Wan ku jeclahay inaan ku dhaho sanado badan ayaan ku haminaayey !

0
Friday May 24, 2013 - 08:23:23 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 3961
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wan ku jeclahay inaan ku dhaho sanado badan ayaan ku haminaayey !

    Weligey isma dhihin waxaad heli doontaa farxada aan maanta helay jaceylka aan kuu qabo waxa uu ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weligey isma dhihin waxaad heli doontaa farxada aan maanta helay jaceylka aan kuu qabo waxa uu ka

Wan ku jeclahay inaan ku dhaho sanado badan ayaan ku haminaayey !
Weligey isma dhihin waxaad heli doontaa farxada aan maanta helay jaceylka aan kuu qabo waxa uu kabilawmay caruurnimadeyda balse duruufo ayaa ii diiday in aan kuu muujiyo .
Waxaan xasuustaa anigo saacado dhan taagnaado gurigiina meel xogaa u jirto si aan muuqaaga u arko xiliga aad iskuulka aadeyso ama aad ka imaaneyso waxaase la yaab lahayd maalin anigoo dhanka iridkiina eegayo aad gadaashayda ka timid oo kadis igu salaantay , maalintaas naxdinta aan naxay wax aan si la mid ah uga naxay ma aysan jirin .

Adigaan ku sugaa arigtidaadan dhararayaa haddane wejiga ma imaan karo yaab maxaa taas oo kale lagu micneyaa xasuusta mararka qaar waa qaali waxayna ka farxad badan tahay waxa aad heysato keydka xasuusta ee nolasheyda adiga oo keliya ayaa buuxiyey .
Wan ku jeclahay inaan ku dhaho sanado badan aan kuu tamaayey qalbigana habeeno badan ayaan kaa dhahay I love lakiin maanta aad ayaan ugu Faraxsanahay in aan kaa helo Fariin qoraaleed qiimo badan oo aad kusoo koobtay 143 .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured