Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayo Ibrad buu Ku Dayaa Siilaanyo-na Deegaamaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda.

0
Thursday May 23, 2013 - 08:15:03 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1505
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayo Ibrad buu Ku Dayaa Siilaanyo-na Deegaamaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda.

    Qormadii 10 aad: deegaameynta ka socota berbera iyo nawaaxigeeda iyo qaar ka mid ah gobolada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadii 10 aad: deegaameynta ka socota berbera iyo nawaaxigeeda iyo qaar ka mid ah gobolada

Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayo Ibrad buu Ku Dayaa Siilaanyo-na Deegaamaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda.

Qormadii 10 aad:

deegaameynta ka socota berbera iyo nawaaxigeeda iyo qaar ka mid ah gobolada kale ee somaliland-ba waxay ku eekaan lahayd mudada yar ee ka hadhsan waqtigii siilaanyo la doortay waxaaba se taa ka sii daran madaxweyne siilaanyahan umadii dooratay laga qarinaayo si aan loo ogaanin xaaladiisa dhabta ah,iyada oo dadka arimahan u dhuun daloolaana ay arintan ku macneynayaan in uu siilaanyo maanta taagan yahay halkii ninkii codka wanaagsanaa ee aan maskax ahaana bad qabin ama aan fayoobeyn caankana ku ahaan jiray ciyaarta habeenkii geelle jiraha ama reer miyigu isugu soo ciyaar gudaan, ciyaar gudka waxaa sameeya reer miyiga xoola dhaqatada ah,waqtiga uu dhacaana waa habeenkii xiliga fiidka marka xoolaha la wada xereeyo.

hadaba reer miyigu waxay u wada ciyaaraan koox koox oo marka ay koox dhalinyaro ah oo rag ahi ay meel ciyaar ka qabsadaan xili habeenimo ah dhulka miyiga ahna habeenkii dhawaaqu waa wax dheer oo meel fogbaa laga maqlaa,hadaba geel jiraha iyodhalinyarada hablaha ah ee ku sugan agagaarka meesha ay ciyaartu ka dhacdayso goobta ayay u soo wada dhaqaaqaan,iyaga oo codku dhinaca uu ka xigo soo raacaya,hadaba habeenkii marka ciyaarta la isugu yimaado muuqaal ahaan hablaha iyo inamada dhalinayarda ahi si fiican isuma wada arkaan madaama ay tahay xili habeenimo ah ciyaartana waa lagu kala xariifsan yahay inamada iyo habluhuba waana goobta ay ka bilaabanto haasaawaha ama shukaansigu.

hadaba ciyaarta waxa ka boodi jirayoo kaliya ninka ciyaarta si fiican u mari yaqaana ee codka wanaagsan iyo kooxda uu ka tirsan yahay markaa kadibna waxaan xasuustay qisadan soo socota oo ka dhacday hawdka somaliland.

sanadkii 1971-kii waxaa jirtay koox caan ku ahaan jirtay ciyaar gudka habeenkii,. habeenka ay kooxdaasi soo ciyaar gudana hablaha agagaarkaasi ka dhaw oo dhami umay kala hadhi jirin oo dhamaantoodba waxay iman jireen goobta ay ciyaartu ka socoto ,waxaana kooxdan ka mid ahaan jiray nin la odhan jiray Odawaa oo oo hadii arin ciyaarta dhaafsiisan aad isugu timaadaan aad markiiba ogaanayso in aanu maskax ahaan badqabin sidoo kalena odawa wuu ahaan jiray ninka ugu codka wanaagsan kooxda,ciyaartana ugu mari yaqaana oo lagu tilaami jiray laan bada kaliya ee uu iftiinkeedu isaga gudbi jiray gobolada ay soomalidu degto oo dhani marka laga hadlaayo arimaha ciyaaraha sidoo kalena nimco waliba nusqaan lahe ninkan odowaa codkiisa haddii aad maqasho goor habeenimo ah waad ku raaxeysaneysaa haddii odowaa aad aragto wakhti maalinimo ah ma eegi kartid oo indhahaagu wey ka soo boodayaan sabatoo ah odowaa wuxuu ahaa jirey nin fool xun oo madow wuxuuna lahaan jirey faruur weyn oo waliba labada dhinac ee dibinta sare ku taaley oo ilaa hanqalaalkiisa la arkayo marka uu wax cunaayo ama uu cabaayoba iyo marka uu hadlaayoba balse dhibaatada intaa leeg ilaahey xaga codka wuu uga badbaadiyey.

Haddaba kooxda uu ka tirsanaa ninkan aynu kasoo waraney mooyaane kooxihii kale habeynka ay soo ciyaar guddaan waxey waayi jireen hablihii ciyaarta usoo bixi lahaa ee ay la mari lahaayeen ciyaarta sideedabana haddii rag iyo dumar laga waayo ciyaartu dhadhan ma yeelato oo wax macno ah ma sameyso.

Haddaba maah maah soomaliyeed baa jirta oo tidhaahda rag talo kama dhamaatee waxa shir isugu yimid kooxihii habluhu ay u soo bixi waayeen marka ay habeynkii soo ciyaar gudaan halka uu kooxda odowaa hogaaminayana ay habluhu uga yimaadaan goobo durugsan ragii kooxan ka tirsanaa ee kulankani dhex marey waxay isku waafaqeen haddii ay habluhu arkaan odowaa goor maalinimo ah waxey gabi ahaanba joojin doonaan iney isa soo taagaan goob odowaa ka ciyaarayo oo waxey habluhu arki doonaan muuqaal ahaan sida uu yahey iyo in aanu odowaa maskax ahaan fayoobeyn balse uu hablaha ku hantey codkan macaan ee habeenimo oo kaliya.

Haddaba markii kooxahani arinkan isku waafaqeen waxey go,aamiyeen in cid loo diro kooxdii odowaa ka tirsanaa loona sheego in la qabanayo tartan ciyaareed maalinimo ah si ay hablahu raga ciyaarta ka boodaya iyo kuwa codka macaanba ay u kala arkaan haddaba markii kulankaas ay kooxihii tartankaasi dhex mari lahaa iskugu wada yimaadeen ee arintiina la soo bandhigey waxa markiiba arinta ka biyo diidey nin saaxiibo caqli ahaa oo gartey in cida loo jeedo ee duulaanka lagu yahey ee la doonayo in saylada ciyaarta laga saaraa ay tahey kooxdooda marka hablaha deegaanka oo dhami arkaan ninkii codka macaanaa ee odowaa waxa markiiba ninkaasi u jawaabey anigu arin rag u balamo oo ka liita or dharaareed garanmaayo or dharaareedna waxey la macno tahey ciyaar maalinimo kooxdayaduna diyaar uma aha inaanu ka soo qeyb gal no ciyaarta maalinimo ee loo balamey.

haddab saaxiibayaal waxaan qisadan uga dan leeyahey madaxweynihii umadani dooratey ee siilaanyo maalintii dadka waa laga qariyaa sidii odowaa loo qarin jirey ee uu ugu af duubnaan jirey kooxdiisii oo kale ee ay ugu shaqeysan jireen magiciisa iyo codkiisa iyaga oo ka faa,iideysanaya xanuunka xaga maskaxda ah ee hayey odowaa.

Akhristow waxaad iiga marag tahey in siilaanyo laga qariyo saxaafada madaxa banaan xisbiyada qaranka madaxda dhaqanka, siyaasiyiinta madax banaan , suugaanyahanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada sidaas darteed waxa haboon in mar haddii somaliland aaney laheyn madaxweyne talinaaya in la isugu yimaado talo qaran oo lagaga tashanaayo marxaladda adag ee dalku haatan ku sugan yahey

Markaa madaxweyne siilaanyo iyo beeshiisu waxay dadaal ugu jiraan sidii ay hantida umada u boobi lahaayeen isla markaana ay deegaamaynta xaaraanta ah ugu fidin lahaayeen magaalada berbera oo ay hadaba si weyn ay uga dhex muuqdan iyaga oo isu dayaya inay hantida qaranka ka dhistaan guryo badan oo loogu talo galay shaqaalaha badan ee laga shaqaalaysiiyey dekedu inay galaan.

Hadaba isku soo wada duuduuboo Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayao Irbadbuu Ku Dayaa Siilaanyo-na Deegeemaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda:

Hadaba saaxiibayaal waxaan idinku dhaafayaa mid ka mid ah heesihii ku jiray riwaayadii shabeel naagood ee uu curiyey Abwaankii Xasan Sheekh Muumin codkoodana ay ku wada qaadaan Abdi Muxumed Aamiin iyo Hibo Maxamed( Hibo Nuura) oo khusaynaysa mwduucan aynu ka hadlayno iyo tayo la aanta xukuumada siilaanyo.

DAB DHAXMOODAY!!!

Doc kastoo la eego

Nolosha dunidu waa dabkee

Haddu dabkii dhaxmoodo

Maxaa lagu diiriyaa?

Waa tilmaan la daahoo

Degdeg kuma haboonee!

Adoo deggan u fiirsoo

Ujeedada ideeqsii.

Ruux haddii la doortoo

Darajada la saariyo

Xilkii daryeeli waayo

Dab dhaxmooday weeyee

Waa su aal da weynoo

Madaxa daalinaysee!

Wixii lagu diirinaayo

Dad weynahaa la weydiin

DUR DUR OOMAY !!!

Durdurkaa laga cabbaa

Biyihiis lagu dabaashaa

Hadduu harraad dareem

Darkee laga waraabshaa?

Waa tilmaan la daahoo

Deg deg kuma haboonee

Adoo degan ufiirsoo

Ujeedada ideeqsii!

Ruuxa duunyo haystee

Dahabkana barkanayee

Wixiisii deeqi waayaa

Durdur oomay weeyee

Waa su aal da weynoo

Madaxa daalinaysee!

Darkii laga waraabin

Dadweynahaa la weydiin.

DAWO BUKOOTAY !!!

Qofkii cudur dilaayo

Dawadaa bogsiisee

Haday dawo bukooto

Maxaa lagu dabiibaa?

Waa tilmaan la daahoo

Degdeg kuma haboonee

Adoo degan ufiirsoo

Ujeedada ideeqsii.

Dalaalimada diintiyo

Distoorka iyo xeerka

Haddii dabool lasaaro

Dawo bukootay weeyee

Waa su aal da weynoo

Madaxa daalinaysee

Wixii lagu dabiibi

Dadweynahaa la weydiin

DUFAN BASAASAY !!!

Subaga dufankiisa

Dadku ku dhaashadaane

Hadduu dufan basaaso

Maxaa duxdii ka qaaday

Waa tilmaan la daahoo

Deg deg kuma haboonee

Adoo deggan ufiirsoo

ujeeddada i deeqsi

Isku soo wada duuboo

La Soco Taxanaha qormooyinka danbe.

Qalinka:C/risaaq Suudi Nuur

tel:4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somalilan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured