BOQOR RAABI OO DHINAC ISKAGA LEEXIYAY IN CAFIS MADAXWAYNE LAGU SII DAAYAY
Hargeysa (xogreebnews.com) Boqor Raabbi Yuusuf C/Laahi oo ka mid ah madax-dhaqameedka
BOQOR RAABI OO DHINAC ISKAGA LEEXIYAY IN CAFIS MADAXWAYNE LAGU SII DAAYAY
Hargeysa (xogreebnews.com) Boqor Raabbi Yuusuf C/Laahi oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland oo ay xabsiga u taxaabtay xukuumaddu isla markaana lagu xukumay laba sanno oo xadhig ayaa meesha ka saaray in lagu soo daayay cafis ah uu u fidiyay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
Boqor Raabbi oo ka hadlaya qaabkii jeelka lagu geeyay dhawr bilood ka hor iyo hannaankii uu madax-bannaanidiisa ku helay imaka ayaa yidhi “Markii horena waa la i xidhay, oo xabsiga gal ayaa la igu yidhi, Imakana na soo dhaaf ama dibadda u soo bax ayuun baa la igu yidhi, Mana garanayo isla markaana cidna kama aannu wada hadal cafis la igu sii daayay. Saxaafaddana waan u warrami doonaa haddii Alle idmo”.
Si kastaba ha ahaatee, in kasta oo ay warbaahinta qaarkood sheegayaan in cafis loo fidiyay, waxa uu Boqor Raabbi Yuusuf C/Laahi si adag meesha uga saaray in lagu daayayay saamaxaad Oo ay masuuliyiinta qaranku saxeexeen.
Leave a comment |
|
BOQOR RAABI OO DHINAC ISKAGA LEEXIYAY IN CAFIS MADAXWAYNE LAGU SII DAAYAY
Hargeysa (xogreebnews.com) Boqor Raabbi Yuusuf C/Laahi oo ka mid ah madax-dhaqameedka