Ninka Madaxbanaanida Somaliland Ee Ku Timid Dhiiga, In Ciyaar Lagu Keenay Moodayaa Waa Nimaan Habeena Jirin Ibraahim Dhagaweyne

0
Wednesday May 22, 2013 - 12:44:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninka Madaxbanaanida Somaliland Ee Ku Timid Dhiiga, In Ciyaar Lagu Keenay Moodayaa Waa Nimaan Habeena Jirin Ibraahim Dhagaweyne

    Dhegoweyne Hargeysa,(xogreebnews.com-Mujaahid Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (dhagaweyne) oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii milatari ee ururkii SNM ee dalka xoreeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhegoweyne Hargeysa,(xogreebnews.com-Mujaahid Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (dhagaweyne) oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii milatari ee ururkii SNM ee dalka xoreeyay
Hargeysa,(xogreebnews.com-Mujaahid Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (dhagaweyne) oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii milatari ee ururkii SNM ee dalka xoreeyay ayaa shacbiga Somaliland ugu baaqay in qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland ay ilaashadaan, shucuurtii wadaninimo ee ay ku mujiyeen xuska 22 guuradii ka soo wareegtay 18-ka May ee loo dabaaldagay Sabtidii todobaadkana ku tilmaamay in shacbiga Somaliland ee ku kala dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisu ay muujiyeen madaxbanaanida gooni isku taaga Somaliland inuu yahay mid lama taabtaan ah oo aanay jirin cid wax ka badali kartaa. Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne waxa uu ka digay dhalinyarada Somaliland ee u ban-baxay tahriibka dalalka shisheeye oo uu sheegay in ay haliso badan kala kulmaan dariiqooyinka ay u maraan tahriibta, taas oo uu ka waramay qisooyin halis ah oo ay la kulmaan dhalinta tahriibaysaa. Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne oo wargeyska Haatuf uu shalay xogwaraysi kooban kala yeeshay arrimahaasi ayaa ugu horayn isagoo ka hadlaya jawigii lagu xusay 18-ka May waxa uu yidhi “Runtii shacbiga Somaliland ee ku kala dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisuba shucuurtii wadaninimo ee ay ku muujiyeen dabaaldagii xuska 18-may ka soo wareegtay 22 guurada gooni isku taaga Somaliland, waxay ahayd maalin qaran oo aan look kala hadhin, waxaanay shacbigu ku cadeeyeen in go’aanka gooni isku taaga Somaliland uu yahay go’aan shacab oo muqadas ah, oo aanay jirin cid gorgortan iyo wada hadal lagala gali Karin. Sidaa darted shacbiga Somaliland waxaan ugu baaqayaa sidii ay ugu dabaaldageen xuska 18ka may inay u ilaashadaan qaranimada iyo jiritaankooda, meelna uga soo wada jeestaan waxkasta oo xagal daacin kara qaranimada ku timid dhiigga loo huray halgankii qadhaadhaa ee dib loogu soo celiyay xornimada” Mujaahid Ibraahim Cabdillaahi Xuseen waxa uu intaa ku daray “Ninka moodaya in madaxbanaanida Somaliland ee ku timid dhiiga, in ciyaar lagu keenay waa nimaan habeena jirin, in wada hadal laga galaana waa xaaraan, maxaa yeelay aan wada hadalno waa aan heshiino”


Mujaahidka oo aanu wax ka waydiinay aragtidiisa la xidhiidha dhalinyarada Somaliland ee baryahan danbe dalalka shisheeye u tahriibaya, ayaa waxa uu yidhi “Dhalinyarada Somaliland ee shaqo la’aanta dalka ka tahriibayaa waa arrin aafo qaran ah, mana haboona in dhalinyarada Somaliland ay nafahooda u haligaan tahriibta dalalka shisheeye, waxana hada soo baxay arrimo dhaliilo leh oo dhalinyarada tahriibaysa kooxo ka ganacsada intay qoysaskooda la soo hadlaan si ay dhaqaale uga helaan ay yidhaahdaan Kalyihiibaa lagala baxayaa hadaan lacag loo soo dirin, waxaa la ii sheegay in nin hargeysa jooga wiilkiisu ka tahribay oo liibiya ku sugan ay niman ka ganacsada tahribtu tilifoon intay kula soo hadleen ay ku yidhaahdeen inankaagii kali baanu kala baxaynaa ee $5000 dollar soo dir si uu u badbaado, dabadeedna aabihii uu ku yidhi kala baxa anigana kalida labaad iiga saara oo lacagteeda ii soo dira dhaqaale aan usoo diro ma hayee nin biyoole ah ayaan ahaye, taasoo la sheegay in nimankii lacagta doonayay ay isla yaabeen. Hadaba waxaan ugu baaqayaa dhalinyaada tahriibaysa inay dalkooda ku samraan, mujaahidiintii SNM ee halgankii dalka ku naafoobay iyo kuwii ku agoomoobay iyo kuwii halganka dalka ku rajoobayba shaqo la’aanta way idinla qabaane dalkina ku samra”.

Haatuf



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured