Khilaaf Hor leh Oo Ka Dhex Curtay Wasaaradda Warfaafinta,kadib Markii Wasiir Cukuse Xabsiga Dhigay Maanta Gudoomiyihii Jaaliyadda SWEDEN iyo Wafti Cadaan ah oo uu Hogaaminayey,Xili Agaasimaha Guud iyo Maareeyaha TV.ga Qaranku Soo Dhaweynayeen.

0
Tuesday January 06, 2015 - 18:43:00 in Featured by Super Admin
  • Visits: 1640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Hor leh Oo Ka Dhex Curtay Wasaaradda Warfaafinta,kadib Markii Wasiir Cukuse Xabsiga Dhigay Maanta Gudoomiyihii Jaaliyadda SWEDEN iyo Wafti Cadaan ah oo uu Hogaaminayey,Xili Agaasimaha Guud iyo Maareeyaha TV.ga Qaranku Soo Dhaweynayeen.

    Hargeisa(xogreebnews.com_Khilaafyada wajiyada badan ee wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa hadba si ku bilaabma,saaka oo ay bishu ahayd 6/1/2015-ka waxa madaarka Hargeysa ka dhacay, dhaco ugub ah,oo ka yaabisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com_Khilaafyada wajiyada badan ee wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa hadba si ku bilaabma,saaka oo ay bishu ahayd 6/1/2015-ka waxa madaarka Hargeysa ka dhacay, dhaco ugub ah,oo ka yaabisay
Hargeisa(xogreebnews.com_Khilaafyada wajiyada badan ee wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa hadba si ku bilaabma,saaka oo ay bishu ahayd 6/1/2015-ka waxa madaarka Hargeysa ka dhacay, dhaco ugub ah,oo ka yaabisay shacabka,kadib markii halkaasi agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Maxamed Cilmi Adan (Ilka Case) iyo Maareeyaha Telefishanka qaranka Somaliland Khadar Cali Gaas ay ku soo dhaweeyeen madaarka caalamiga ah ee Cigaal,wafti balaadhan oo u hogaaminayo GudoomiyahJaaliyada reer Somaliland ee Dalkaasi SWEDEN iyo Wafti balaadhan oo u hogaaminayo,wararka ka soo baxaya madaarka ayaa sheegaya in markii waftigaasi labada masuul ee agaasimaha iyo maareeyaha telefiishanku ay soo dhaweeyeen ,ayaa mar kaliya waxa is bedelay jawiga goobtii lagu soo dhaweeynayey oo wasiir Cukuse oo wajigiisu bedelan yahay ayaa soo galay goobtii,kadibna waxa uu amray in xabsiga loo taxaabo gudoomiyaha jaaliyada Somaliland ee dalkaasi SWEDEN iyo waftiga la socda ee u hogaaminayo.
Meesha waxa ka dhacay xoogaa muran ah,oo u dhaxeeyey maareeyaha iyo agaasimaha oo isku dhinac ah iyo wasiirka oo isaguna amarka xadhigooda bixiyey,kadib wasiirku waxba kama dhageysan makii labada masuul isku dayeen inay ka hor joogsadaan xadhiga gudoomiyaha jaaliyadda iyo waftiga la socda,kadib waxa la sheegay inay labada masuul ee agaasimaha guud iyo maareeyaha telefishanka qaranka Somaliland ay xidhiidh la sameeyeen dhinaca madaxtooyada si loo soo dhex galo arintan ,waxay wararku sheegayaan in madaxtooyadu soo kala dhex gashay,oo mudo kooban markii ay xidhaayeen gudoomiyihii jaaliyadda dalka SWEDEN iyo waftigii la socday la soo daayey.
Arrintan fadeexada ah ayaa muujinaysa heerka maamul iyo sida uu u shaqeeyo wasiir cukuse weliba arinta ayaa waxa laga yaaba inay keento in xidhiinka Somaliland iyo ka dhaxeeya dalka SWEDEN uu xumaado,madaama oo dalkaasi SWEDEN Somaliland ka taageero wax-yaabo badan oo ay ka mid tahay mucaawinooyinka lagu taageero dimuqoraadiyada iyo doorashooyinka iyo weliba mashaariic kale oo horumarineed oo dalka ka socda.
Sidoo kale waxay arintani tilmaamaysaa sida wasiir talabada noocaasi ah iskaga qaadi karo ,iyadoo weliba saraakishii wasaaradiisu soo dhaweynayaan waftigan .waxayna cadeynaysaa sida aan lo wada shaqeyn Karen ee wasaarada warfaafinta oo qaranka ah muraayad ay noqotay meel ay had iyo jeer uu ka tagan yahay muran iyo khilaaf ragaadiyey horu socdkii wasaaradda,waxayna arintani ku soo beegmaysaa maalmo ka dib markii wasiir Cukuse ugu hanjabay qaar ka tirsan saraakiisha wasaaradda warfaafinta in uu shaqada ka eryi doono hadii uu maqlo idaacad danbe ayaa bakhtiday,xili ay idaacadii weyneyd ee radio Hargeysa Bakhtiisan tahay mudo bil ah.
Waftigan ayaa la sheegay inay dalka u yimaadeen tababaro ay siin doonaan shaqaalaha wasaaradda warfaafinta,iyadoo ay xusid mudan tahay in agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Maxamed Cilmi Adan uu heshiis la soo galay masuuliyiin ka tirsan dawlada SWEDEN xili uu halkaasi booshaqo ku tegay sanadkii dhamaaday,halka wararka qaar sheegayaan in markii uu dhawaan uu wasiir Cukuse tegay dalkaasi uu fiisihii ka dhacay kadibna dawlada dalkaasi isku day-day inay xidho madaama oo uu dalka sharci daro ku joogo,waxana la sheegay in gudoomiyaha jaaliaydda iyo dadka reer Somaliland ee ku dhaqan dalkaasi ay dadaal arintaasi lagu furdaaminayo ay u galeen ,balse abaalkii ay sugayeen waxa uu ugu bedelay xadhig.
Lama oga talaabada uu madaxweyne Siilaanyo ka qaadi doono wasiirkiisa warfaafinta ee cadaystay in uu u dhaqmo sida uu doono iyo in madaxweynaha laftiisu raali kala yahay maamul xumada iyo khilaafka uu had iyo goor ka huriyo wasaarada warfaafinta.
Akhristaal wixii faah faahin ah ee ka soo kordha wararka al xidhiidha waftiga u hogaaminayo gudoomiyaha jaaliyadda SWEDEN dib ayaanu idin la soo socodsiiin doonaa.
W/Q
Cabdi casiis Bashiir Nuur
Tel: 4144434
Info@xogreebnews.com
Hargeisa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured