INA CALI WARAABE , INA CABDIQAADIR IYO INA BUUBAA OO AY KAGA DHEGTAY SHIR BEELEED IYO SOMALILAND MA JIRTO IYO XAAJI CABDIWARAABE OO JAWAABTII KU HABOONAYD U SHEEGAY !

0
Thursday May 23, 2013 - 19:32:50 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    INA CALI WARAABE , INA CABDIQAADIR IYO INA BUUBAA OO AY KAGA DHEGTAY SHIR BEELEED IYO SOMALILAND MA JIRTO IYO XAAJI CABDIWARAABE OO JAWAABTII KU HABOONAYD U SHEEGAY !

    Waxa la yidhi nin waalan Tolkiibaa u miyir qaba saddex nin oo ilamadeera ayaa beesha salaxley sumcadii ka dilay iyagoo aan waligood kob cagaar leh ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa la yidhi nin waalan Tolkiibaa u miyir qaba saddex nin oo ilamadeera ayaa beesha salaxley sumcadii ka dilay iyagoo aan waligood kob cagaar leh ka INA CALI WARAABE , INA CABDIQAADIR IYO INA BUUBAA OO AY KAGA DHEGTAY SHIR BEELEED IYO SOMALILAND MA JIRTO IYO XAAJI CABDIWARAABE OO JAWAABTII KU HABOONAYD U SHEEGAY !
Waxa la yidhi nin waalan Tolkiibaa u miyir qaba saddex nin oo ilamadeera ayaa beesha salaxley sumcadii ka dilay iyagoo aan waligood kob cagaar leh ka dudurin . haddaba Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Cabdi Xuseen (Cabdi-waraabe), oo ah ruug-cadaa kaalin lama ilaawaan ah ka qaatay nabadaynta beelaha Somaliland iyo dhismaha qaranka, ayaa ka hadlay hadalo ka soo yeedhay siyaasiga caanka ah ee Ismaaciil Buubaa, kaas oo uu nuxurkiisu ahaa in Madaxweyne Siilaanyo uu weligiiba aaminsanaa mabda’a federaalka. Waxa kale oo uu Xaajigu ka jawaabay hadalkii Madaxweynaha Somaliya uu Somaliland ku duray.

Xaaji Cabdikariim, oo shalay waraysi kooban siiyay qaarka mid ah warbaahinta , ayaa ugu horayn isagoo ka jawaabaya hadalka Ismaaciil Buubaa, wuxuu yidhi “Ma jirto taasi, Axmed Maxamed Siilaanyo ninka khudbadisii maqlayaa ma yidhaahdo waa Somali-weyn, waa masabbid, nin mucaarad ahina wuxuu doono ayuu ku hadlaa, Axmed Maxamed Siilaanyo-na isaga u horreeyay wax ka kululaada, waa hadal nin yidhi, Ismaaciil Buubaa isagaa khaldamay oo dadkiisii iyo dalkiisii uu u talin lahaa ka tagay, waxaana la yidhi nin ambaday halkii uu u ambaday ayuu reerkiisii moodaa, markaa Ismaaciil Buubaa dadkii, carruurtii, haweenkii iyo odayaashii uu Ismaaciil Buubaa hogaamin lahaa isagaa naga tagayoo khaldamay. Axmed Maxamed Siilaanyo wadadiisii buu hayaa, ku joogaa, shicibkiisuna way taageersan yihiin, isaguna shicibkiisa ayuu aaminsan yahay, ninkii khudbaddiisii maqlayeyna wax kale kuma sheegi karo, hadalka Mucaaradka lama wada raaco.”

Xaaji Cabdikariin Cabdi Xuseen (Cabdi-waraabe) waxa kale oo uu si adag uga jawaabay hadal Madaxwaynaha Somaliya ka soo yeedhay, kaasi oo uu ku soo beegmay xuskii 18-kii May “Ma jirto (midnimo) midow hore ayaanu ugu lu go’nay, waxaanse kula talin lahaa isaga aynu wax tarno anaguna golayaasha caalamka aanu wax ka taransano adigana aanu wax kaa tarnee wadada wanaagsan ku soo dhac aynu wadahadal wanaagsan wada yeelanee iyo wixii inaga dhexeeya iyo wallaalnimada, wixii kuwii hore ku lu go’een adiguna haku lu go’in.”ayuu yidh
Cabdillahi nuux. Hargeysa Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured