Maxaa Sababa In Wasiir Samaale Mar Walbaa Shaqadiisa Kaga Mashquulo Khilaafyo Uu Horseed ka Noqdo Iyo faro-gelin Joogta Ah?

0
Thursday January 08, 2015 - 23:03:26 in Featured by Super Admin
  • Visits: 1634
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sababa In Wasiir Samaale Mar Walbaa Shaqadiisa Kaga Mashquulo Khilaafyo Uu Horseed ka Noqdo Iyo faro-gelin Joogta Ah?

    Hargeisa(xogreebnews.com_Wasiirka maaliyadda Somaliland cabdi casiis maxamed samaale, ayaa shaqadiisi intaa badan kaga mashquuley shir-qooladda u malleego siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com_Wasiirka maaliyadda Somaliland cabdi casiis maxamed samaale, ayaa shaqadiisi intaa badan kaga mashquuley shir-qooladda u malleego siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye
Hargeisa(xogreebnews.com_Wasiirka maaliyadda Somaliland cabdi casiis maxamed samaale, ayaa shaqadiisi intaa badan kaga mashquuley shir-qooladda u malleego siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye iyo xubno ka mid ah ururadda aan dawliga ahayn ee intaa badan ka shaqeeya arrimaha xaquuqal insaanka,ururada kale ee ka qayb qaata horumarka bulshada iyo wacyi-gelinta,inuu si qaawan u faro geliyo wasiirka maaliyaddu iyadoo dayac-badani ka muuqdo hawlihii uu qaranka u hayeey. Wasiir samaale ayaa dhowaan uu madaxweyne siilaanyo farriin aad cadho uga muuqato uu warbaahinta u mariyeey madaxweynihii soo magacaabay kaddib markii uu xasarad iyo fidmo Hor leh ka dhex- abuuray beesha u kasoo jeeddo iyo xukuumadda siilaanyo, kuwaaso uu iska hor keenid iyo kala jaajabin kaga dhex- faa’iideystay han siyaasadeed uu leeyahay mustaqbalka fog isaaggo warbaahinta marar badan ka sheegay in marka uu madaxweyne siilaanyo haakah? Yidhaahdo u isaa-soo sharaxaayo, inaago og-soon in madaxweyne siilaanyo iyo mujaahidka weyn ee muuse Bixii cabdi, ay isla Garteen in kal-kan soo socdaana lo daayo madaxweyne siilaanyo kal-ka ku xiggana mujaahid muuse,. Balse wasiir samaale ayaa taas xaasid nimo ka dayeey isla markaasnaa fadhiga u diidey Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse,kaaso u mooshin kaga soo kiciyeey dhinaca beesha, waxaana u soo dhex-galay odayaasha iyo culimada beesha oo leh sheikh iyo shariif-baa. Waxaana markhaati ka wadaa-tihiin qaabkii wasiir sammaale u usoo-golo joojiyeey wadaada beesh u weyn. Kuwaaso aan looga baran wali inay ka had-laan arrimaha siyaasadda dalka marka laga reebo inay tallo Guud iyo tilmaamo lagu bad-baadinaayo qaranka usoo-bandhigaan shacabka iyo dawlada mooye.
Hadaba wasiir samaale kuma uu koobnaan oo keliyaa khilaafka uu kala dhex-dhigay beesha, xukuumadda,xisbiga Kulmiye ee waxaa uu keenada soo sudhay markii siilaanyo ka bakhtiiyeey dabkii uu kala dhex-wareegayeey xukuumadda iyo xisbigeeda,inuu ururadda aan dawliga ahayn, oo hadda ay ku eg-keyd xilliga doorashadood hoggaamadooda iyo muddo xileedkooda u hor moodka noqdo khilaafyo, kuwaaso uu adeeg-sanaayo xubno u ku shaqaysto una rido sidaa mad-faca oo kale marka u doono. Hadaynu tusaale usoo qaadanno meellaha u wasiir samaale uu gacan tukaaleeyey, waxaa ka mid ah, ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja kaaso wasiir samaale uu dhaqaale aad uu badan u adeeg-saday af-gambigiisa isaago wax u raadinaaya inaamo ay qaraabo yihin iyo nin kale oo u adeeg-san jirey af-lagaadaad muuse bixi. Kuwaaso 25-December magaalada Hargeisa ku qabsaday shir ay ku keliyeeystay warbaahinta dawladda oo keliya,kaaso wasiir samaale dhaqaale lagu qiyaasay $ 35000 oo doolar ku bixiyeey sidii ay inqilaab ugu qabsan lahaayeen ururka solja. Sidaa oo kale-na waxaa si weyn loogu tiriyaa wasiirka maaliyadda Somaliland inuu sabab u ahaa khilaafkii soo kala dhex-galay hoggaankii solja, isaaggo daaha daba-diisa cid kasoo hagayey.
Solja oo keliya kuma koobney meelaha uu qoriga dabka leh uu sudhay wasiir samaale balse waxaa iyaana wali aan maaro lo Helin khilaaf uu door weyn ku lahaa wasiir samaale kaasowali ka dhex istaadhan ururka dhalinyaradda ee Sonyo, kaaso hadda leh laba Gudoomiye iyo laba ku xigeen iyo waliba maamul hadda sii sheegta inuu yahay midka saxaa ah ee Sonyo. Sidoo kale waxaa jiraa dayac faro badan oo ka muuqanaaya hawlaha shaqo iyo dhaqaale goob ee wasaaradda maaliyadda Somaliland, ka qaadi lahayd ilaha dhaqaalaha dalka,waxaana sannad walbaa u dhawr jeer wasiir qori dable uu shacabka dan yarta ah ku kordhiyaa cashuurta isaago sheega in miisaaniyadda dalka sannad walbaa soo qoraa miisaaniyadd mala-awaal ah oo bilaa xisaab-xidh oo u mar walba hor keenno golaha wakiiladda dalka.. la socoo qaybo badan oo ku saab-san ku tagri falka hantida iyo faro galinta samaale ku hayo meelo ka baxsan shaqadiisa…
Qalinkii
Cabdi casiis Bashiir Nuur
Tel; 4144434
info@xogreebnews.com
Hargeisa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured