Hargeysa(xogreebnews.com-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed
Madaxwaynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay
Safiirka Faransiiska U Qaabilsan Somaliland Iyo Somaliya
|
Hargeysa(xogreebnews.com-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Faransiiska
u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo fadhigiisu yahay dalka Kenya
Etiennce De Poncins oo socdaal rasmi ah ku yimid dalka.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Mudane Maxamed Cabdilaahi Cumar oo
Kulankaasi ka dib shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyadda ayaa
tafaasiil ka bixiyay qodobadii ay madaxweynaha iyo danjiraha faransiisku ka
wada hadleen, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maanta waxa
Booqasho ku yimid dalka Safiirka Faransiiska ee fadhigiisu yahay Magaaladda
Nairobi ee dalka Kenya masuulna uga aha Somaliland iyo Soomaaliya. Waana
markii u horeysay ee uu booqasho ku yimaado dalka, waana Safiir ku cusub
shaqadda. Waxa uu la kulmay Madaxweynaha Somaliland waxaanay ka wada hadleen
guud ahaan xidhiidhka Faransiiska iyo Somaliland ka dhaxeeya.”
“Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay barnaamijyadda mashaariicda iyo
muwaacimadda uu Faransiisku ku taageero Somaliland. Waxa kale oo aanu ka wada
hadlanay barnaamijyo mustaqbalka aanu rajaynayno inay labada dal ka wada
shaqeeyaan oo aan filayo inuu waxtar u yeesho Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka
Arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland.
Safiirka Faransiiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo fadhigiisu
yahay dalka Kenya Etiennce De Poncins, oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa
sheegay in socdaalkiisu la xidhiidho sidii loo sii adkayn lahaa iskaashiga
iyo wax wada qabsiga ka dhaxeeya Somaliland iyo Faransiiska.
Waxa uu tilmaamay inuu Madaxweyne Siilaanyo kulan balaadhan la yeeshay
iskana xog waraysteen sidii cilaaqaadka labada dal loo sii xoojin lahaa.
Danjiraha Faransiisku waxa uu sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland ku
bogaadiyay Nabad-gelyadda, dawladnimada shaqaynaysa ee ka tisqaaday
Somaliland.
|
|
|
Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Faransiiska U Qaabilsan Somaliland Iyo Somaliya
Hargeysa(xogreebnews.com-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed