Xulufada uu Sacuudigu Hogaaminaayo oo Qadar u Soo Jeediyay Qodobo kale oo Cusub

0
Friday July 21, 2017 - 18:16:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulufada uu Sacuudigu Hogaaminaayo oo Qadar u Soo Jeediyay Qodobo kale oo Cusub

    Xulufada uu Sacuudigu Hogaaminaayo oo Qadar u Soo Jeediyay Qodobo kale oo Cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulufada uu Sacuudigu Hogaaminaayo oo Qadar u Soo Jeediyay Qodobo kale oo Cusub

Wakaaladdaha(Xogreebnews)-Afarta dal ee Carbeed ee hormuudka u ahaa go’doominta Qatar ayaa ka soo debcay halkii ay taagnaayeen oo haatan kuma adkaysanayaan in Qatar saddex iyo tobankii qodob ee ay bishii hore u soo gudbiyeen ay fuliso. Diblomaasiyiin ka kala socda Sucuudiga, Imaaraatka, Baxrayn iyo Masar ayaa warfidiyeenka ugu sheegay xarunta Qaramada Midoobay in ay haatan doonayaan in Qatar fuliso lix qodob oo mugweyn. Qodobadan ay sheegeen waxa ka mid ah la dagaalanka argagixisada iyo xag jirka iyo in ay joojiso talaabooyinka carinta iyo kicinta ah.

Qatar oo beenisa in ay argagixisada taageerto ayaan iyadu markiiba ka jawaabin hadalkan diblomaasiyiintu sheegeen. Waxay sidoo kale ganafka ku dhufatay qodobadii ay u soo jeediyeen dalalkaasi oo ay ku sheegtay in ay halis ku yihiin qarannimadeeda ama ay xad gudub ku yihiin xeerka caalamiga ah, waxaanay sidoo kale dhaleecaysay "go’doonka” ay geliyeen dalalka Xulufada ah. Diblomaasiyiinta ka socday afarta dal waxay warbixintii ay warfidiyeenka ku siiyeen xarunta Qaramada Midoobay ee New York ku sheegeen in ay doonayaan in xiisadda lagu dhameeyo xal sokeeye.

Danjiraha Sucuudiga u fadhiya Qaramada Midoobay, Cabdullah al-Mucallimi, ayaa sheegay in wasiirada arimaha dibadda ee dalalkoodu lixdan qodob ee cusub isku raaceen markii ay ku shireen Qaahira 5 Juulaay "waana kuwo u fudud Qatar oo ay aqbali karto” ayuu yidhi.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured