dhalinyaradii Reer Berbera Oo Tahriib Miciin Biday iyo Talo Ku Socota Wax Garadka Reer Berbera

0
Tuesday May 21, 2013 - 19:09:15 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    dhalinyaradii Reer Berbera Oo Tahriib Miciin Biday iyo Talo Ku Socota Wax Garadka Reer Berbera

    badi dhalinyaradii reer berbera ayaa waxa maalin kasta laga soo sheegaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

badi dhalinyaradii reer berbera ayaa waxa maalin kasta laga soo sheegaa

dhalinyaradii Reer Berbera Oo Tahriib Miciin Biday iyo Talo Ku Socota Wax Garadka Reer Berbera.

badi dhalinyaradii reer berbera ayaa waxa maalin kasta laga soo sheegaa iyaga oo qaar loogu xidh xidhay dalka libya, qaarna ay ku madheen bad weynta u dhexaysa libya iyo atlyaaniga, tahtiibta dhalinyarada reer berbera ayaa waxay la kowsatay mudadii uu xilka qaranka uu la wareegay madaxweyne siilaanyo, iyada oo dhalinyarada reer berbera aan haba yaraatee wax dheef ah laga siin saabigii ay ku lahayeen xukuumada hadii ay noqon lahayd in xilalka qaranka loo magacaabo ama dhinaca shaqada wax laga siiyo, iayda intaasiba aysan jirin ayaa hadana intii joogtay shaqooyinka waaxaha dawlada laga eryay iyada oo aan ilaa hada aan la garanayn cadaawada dhabta ah ee ay xukuumada uu siilaanyo hogaamiyaa u qabto dhalinyarada reer berbera, akhriste waxaan aan ku sheegayaa waa dhab oo hadii aad is tidhaa xukuumadan siilaanyo ka dhex baadhan tirada dhalinyarada reer berbera ama reer saaxil ee kaag jirta xukuumada waa wax aad u tiro yar ama kow iyo laba la odhan karo, hadii aad akhriste aad is tidhaa oo maareyihii dekeda ayay leeyihii sow ma ogid in maareeyaha dekedu uu shaqaale daacad ah u yahay siilaanyo oo uu hadii uu dhalinayaro soo dhaweynayo waxa uu soo dhaweeyaa oo kaliya waa dhalinyarada ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo oo hada u muuqata inay magaalada berbera ujeedo kale ka leeyihiin.

dhibaatooyinka kala duwan ee haystaa dhalinyarada gobolka saaxil ayaa ah mid aan la soo koobi kari basle akhrisyaasha waxaan uu sheegi lahaa inay iyaga laftikoodu daraasadan oo kale ku soo sameeyaan gobolkii ka dibna ay ka hadlaan.

gabagabadii waxaan talo u soo jeedin lahaa dhamaan wax garadka ka soo jeeda gobolka saaxil,qurba joogta iyo guud ahaanba siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka saaxil, dhamaantood waa waajib inay il gaar ah ku eegaan wax yaabaha ka socda gobolkooda oo maanta ah wax aan indhaha laga qarsan kari oo u baahan in wax laga qabto hadii ay ahaan lahayd dhinaca dhalinyarada oo loo soo jeesto inta yar ee weli aan tahriibin in wax lala qabto iyo sidii looga foojignaan lahaa dadka aan u dhalan gobolka ee sida daadka ugu soo qul qulaya ee lagu beerayo gobolka.

Qalinka:Cumar Jaamac Maxamed

Berbera/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured