Badhasaabka Gobolka Saaxil Oo Si Indho La?aan Ah U Wadda Qorshaha Isiraysan Ee Xukuumada Siilaanyo Ka Waddo G.Saaxil by Aaziz Ismaaciil

0
Wednesday May 22, 2013 - 12:51:10 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1365
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Badhasaabka Gobolka Saaxil Oo Si Indho La?aan Ah U Wadda Qorshaha Isiraysan Ee Xukuumada Siilaanyo Ka Waddo G.Saaxil by Aaziz Ismaaciil

    Waxaynu Hore Uga Soo Hadalnay Dibin Daabyada , Dib U Dhaca Iyo Deegaan Wareejinta Uu Badhasaabka Aaziz Ismaaciil diyaro09@hotmail.com

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaynu Hore Uga Soo Hadalnay Dibin Daabyada , Dib U Dhaca Iyo Deegaan Wareejinta Uu Badhasaabka Aaziz Ismaaciil diyaro09@hotmail.com
Badhasaabka Gobolka Saaxil Oo Si Indho La?aan Ah U Wadda Qorshaha Isiraysan Ee Xukuumada Siilaanyo Ka Waddo G.Saaxil by Aaziz Ismaaciil

Waxaynu Hore Uga Soo Hadalnay Dibin Daabyada , Dib U Dhaca Iyo Deegaan Wareejinta Uu Badhasaabka

Waxaynu Hore Uga Soo Hadalnay Dibin Daabyada , Dib U Dhaca Iyo Deegaan Wareejinta Uu Badhasaabka Gobolka Saaxil Ka Waddo Gobolkan Deegaan Ahaan iyo Dhaqaale Ahaanba Muhiimka U Ah Guud Ahaan Geeska Afrika Gaar Ahaan Somaliland Waa Gobolka Saaxil?e , Qorshahan Isiraysan Ee Dhul Boobka Deegaamaysan Iyo Gacan Ku Qabashada Ilaha Dhaqaalaha Ee Uu Waddo Badhasaabka Gobolka Saaxil CALI GADH-DHEER

Tahoma, sans-serif; FONT-SIZE: 14pt"> , Waxaa Adeegsanaaya Oo Ka Danbeeya Xukuumada Uu Gadhwadeenka Ka Yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) . Qorshahaas Oo Lagu Soo Dajiyay (SHIRKII GAR-ADAG) Ee Beesha Madaxwayne Siilaanyo U Qabsoomay Waaggii Cahdigii Xukuumadii UDUB Ee Uu Madax-wayne Rayaale Ka Madaxda Ahaa, Shirkaas Oo Beeshu isku tustay haddii ay madaxtinimada dalka ku guulaystaan , in ay ka faaiidaystaan kursiga ummada ka dhaxeeya oo ay deegaamada muhiimada leh ay dagaan , khayraadka waddanka iyo baayac-mushtariggana la wareegaan si ay awood ugu yeeshaan Somaliland , kursigana si fudud u koraan hadda waa siday iyagu is yidhaahdeen shaydaan-kuna u tusay , sababta oo ah waxay is yidhaahdeen intay SOMALILAND Jirtay Beelaha Somaliland Ee DHigiina Ah Talada Way Qabteen Idinka Mooyaane , Markaa Sidda Aynu Talada Ku Qaban Karnaa Kuna Sii Haysan Karnaa Waa Goobaha Illaha Dhaqaalaha Ah Oo Aynu Dagno , Sida Guud Ahaan Gobolka Saaxil Khaasatan MARSADA CAALAMIGA AH EE BERBERA Iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee ILLAAH SWT ku duugay gobolka Saaxil .

Haddaba Markii Madaxwayne Siilaanyo taladda wadanka qabtay badhtamihii sanadkii 2010 , wuxuu ku dhaqaaqay heshiiskii beeshiisu ku galeen Tuulada Gar-adag oo dhacda Gobolka Sanaag Waa Shirkii Caanka iyo Hal-qabsigaba noqday Ee (Gar-adag Agreement) , Si Heeshiiskaas loo dhaqan celiyo SIILAANYO Wuxuu U Adeegsaday Badhasaabka Gobolka Saaxil CALI-GADHEER . CALI GADHEER Oo aqoontiisu aad u hoosayso ahaana nin in badan bilaa camal ahaa , ahna dadka dhadhamo raaca ah ee kolba daymoodo halkii shilimaad looga tuuro , isaga Isaga oo shilimaad maalmo la cuno wax walba ku badalanaaya , ayaa loo adeegsaday dibindaabyada , dib u dhaca , isku dirida , kala furfurka iyo isku dirka dadwayna reer saaxil , isaga oo u adeegsanaaya xeelad kasta oo uu awoodo .



Badhasaabka Gobolka Saaxil Cali Gadh-dheer wuxuu si aan gabasho lahayn ku bilaabay qorshihii isiraysnaa ee lagu soo uunkay garadag ee ay wataan beesha BARIGA BURCO Ee Uu Madaxwayne Siilaanyo Ka Soo Jeedo , Iyago Adeegsanaaya Haybadii Iyo Kursigii Qaranka Ee Ummada Somalialnd Oo Dhan Ka Dhexeeyay , Dad Dano Gaar Ah Wataa Ma Waayaan Caado Qaate Ay Ku Adeegsadaan ,


Haddaba Arinta Oo Dhibaatadeeda Leh , Dadka Reer Saaxil Oo Ah Dad Nabada Jecel , Dagaalka Markay Noqotana Geesiyaal Ku Ah , Ahna Dadkii Hor Moodka Ka ahaa dib u xoraynta m nabadaynta , dib u dhiska iyo dimuquraadiyadaynta Somaliland , taas oo la odhan karo waa bud-dhiga qaranimadan aynu manta ku naaloonayno , dadka reer Somalialnd Sumcad Iyo Ixtiraam ku dhex leh , Ayaa Aad Uga Walaacsan Qorshahan Isiraysan Iyo Ninkan Badhasaabka Ka Ah Oo Ah Deegaankan SAAXIL Loo na Adeegsanaayo Isla Beeshiisii .


Wuxuu Si Qarka Iska Tuur Ah Oo Indho La?aan Ah U Geeyay Deegaanka (Xidhka Saliida ) oo Ku Yaala Deegaanka Geel L0 KOR Oo Dhacda Inta Uu Dhaxaysa Berbera iyo Sheekh , taas oo uu geeyay niman la yidhi macadano ayay guranayaan iyo shidaalaay qodayaan , oo ah wiilaal yar yar oo qurbo joog ah ay isku hayb yihiin madaxwayne siilaanyo , nimankaas dhalinyarada qurbo jooga ah oo aan wax ogaysiin ah iyo ogalaansho ah iyo wacyi galin ah midna siin dadkii deegaanka , halkaas oo nabad galyada wax u dhimi gaadhay ka dib markii dadkii deegaanku ay sameeyeen arin fal celis ah , taas oo dhalin yaradii deegaanku intay is urursadeen Hub qaatay deegaanka buuralayda ah galay si ay u soo laayaan nimankii shuftada ahaa ee madaxwaynaha ay isku haybta ahaayeen ee macadanta guranayaayay hayeeshee ILLAAHAY SWT Ayaa inaga qaboojiyay ka dib odayaashii deegaanka oo ahaa odayaal wax garad ah ayaa u qayshooday golihii deegaanka BERBERA , Qaar ka tirsan golaha deegaanka gobolka Saaxil Oo Ay Hogaaminayaan Xildhibaan (SALEEBAAN CALI KHAYRE , XILDHIBAAN IID SALEEBAAN CALI IYO MAXAMED CALI DHEERE ) Ayaa si xilkasnimo leh oo qadarin ku dheehan tahay u soo gurmaday iyagoo gudanaaya waajibaadka masuuliyadeed ee saran ogsoona dhibaatooyinka ku gedaaman dadkii soo doortay haday tahay xagg dhaqaale iyo inkaniyaadkii kale ee nolosha , waxaa kale oo xildhibaanadaas wehelinaayay koox ka mid ahayd mujaahidiintii xaq-udirirka ahayad ee SNM Oo Ay Ka Mid Ahaayeen (MUJ. AXMED IBRAAHIM WADNE , KHADAR GUUSH , IYO INA DUBAD DHAGOOLE IYO WALIBA CUQAASHA Samo ka taliska ah ee indheer garadka ah ee mar kasta Somaliland dhisideeda iyo nabadaynteeda u tafa xaytay ee danahoodii gaar ahaaneed ku waayay iyo waliba waxgarad kale oo ka tirsan gobolkan SAAXIL ) , Kooxdaas gurmadka ahayad ee ay hogaaminayeen xildhibaanada ka soo mudh yidhi gobolka saaxil ee ay dadkiina duco iyo tageero la garab taagan yihiin markiiba gaadheen deegaankii XIDHKA SALIIDA EE kooxda shuftada ah ee ay Hor kacayaan Badhasaabka CALI-GADHEER oo ah nin ku can ah burburinta cabudhinta , baabiinta iyo u adeegida kooxdan wadata qorshaha isiraysan ee bariga burco .


Badhasaabka gobolka Saaxil MR. CALI GADHEER iyo kooxdiiba deegaankii waa laga soo saaray dhalinyaradii deegaanka ee hubka qaatayna waa loo caqli celiyay meeshiina waa laga soo kaxeeyay , hubkiina waa laga dhigay taas oo deegaankii ku soo celisay xasiloonidii , ILLAAH SWT iyo xildhibaanadaas sharafta leh ayaa arinkii u guntaday dajiyay-na , dadka reer saaxil ayaa xildhinaadaas da?da yare e gobolka u soo baxay mahadiyay .


Badhasaab cali gadh-dheer oo ay dadku khaati ka taagan yihiin , gobolkana ku ah caqabad hortaal , ayaa dhawr jeer madaxwaynaha ashkatu u gudbiyay hayeeshee ilaa imika madaxwaynuhu dhag jalaq uma siin , cabashadaas hayeeshee dadka deegaanka iyo xildhibaanada gobolka ee daacadnimada , dadaalka hawl karnimada badan oo isku duuban ayaa mar walba badhasaabka sutida u qabta oo sidii tuugii ama waraabaha yurtaa haya oo kolba ka yuraynaaya qorshahan loo soo xanbaariyay.


Hadii aan badhasaabkan laga qaban gobolka waxay u horseedi kartaa xasilooni daro , isku dir dadyawga walaalaha ah ee uu habeen iyo maalinba iska hor keenaayo iyo dib u dhac ku yimaada horumarinta iyo dib u dhiska ka socoda gobolka gaar ahaan magaalo xeebeedka ama amrin biyoodka muhiimka ama marsada caalamiga ah ee BERBERA .

Waxaynu qoraaladeena danbe ku soo qaadan doonaa hadduu Allah yidhaahdo ,Safarkii qar iska tuurka ahaa ee indho la?aanta ahaa ee hinaasaha salka ku hayay ee naxliga iyo isku dirka iyo istusida madaxda dawlda ku salaysnaa iyo waliba hee Odhaahda ay dadku ka fal-celiyeen safarkaas ee loogu magac daray (anbadkii iyo habawgii Labada CALI ???..)


La Soco Qaybaha Kale Ee Taxanaheenan Badhasaabka Saaxil Sida indho La?aanta ah Ee Uu Qorshaha Isiraysan Ee Madaxwayne SiiLAANYO IYO Beesha Bariga Burco Ka Leeyihiin Gobolka Saaxil , Waxaanu ku soo qadan doonaa habawgii iyo garasho la?aantii Safarkii Labada Cali ???. La Soco ,,,,



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured