Sadaxdaan Qodob Waxey Noloshaada Guurka Ka Dhigaan Sida Udgoonka Ubaxa Oo Kale.

0
Friday May 24, 2013 - 08:21:28 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 2245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sadaxdaan Qodob Waxey Noloshaada Guurka Ka Dhigaan Sida Udgoonka Ubaxa Oo Kale.

    Guurka farxada badan waa sida dhirta dooga ah taa oo laga ilaaliyo waxyeelada oo mar waliba lagu dadaalo in ay hesho biyo iyo tamarta qoraxda taa mid la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guurka farxada badan waa sida dhirta dooga ah taa oo laga ilaaliyo waxyeelada oo mar waliba lagu dadaalo in ay hesho biyo iyo tamarta qoraxda taa mid la Sadaxdaan Qodob Waxey Noloshaada Guurka Ka Dhigaan Sida Udgoonka Ubaxa Oo Kale.
Guurka farxada badan waa sida dhirta dooga ah taa oo laga ilaaliyo waxyeelada oo mar waliba lagu dadaalo in ay hesho biyo iyo tamarta qoraxda taa mid la mid hadii aan guurka usoo qaadano waxa uu kaga baahan yahay in aad ilaaliso farxada iyo nagaashaha guurkaada maxaa yeelay qof walibaa waxa uu jacel yahay in uu sameysto nolol qurux badan taa oo ku dhisan farxad iyo iska raali ahaansho, in taa la adkeeyo waxa u baahan tahay dadaal dheer iyo taxadar badan.

Hadaba waxa jira 3 qalad oo had iyo jeer sababa in uu yimaado is-fahmiwaa taana ay sabab u noqon karto in uu yimaado furiiin., kuwaas oo kala ah:
1. Waxa aad isu haysataa in aad wax walba ogtahay
Waxa laga yaabaa in aad wax badan ogtahay, laakiin hadii aad markasta lamaanahaaga aad hadalka ka dhex gasho adiga oo ku dhahaya waad qaldan tahay ayaa waxa ku keenaysaa wareer. Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay fikirkiisa xataa hadii uu fikirkiisu ka duwan yahay kaaga, hana noqonin qof isku maleeya in uu wax walba ogyahay. Kala ogow farqiga u dhexeeya marka aad saxeysid qof qaldan iyo marka aad had iyo jeer waxii sax iyo qalad ah ku salayso rayigaaga.
2. Wada hadal la’aan
Waa in aad la hadashaa lamanahaaga hadii aad dooneyso in xiriirka adiga iyo lamanahaaga uu si fiican u shaqeeyo. Hadii ay jiraan wax kaa xanaajinaya u sheeg qofka aad nolol wadaaga tihiin waxa ay yihiin, halka aad ka aamusayso, rajaynaysana in uu asagu fahmo waxa kaa xanaajiyay. Hadii uu xanaaqsan yahay waydii waxa ka xanaajiyay. In uu qofku ka hadlo dhibaatooyinka haysta ma fududa, laakiin hadii uu mid waliba ka hadlo waxa dhibaya ayaa waxa dhexdiina ka dhalanaysa isu soo dhwaansho dheeraad ah. Hadii lamaamayaashu ka wada hadlin qof walba waxa dhibaya, uu tabayo ama caloosha ku haysto ayaa waxa ay sababaysaa in ay kala fogaadaan.
3. Qof isaga uun iska fikira
Arintan ayaa ah mid caadi ah, dadkuna inta badan ka hadlaan naftooda iyo waxa ay rabaan, wayna adag tahay in uu qofku noqdo mid og in uu naftiisa oo kaliya ka fikirayo. Hadii wada hadalka adiga iyo lamanahaaga idinka dhexeeyaa uu markasta ku saabsan yahay adiga ayaa waxa haboon in aad arintan wax ka bedesho. Xiriirka ka dhexeeya lamaanaha ayaa waxa uu ku salanysan yahay sinaan, is ixtiraam iyo laba dhinac oo ah wax isa siin. Markaa hadii wada hadalkiinu markasta adiga ku saabsan yahay ayaa waxa haboon in aad wax ka dhinto.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured