Madaxwayne Ku-Xigeenka Somaliland Iyo Weftigii Uu Hogaaminayay Oo Booqday Xarunta Baarlamanka Ingiriiska

0
Wednesday May 22, 2013 - 13:21:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1060
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Ku-Xigeenka Somaliland Iyo Weftigii Uu Hogaaminayay Oo Booqday Xarunta Baarlamanka Ingiriiska

    London(xogreebnews.com-- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan CabdillaahiIsmaaciil(Saylici) iyo weftigii uu hoggaaminyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(xogreebnews.com-- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan CabdillaahiIsmaaciil(Saylici) iyo weftigii uu hoggaaminyey Madaxwayne Ku-Xigeenka Somaliland Iyo Weftigii Uu Hogaaminayay Oo Booqday Xarunta Baarlamanka Ingiriiska

London(xogreebnews.com-- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan CabdillaahiIsmaaciil(Saylici) iyo weftigii uu hoggaaminyey ayaa maanta booqday xarunta baarlamaanka dalka Britain ee magaalada London oo magaceeda la yidhaahdo West Minister. Iyada oo halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyey.

Madaxweyne ku xigeenka oo ay booqashadiisa ku wehelinayeen Wasiirradda Maaliyadda, Ganacisiga, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Safiirka Somaliland ee UK La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Haweenka iyo La taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha dhaqaalaha.


xarunta baarlamaanka dalka Britain ee West Minister ayaa wakhtiga oo uu booqday weftiga uu hogaaminayay madaxwayne ku xigeenka Somaliland waxa halkaasi ku sugnaa
Xubno ka tirsan golaha baarlamaanka dawlada UK, shaqaale ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda UK, khubaro sare iyo sidoo kale war-baahinta caalamiga ah.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan CabdillaahiIsmaaciil(Saylici) oo hadal ka jeediyay halkaasi ayaa si ballaadhan uga warramay u jeeddada socdaalkiisa iyo xaaladda guud ee ay Somaliland,Waxaanu tilmaamay in dalka Ingiriiska Mudadii uu Joogay uu kala qayb galay Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalkaasi Xuska Munaasibadii 18 May ee 22- Guuradii ka soo Wareegtay dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland.

Kadib hadalkii uu madaxwayne ku xigeenka Somaliland kulankaasi ka jeediyay ayaa mudaneyaashii halkaa ku sugnaa iyo ka soo qayb galeyaashuba waxa ay su’aalo ku weydiiyey madaxweyne ku Xigeenka iyo wefdiga la socday. Iyada oo ay madaxwayne ku xigeenka iyo masuuliyiintii la socdayba ay su’aalahaasi si faah-faahsan uga jawaabeen.

Kulankaasi uu weftiga madaxwayne ku xigeenka Somaliland la yeeshay xubnaha ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska waxa daadihinayay Mudane Sir Tony Baldry MP oo ah guddoomiyaha guddiga baarlamaanka UK ee taageera qaddiyadda Somaliland.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured