qaba. xidhiidh walba waxa uu leeyahay dhaliilo iyo meel uu u nugul yahay, hayeeshee waxaa jira xidhiidh aad u caafimaad qaba oo ay yartahay iimaha uu leeyahay isla markaana noqda xidhiidh labada dhinacba ka miisaaman oo dhaabad adag leh. Halkan waxaa ku xusan 12 sumadood oo uu leeyahay xidhiidhka Faya-qabkiisu badan yahay.

Marka uu jacayl jiro waxaan nafteena siinaa fir-fircooni, farxad iyo rayn-rayn badan. waa muhiim in aad naftaada jeclaato, jacaylkana siiso dadka kale kadibna fiiriso mucjisooyinka aad arki karto. Naxariis Cod naxariisleh, dabeecad naxariisleh, qalbi naxariis badan iyo ficil naxariis badan. nolol naxariistu maashaysay oo biyo dhigtay waxay farxad galinaysaa qof walba. Bogaadinta iyo hambalyayntu waa farsamo iyo xeelad wanaagsan oo dhiiri gelisa wanaaga iyo is jacaylka. bogaadintu waxay qalbiga ka xoraysaa hinaaska iyo masayrka xaasidnimo waxayna abuuri kartaa muxubo xooggan. Dareen Siin

U Feejignow una dhug badnow xidhiidhada aad leedahay. Ha iska indha tirin in aad u macaamisho si wanaagsan oo bixi dareenka feejignaan ee aad jeceshahay in lagu siiyo. Mar walba oo aad la macaamilayso dadka tus in aad danaynayso waxay kaala hadlayaan. Dan Guud

Shayga ugu fiican ee xidhiidh adkayn kara waa in la helo dan guud oo ka dhaxaysa labada qof. Tani waxay ogolaanaysa in loo wada dadaalo kamidha dhalinta danta guud iyo rumaynta guusheeda. Fur-furnaan

U fur jacaylkaaga, ehelkaaga iyo asxaabtaadu inay wax ka ogaan karaan dareenkaaga. La wadaag shucuuraha farxadeed intii macquul ahna wax kala wadaag wajiyada qalafsan ee noloshaada si ay u noqdaan kuwo dareemaya inaad ku kalsoon tahay. Luuqad Kalgacal leh

Isticmaal luuqad debecsan, fur-furan oo aad u hufan. Erey walba oo afkaaga kasoo baxaya waa inuu noqdaa mid xanbaarsan xurmo, kalgacal, iyo naxariis mug weyn. Ereyada jacaylka xanbaarsani waxay qalbiyada ku reebaan raad aan sifudud u duugoobin. La Qabsi

Inaad noqoto qof si fudud ula qabsan kara is bedelada nololeed waxay kuu sahlaysaa inaad si fudud u fahanto kala duwanaanshaha dadka. Tani waxay kaa caawinaysaa in aad qof walba ilaaliso shucuurtiisa una daryeesho sida farxad galinaysa. Ku Xidhnaansho

Waa wax iska caadi ah dadka qaar inay niyad jabiyaan dadka kale kadibna isku dayaan raali galin aan waqtigeeda joogin. Noqo kaabe iyo daryeele dhawra dadka uguna xidhnow adigoo dareensiinaya sida aad u jeceshahay farxadooda. La dareen noqo

In aad dareento oo aad wax ka eegto halka qofka kale wax ka arkayo waxay sahlaysaa inaad si fiican u fahanto una akhrido qofka. Waana sida ugu macquulsan ee aad qof u siin karto farxad ugana dhawri karto inaad murug geliso. Cafis.

In aad cafido kan kugu gefa uurkaagana aad xalaalayso waa sunne suubane nabigenni Muxammed NNKH uu ina faray. Ma banaana inaad 3 cisho ka badan caloosha xumaan ku hayso. Naftaada iyo qalbigaagaba bar cafiska. Maadaysi iyo farxad gelin

Ma jiro xidhiidh aan u baahnayn nuqul farxad, maadaysi iyo nashaad ah. Xilliyada ay maangal ka tahay isku day inaad samayso maad iyo xaraabo qalbiga siisa fir-fircooni iyo nashaad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured