HADALADA AAN MIISAANAYN EE MASUULIYIINTA DALKA SOMALIYA, WAA KUWO AAN KA GADMAYN GARASHANA KA DHEERTAHAY BY C/RAXMAAN CALI-NUUR CABDI

0
Tuesday May 21, 2013 - 19:18:01 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HADALADA AAN MIISAANAYN EE MASUULIYIINTA DALKA SOMALIYA, WAA KUWO AAN KA GADMAYN GARASHANA KA DHEERTAHAY BY C/RAXMAAN CALI-NUUR CABDI

    Waxaa 18 may 2013 ay Somaliland u dabaaldagtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa 18 may 2013 ay Somaliland u dabaaldagtay HADALADA AAN MIISAANAYN EE MASUULIYIINTA DALKA SOMALIYA, WAA KUWO AAN KA GADMAYN GARASHANA KA DHEERTAHAY BY C/RAXMAAN CALI-NUUR CABDI

Waxaa 18 may 2013 ay Somaliland u dabaaldagtay dib ula soo noqoshadeedii dal ahaaneed kadib markii ay hore ula midawday dalka somaliya taas oo uu hadafkeedu ahaa radinta shantii somaliyeed.
Raadintii midawga somaliyeed oo noqday mid shacabka Somaliland ay ku hungoobeen.hadimo ,dhib iyo hantaaqoyina ay kala kulmeen ,dhibaatooyinkaas oo aan ahayn kuwo ku koobnaa maamulkii taliskii M.SIYAAD BARRE laakiin ahaa kuwo soo taxnaa ilaa dawladihii ka horeeyey laga soo bilaabo M/weyne Adan Cade,Ilaa ay ka gaadhay in ay BURBURTO MIDNIMADII MAAWEELADA NOQOTAY.

Hadaba Somaliland ayaa ku guulaysatay in ay dhisto Maamul dawliya oo dhamaystiran una dhanyihiin tiirarka dawladnima,taas oo ay isu soo badaleen Afar Madaxweyne oo qaarkkood kuyimaadeen Codka dadweynaha oo ah doorasho xora, halka ay somaliya lasoo darseen dhibaatooyin iyo haligaad shacab Taas oo inta badan masuuliyadeeda dusha ay ka saarantahay hogaamiyayaasha siyaasadeed oo ku sifoobay Danaystayaal,u adeega dano dadkale iyo tooda gaarka ah,

Dabaaldega Somaliland ee sanadkan oo ahaa mid kuwii hore Heersareeyey dibad iyo gudaba shacabka Somaliland si weyn u xuseen maalintan. ayaa waxaa ay ku soo beegntay xili ay madaxda dalka somaliya kasoo yeedhayaan Hadallo aan loo meel ee geyn oo shacabka somalilland si wey u dhibsadeen,
Maamulo ku meelgaadha oo intooda badan laga soo yagleeyey dalalka jaarka ah ayaa soomaray somaliya kuwaas oo soo kordhiya uun sii kala fogaansho iyo isnacayb dhexdooda ah,maamuladaa oo midkastaa waayihiisa lahaa ayaa DALKA IYO DADKA SOMALILAND MARNABA AYNA KALA KULMIN WAX GARAWSHIYO AH ,
Hadalada xanafta iyo xigmad dadradu ka muuqato waa kuwo kasoo burqada madaxda kala sareysa ee dalka somaliya.kuwaas oo uu ugu danbeeye ka aan islahaa malaha kana loo qaatay oo wax hagaajindoona waa M/weyne xasan sh.maxamuud oo dhawaan haddallo aan waafi ahayni kasoo baxeen.mar uu magaalada muqdisho ka furayey Xarun Agoomeed ay maalgalisay Hay ad turki ahi.waxaa kaloo isna sidaa si lamida dhawaan u hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalkaas JAWARI,isla sidaa si lamida waxa hadlay Raysal wasaare Saacid.
Weedhihii xanafta iyo xigmad dadradu ka muuqatay ee Madaxweyne Xasan.waakuwan.
“Waxaan walalahayaga waqooyi(Somaliland) ugu baaqayaa in ay iska iloobaan wixii soo maray dadkoodana dhinac karaacaan” Ma u egyihiin Kuwii ay ku hadaaqi jireen hogaamiyaashii soo haligay umada ee kacaanka.
Weedhihii Kasii liitay ee uu warbaahinta mariyey Gudoomiyaha Barlamanka somaliya Jawahiri mar uu u warmayey HCTV isagoo ka had laya Qadiyada shacabka Somaliland waxaa uu ku tilmaamay fadhi kudirirka maqaaxiyaha,oo uu sii raaciyey waxaas maqaaxiyaha ayaa lagaga sheekeyaa ,
Markale Ra iisal wasaare saacid ayaa ku Hadley hadalo laaqiya oo aan ku haboonayn Hogaamiyae raba in uu dad isu keeno dalna dhibaato kasaaro,waxaan hadaladiisii ka mida “cidii ka hortimaada Dawlada fadaraalka somaliya in ay xoog ku muquunin doonaan” taas kumuu joogsan ee waxaa dalka Maraykanka ka dalbaday in Cafis loo fidiyo Ninka loo haysto in uu lug ku lahaa dhibaatooyinkii soo gaadhay shcabka Somaliland taas maxakamadi xukuntay , intan iyo in kale oo badanba waxay ina tusaysaa sida aanay hogaamiyayaasha somaliya uba waayo arkayn ee ay u taaganyihiin uun halkii shayalay lasoo maray iyo wadadii HOOGA IYO HALAAGA BALSE WAA HALKEY KA BIYO CABTO.
C/raxmaan Cali-nuur Cabdi
Hargeysa somalilan
Bulshawi82@hotmail.com/ 4410794/9163436


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured