Xukuumada siilaanyo Way Ku Fashilantay Adeega Arimaha Bulshada

0
Friday May 24, 2013 - 19:29:21 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada siilaanyo Way Ku Fashilantay Adeega Arimaha Bulshada

    Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne siilaanyo hore ayay u balan qaaday inay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne siilaanyo hore ayay u balan qaaday inay

Xukuumada siilaanyo Way Ku Fashilantay Adeega Arimaha Bulshada.

Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne siilaanyo hore ayay u balan qaaday inay wax ka qabanayso adeega arimaha bulhsada sida biyaha ,caafimaadka,waxbarashada iyo arimaha kale ee bulshada.

Hadaba marka la eego siday ay u liitada wax qabashada arimaha bulshada ee xukuumada siilaanyo waa heer aad u xun, tusaale ahaan marka la eego biyaha tan iyo markii ay xukuumada siilaanyo talada dalka qabatay oo laga jooga sadex sanno magaalada hargeysi weli may heli biyo ku filan,inkasta oo balab qaad been ah dadka ku dhaqan caasimada loo sameeyey,iyada oo la og yahay siday ay kala badh dadka ku dhaqan caasimada hargeysi maanta ay u bilo layihii. Waxa kale oo jirta inay dhinaca waxbarashada ilaa haday aysan jirin horumar ama tayo waxbarasheed oo dawladu ku soo kordhisay dugsiyada dawliga ah ee dalka,halka tayadii dugsiyada waxbarashada ee somaliland ay hoos u dhaceen waayo waxaan jirin wax kormeer ah oo lagu sameeyo oo gudida kormeerka ee shada ku leh arimaha kormeerku ay had iyo jeer ka cawdaan in aysan haysan xataa wax shidaal ay ku shubtaan gadiidkooda ,taasi oo keentay inay aysan jirin cid wax kormeer ah ku samaysa dugsiyada dawlada.

Waxa kaaga daran iyada oo aysan jirin waxbaadhis ku sameeya dawooyinka dhacay ee dalka soo gala ama lagu farsameeyo tukaanada qaarkood,sidoo kale waxaa jirta in laydhka dawlada ee magaalada hargeysa uusan wada gaadhin magaalada oo dhan taasina waa horumar la’aanta xukuumada siilaanyo.

Saaxibayaal ma soo koobi karna sida ay xukuumadu ugu fashilantay wax qabadka adeegyada arimaha bulshada oo hadii aynu is nidhaahno wax ka qora dee buugii cagaarnaa ee KULMIYE ka biximayno laakiin dulka xaadsi ayaynu ku sameynaynaa wax qabad la’aanta xukuumada siilaanyo ,oo taasi waxaa daliil kugu filan sida xawliga ah ee dhailinyaradii dalku uga tahriibeen dalkooda ,oo hadii ay dalkooda ku haystaan shaqo kamay tahriibeen.

Qalinkii:Aqoon yahan Jaamac Cilmi Jiir

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured